Dhinacyadii dhex dhexaadinta ka waday Gaalkacyo oo isu qaybiyay Koonfurta & Waqooyiga Gaalkacyo

0
Thursday December 03, 2015 - 18:41:55 in Wararka by
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhinacyadii dhex dhexaadinta ka waday Gaalkacyo oo isu qaybiyay Koonfurta & Waqooyiga Gaalkacyo

    Wefdigii Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/raashiid Cali Sharmaarke & Madaxdii Maamulada Jubbland iyo Koonfur Galbeed ee dhex dhexaadinta u joogay Gaalkacyo, ayaa waxay galabta qaadeen tallaabo ay xabad joojin ugu raadinayaan dagaalka dib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefdigii Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/raashiid Cali Sharmaarke & Madaxdii Maamulada Jubbland iyo Koonfur Galbeed ee dhex dhexaadinta u joogay Gaalkacyo, ayaa waxay galabta qaadeen tallaabo ay xabad joojin ugu raadinayaan dagaalka dib kaga soo cusboonaaday Magaaladaasi. Ra’iisal Wasaare Sharmaarke oo uu wehlinaayay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa waxay xilligan Waqooyiga Gaalkacyo ay kulan kula leeyihiin Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland, C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa iyaguna waxay hadda kulan Koonfurta Gaalkacyo kula leeyihiin Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxda Galmudug & Puntland, ayaa waxaa lagala hadlayaa sidii ay ku joojin lahaayen dagaalka maanta dib kaga soo cusboonaaday Xarunta Gobolka Mudug.

Dagaalku wuxuu si weyn uu u niyad jebiyay shacabkii reer Gaalkacyo, ee maalmihii ugu dambeeyay bilaabay in ay dib guryahoodu ugu soo laabtaan.

Dagaalkii maanta oo qarxay 11-kii duhurnimo, ayaa soo gaaray Maqribnimadii caawa, waxaana weli xabadda laga maqlayaa Magaalada, inkastoo aanay sidii hore u xoog badnayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo War Saxaafadeed kaga hadlay dagaalkan, ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay in la dhaqangelin waayay heshiiskii afarta qodob ka koobnaa, ee loogu magac-daray (Heshiiska Gaalkacyo).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip