Wasiirka warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wariiye Hindiyo Xaaji Maxamed
Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" ayaa uga tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheladi iyo asxaabtii ay ka geeriyootay Allaha u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigeeda xilli ay mareysay nawaaxiga KM4 ee magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa si kulul u cambaareerayay weerarkaasi waxashnimada ah
oo lala beegsaday Allaha u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed oo ka
tirsaneyd wariyayaasha ka howlgala Radio Muqdisho iyo Telefishinka
Qaranka Soomaaliyeed.
Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa Hindiyo Xaaji ku tilmaamay shaqsi waddani ah oo si hufan ugu shaqeyneysay dadka iyo dalka Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray in kuwii ka dambeeyay dilka wariyahaasi lagu daba joogo sharcigana la horgeyn doono.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Wasiirka warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wariiye Hindiyo Xaaji Maxamed
Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" ayaa uga tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan eheladi iyo asxaabtii ay ka geeriyootay Allaha u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed oo u geeriyootay dhaaw