Ruushka oo shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab
Fesefold Takajenko oo ah danjiraha Ruushka u fadhiya Itoobiya ayaa sheegay inay Dowladiisa kordhinayso Xiriirka dhinaca ammaanka ee ay la leeyihiin Dowladda Itoobiya.
Danjiraha Ruushka ayaa sheegay mar uu shalay magaalladda Addis Abeba
kula kulmay Wasiirudowlaha Arrimaha Dibedda ee Itoobiya, Ataske Selaasi,
wuxuuna xusay inay Dowladda Itoobiya iska kaashan doonaan La-dagaalanka
Alshabaab.
Ruushka ayaa ayaa quudaranayo inay Dowladaha Geeska Afrika ka taageeraan La dagaalanka Al-Shabaab, waxayna tani ku soo aadaysaa xilli ay Diyaaradaha Dagaalka Ruushka duqeynayaan Deegaannadda ay Kooxda Daacish kaga sugan yihiin dalka Syria.
Dhanka kale waa marki iugu horreysay oo Diplomasi ka tirsan ruushka uu si cad u sheego inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan Dagaalka lagula jiro Xarakadda Al-Shabaab.