Tiradda Ciidamada Uganda ee sannadkan uga geeriyootay Soomaaliya oo la soo saaray.
Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ayaa dib ugu laabtay dalkooda, iyadoo guutadaasi dib ulaabtay ay ahaayeen Guutadda 14-aad ee iyagu qeybta ka ahaa Hawlgalka AMISOM, kadib markii ay dhamaysteen Hawlgal Nabad ilaalin ah oo ay muddo Hal sanno ku joogeen Soomaaliya.
Guutaddaasi ayaa waxaa Taliye u ahaa Sarreeye Guuto Sam Kavuma ayaa waxa lagu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Entebbe ee duleedka Kampala.
Taliska Guud ee Ciiddanka Uganda ayaa sheegay inuu ciiddankaasi soo gaaray Khasaaro kooban, iyadoo mudadii halka sanno ee qeybta ka ahaayeen Hawlgalka AMISOM laga dilay 22-Askari oo keliya.
G/sare Paddy Ankuna Afhayeenka Ciiddanka Uganda ayaa amaanay Hawsha wanaagsan ee ay Ciiddankaasi soo qabteen, iyadoo tiradda Askarta Uganda kaga geeriyooday Soomaaliya ee sannadkan ay kor u dhaafayaan 70-Askari, iyadoo 50 ka mid ah lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga AMISOM ee Deegaanka Jannaale. Dhanka kale Ciiddanka Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 6,000 oo Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM
Tiradda Ciidamada Uganda ee sannadkan uga geeriyootay Soomaaliya oo la soo saaray.
Ciidamo ka tirsan kuwa Uganda ayaa dib ugu laabtay dalkooda, iyadoo guutadaasi dib ulaabtay ay ahaayeen Guutadda 14-aad ee iyagu qeybta ka ahaa Hawlgalka AMISOM, kadib markii ay dhamaysteen Hawlgal Nabad ilaalin ah oo ay muddo Hal sanno ku joogeen So