Qaadka dalka Kenya oo halis ku ah galmada

0
Tuesday December 01, 2015 - 08:42:59 in Wararka by
  • Visits: 1490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaadka dalka Kenya oo halis ku ah galmada

    Cilmi baaris ay sameysay Jaamacadda Moi oo ku taala Magaalada Nairobi Ee Xarunta Kenya, ayaa waxaa lagu ogaaday in qaadku uu halis ku yahay noloshada bulshada, iyadoo uu si weyn u saameeyo galmada ragga, marka ay xaasaskoodu u teggayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cilmi baaris ay sameysay Jaamacadda Moi oo ku taala Magaalada Nairobi Ee Xarunta Kenya, ayaa waxaa lagu ogaaday in qaadku uu halis ku yahay noloshada bulshada, iyadoo uu si weyn u saameeyo galmada ragga, marka ay xaasaskoodu u teggayaan. Cilmi baarista, ayaa waxaa lagu yiri "Marka qaadka in yar laga isticmaalo waxay u muuqataa inuu sababaayo qofka in uu xiiseeyo galmada, sababtoo ah waxaa kordhaaya hamigiisa, laakiin marka si xad-dhaaf ah loo cuno inuu qofka ku qaadaayo dhibaatooyin xagga galmada ah, waxaana yaraata in uu awood u yeesho galmo uu sameeyo.”

"Waxaan kaloo derisnay tayada biyaha ragga, waxaana ogaanay kolka qaadka si aad ah loo isticmaalo inuu hoos u dhac ku imaanaayo tayada biyaha.”

Cilmi baaristan, ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in qaadka oo aad loo cunaa uu sababo wadno xanuun, dhiikar iyo cuduro kale oo ay ka mid yihiin in uu saamayn ku yeesho muuqaalka qofka.

Saynisyahano wax ka dhigga Jaamacadda Moi, ayaa waxay sheegeen in qaadku uu khatar guud ku yahay nolosha bulshada, waxayna farriintoodu tahay in laga fogaado cunistiisa.

Dalka Somaliya, ayaa noqday suuqa ugu weyn ee loo iib geeyo qaadka Kenya, ka gadaal markii ay Britain sanadkii hore joojisay in dalkeeda laga cuno qaadka. Qofkii lagu qabtaa isagoo qaad ku cunaaya amaba kaga ganacsanaaya dalka Britain, waxa uu la kulmi doonnaa ganaax.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip