Shariif Xasan "Waxaa rabnaa reer Gaalkacyo in wixii dhacay xalay dhalay laga noqdo"
Shariif Xasan ayaa ka mid ah Mas’uuliyiinta dhex dhexaadinta ka dhex wada maamulada Puntland iyo Galmudug, isagoo xusay in aan loo baahneyn dagaal dib loogu noqdo, umada Soomaaliyeed ka soo daashay dhibaato.
"Dagaal dambe nooma noqdo, Umada Soomaaliyeed dhibaato waa ka soo dharagtay, waxaa rabnaa in wixii dhacay xalay dhalay laga noqdo, Nabad lagu wada noolaado, reer Gaalkacyo waa dad ehelo ah oo wiil iyo abtigiis ah”ayuu yiri Shariif Xasan.
Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sidoo kale ku baaqay in shacabkii barakacay dib guryahooda loogu coo celiyo, isla markaana odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka iyo ganacsatada ay u istaagaan.
Waxaa uu sheegay inay meelna uga socon Gaalkacyo ilaa nabad la gaaro, isla markaana ka hubsadaan in labada dhinac ay qalinka ku duugaan heshiis nabadeed.
Dhinaca kale waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo laga soo saaro war murtiyeed ku aadan heshiis nabadeed oo qalinka lagu duugo, kadib markii labada dhinac ay aqbaleen afar qodob oo uu soo jeediyay Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaraha hogaaminayay ee dhex dhexaadinta ka dhex wada Galmudug iyo Puntland.
Shariif Xasan "Waxaa rabnaa reer Gaalkacyo in wixii dhacay xalay dhalay laga noqdo"
Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay dadka reer Gaalkacyo inay nabad gaaraan, isla markaana si shuruud la'aan labada maamul u qaataan baaqa nabadeed.