Puntland & Galmudug oo midba midka kale ku eedeeyay dagaalka ka soo cusboonaaday Gaalkacyo

0
Thursday December 03, 2015 - 18:44:58 in Wararka by
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland & Galmudug oo midba midka kale ku eedeeyay dagaalka ka soo cusboonaaday Gaalkacyo

    Maamulada Galmudug & Puntland, ayaa midba midka kale ku eedeeyay dagaalkii maanta dib kaga soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo, kaasoo galaaftay nolosha 10 ruux iyo dhaawaca 20 kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulada Galmudug & Puntland, ayaa midba midka kale ku eedeeyay dagaalkii maanta dib kaga soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo, kaasoo galaaftay nolosha 10 ruux iyo dhaawaca 20 kale. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soo-cadde, ayaa wuxuu sheegay xilli la fillaayay in maanta la dhaqangeliyo heshiiskii Gaalkacyo, ay madaafiic ka soo dhaceen Koonfurta Gaalkacyo, sida uu yiri.

Wasiirka oo la hadlay BBC, ayaa wuxuu si xoogan uu u beeniyay in dagaalka ay qaadeen Ciidanka Puntland, wuxuuna taa bedelkeeda uu sheegay in lagu soo xad-gudubtay oo lagu soo gardarooday Puntland.

Soo-cadde, ayaa ku celceliyay in dagaalka Gaalkacyo ay hurinayso gacan saddexaad, oo uu ku sheegay Ciidamada Dowladda Somaliya, oo la safan Ciidanka Galmudug ee ku sugan Gaalkacyo.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Maxamuud Aadan Cismaan (Masagawaay), ayaa wuxuu dhinaciisa sheegay in weerar qaawan ay Ciidanka Puntland ku soo qaadeen Koonfurta Gaalkacyo, isla-markaana ay dhibaato buuran u gaysteen dad aan waxba galabsan.

Wasiirka oo la hadlay BBC, ayaa sheegay in Ciidanka Puntland ay sabab noqdeen in uu burburo heshiiskii Gaalkacyo, ayna cadayn u hayaan in Ciidanka Puntland ay dagaalka soo qaadeen.

Sidoo kale waxa uu beeniyay in Ciidamada Xoogga Dalka ay ku lug leeyihiin dagaalka Gaalkacyo, isla-markaana ay taasi marqaati ka yihiin dhinacyadii dhex dhexaadinta u joogtay Gaalkacyo.

Wasiir Masagawaay, ayaa carab dhabay in Galmudug ay difaac uun ku jirto, isla-markaana uu daan-daansiga iyo weerarkuba ka socdo dhinaca Maamulka Puntland.

"Galmudug waxay ku jirtaa xaalad difaac ah, daan-daansiga iyo weerarada waxaa ka masuul ah Puntland, wixii cawaaqib xumo ee ka dhasha waxaa dusha u ridan doonto Puntland.” Ayuu yiri Masagawaay.

Dagaalkan, ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay soo qaadeen ciidan Puntland ka tirsan, oo sida la sheegay aan ku ganacsanayn heshiiskii afarta qodob ka koobnaa, ee Arbacadii lagu saxiixay Garoonka Gaalkacyo.

Dadkii reer Gaalkacyo ee bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda, ayaa waxay niyad jab weyn ka muujinayaan dagaalka dib kaga qarxay Magaalada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip