Mareykanka oo dadkiisa ku amray inay isaga baxaan Caasimadda Afghanistan

0
Tuesday December 01, 2015 - 08:29:48 in Wararka by
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo dadkiisa ku amray inay isaga baxaan Caasimadda Afghanistan

    Mareykanka, ayaa si adag muwaadiniintiisa kaga digay inay ku sii sugnaadaan Magaalada Kabul Ee Xarunta Afghanistan, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaaya suurtagalnimada weeraro ka dhaca Magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka, ayaa si adag muwaadiniintiisa kaga digay inay ku sii sugnaadaan Magaalada Kabul Ee Xarunta Afghanistan, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaaya suurtagalnimada weeraro ka dhaca Magaaladaasi. Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Kabul, ayaa soo saartay war qoraal ah oo muwaadiniinta Mareykanka looga digaayo inay ku sii sugnaadaan Magaaladaasi.

Safaaraddu waxay kaloo amartay in muwaadiniinta Mareykanka ee qorsheynaaya inay taggaan Kabul, in aanay imaan, Safaaradda oo ku andacoonaysa in maalmaha soo socda ay weeraro ka dhici karaan Magaaladaasi.

"Waxaa markale muwaadiniinta Mareykanka looga digayaa inay u safraan Magaalada Kabul, kuwa ku sugana lagu wargelinaayo in ay isaga baxaan. Waxaana rajeynaynaa in dadku ay tixgelin doonaan awaamiirtan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

"Ammaanka dalka Afghanistan waxaa weeye mid aan xasiloonayn, waqtigaana halis ayaa ka soo gaari karta muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Kabul.” Sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka.

Digniintan, ayaa durbaba dareen baqdin leh ku dhalisay dadka Mareykanka ee degan Magaalada Kabul, waxayna diyaar u yihin inay u hogaansamaan digniintaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip