Shacabka reer Gaalkacyo oo bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Gaalkacyo

0
Tuesday December 01, 2015 - 08:36:43 in Wararka by
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka reer Gaalkacyo oo bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Gaalkacyo

    Tobonaan qoysas ah oo ka mid ah qoysaskii isaga barakacay Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxay bilaabeen in ay dib ugu soo guryo noqdaan Magaalada, ka dib ifa-faalo nabadeed oo ka soo muuqatay Xarunta Gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobonaan qoysas ah oo ka mid ah qoysaskii isaga barakacay Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxay bilaabeen in ay dib ugu soo guryo noqdaan Magaalada, ka dib ifa-faalo nabadeed oo ka soo muuqatay Xarunta Gobolka Mudug. Magaalada Gaalkacyo waxaa ku sugan Masuuliyiin kala duwan oo u tagey, sidii lagu soo afjari lahaa dhiilada colaadeed ee Magaalada ku soo korortay, daba-yaaqadii bishii hore ee November.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo masuuliyiin kale, ayaa dadaal ballaaran ku bixinaaya, sidii looga fogaan lahaa dagaal dambe oo ka dhaca Gaalkacyo.

Shacabka Gaalkacyo oo ku barakacay duleedyada Magaalada, ayaa waxaa la arkayaa iyagoo si teel teel ah ugu soo laabanaaya Koonfurta & Waqooyiga Gaalkacyo, waxaana maalmaha soo socdo la fillayaa in si buuxdo ay ugu soo laabtaan Magaaladaasi.

Suxufiyiinta, ayaa waxay soo sheegayaan in dadku ay soo dhaweeyeen in Madaxda Galmudug & Puntland la isugu keeno Magaalada Gaalkacyo, si looga saxiixo in ay nabaddu aqbaleen.

Dadka degan Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa lagu tilmaamaa dhawr boqol oo kun, waxayna 22-kii bishii November bilaabeen in ay isaga barakacan Magaalada, inkastoo ay xoogoodu barakaceen wixii ka dambeeyay 25-kii November.

Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, ayaa ballanqaaday inaanu ka taggi doonin Magaalada Gaalkacyo, illaa iyo inta ay wax ka qabanayaan xiisadda dagaaleed ee ka taagan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip