C/weli Gaas oo ka hordhacay baaritaanada dagaalkii Magaalada Gaalkacyo

0
Tuesday December 01, 2015 - 07:54:38 in Wararka by
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/weli Gaas oo ka hordhacay baaritaanada dagaalkii Magaalada Gaalkacyo

    Iyadoo lagu wado in guddi isku dhaf ah loo xil saaro baaritaanada dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, ayuu Madaxweynaha Puntland uu markale ku celiyay inaanay Puntland ka masuul ahayn dagaalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo lagu wado in guddi isku dhaf ah loo xil saaro baaritaanada dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, ayuu Madaxweynaha Puntland uu markale ku celiyay inaanay Puntland ka masuul ahayn dagaalkaasi. C/weli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, ayuu ku sheegay in la rabo in cidii ka masuulka ahayd dagaalkaasi loo sheego, si loo helo xal waara.

"Ka Puntland ahaan arrintaas masuuliyadeeda inaanan lahayn oo cid kale ay leedahay, la rabana in wixii dhacay wax la’iska weydiiyo, cidii masuuliyadeeda lehna la saaro oo loo sheego. Si loo helo xal waara, arrintaana dib dambe aysan u soo cusboonaanin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Isagoo ka hadlaayay dadaalada loogu jiro xoojinta nabadda Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa uu xusay in Puntland ay soo dhaweynayso dadaaladaasi, iyadoo uu Puntland ku sifeeyay mid jecleyd nabadgelyada iyo ku noollaashaha deris wanaagga.

"Waan soo dhaweynaynaa anagu, mar walbana sidaan ku celcelinay Puntland waxay iyadu ka shaqaynaysaa, diyaarna ay la tahay horumar, nabadgelyo iyo derisnimo wanaag inay ku noollaato. Horumarka dalka waa in laga shaqeeyo, waxa dhibtaan keenayna waxay ahayd horumarka aan ka shaqaynayno ayay ahayd runtii.” Ayuu yiri C/weli Maxamed Cali Gaas.

C/weli Gaas, ayaa rajeynaaya in ay dib u soo wada laabtaan dhammaanba shacabka labada dhinac, ee ku barakacay xiisaddi bishii November ku soo korortay Gaalkacyo.

Wefdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ee ku sugan Magaalada Gaalkacyo, ayaa kulan la leh Madaxweynaha Puntland, iyadoona lagu wado in kulankaasi lagu saxiixo heshiis lagu xoojinaayo xasiloonida Magaalada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip