Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay deegaan ku dhow Gaarisa

0
Tuesday December 01, 2015 - 11:24:27 in Wararka by
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay deegaan ku dhow Gaarisa

    Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe gudaha u galay deegaan lagu magacaabo Kambere oo qiyaastii 15-km u jira magaalada Gaarisa, iyadoo boqolaal ciidamo ka tirsan Milateriga Kenya la soo dhoobay xuduuda ay la wadaagaan Soomaali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe gudaha u galay deegaan lagu magacaabo Kambere oo qiyaastii 15-km u jira magaalada Gaarisa, iyadoo boqolaal ciidamo ka tirsan Milateriga Kenya la soo dhoobay xuduuda ay la wadaagaan Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka Al-Shabaab ayaa markii labaad todobaad gudihiis gudaha u galay deegaan ka tirsan gobolka waqooyi bari Kenya, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada ay aad u hubeysan yihiin, dadkana ay u wacdinayaan.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay gudaha u galeen ka taagay calan madow, sidoo kale waxay dadka uga digayeen inay la shaqeeyaan ciidamada Kenya, isla markaana aanay u sheegin inay joogaan.

Saraakiisha ammaanka gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ka soo gudbeen xuduuda, isla markaana ay wadaan howl gallo lagu baadigoobayo dagaalyahanada alshabaab ee xuduuda ka soo gudbay.

Xiriiriyaha Gobolka waqooyi bari Kenya Maxamuud ayaa sheegay inay adag tahay in la sugo amniga deegaanada, isla markaana wadooyinka qaar ay roobabka gooyeen.

Si kastaba ha ahaatee dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab ka wadeen gudaha Kenya ayaa ahaa mid sii xoogeysanayay todobaadyadii la soo dhaafay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip