WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH TALAADO 1-DA DISEMBAR 2015-KA

0
Tuesday December 01, 2015 - 07:18:00 in Wararka by
  • Visits: 722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH TALAADO 1-DA DISEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNAHA: "WAA IN XABBAD JOOJIN DEGDEG AH OO WAARTA AY KA DHAQAN GASHAA MAGAALADA GAALKACYO EE GOBOLKA MUDUG" Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqey xabbad joojin degdeg ah oo waart

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA: "WAA IN XABBAD JOOJIN DEGDEG AH OO WAARTA AY KA DHAQAN GASHAA MAGAALADA GAALKACYO EE GOBOLKA MUDUG" Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqey xabbad joojin degdeg ah oo waarta oo ka dhaqan gasha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaas oo ku dagaalameen ciidammada maamullada Puntland iyo Galmudug.

 

"Waa ayaan darro in mar kale si micno la’aan ah loo daadiyo dhiigga muwaadiniin Soomaaliyeed oo xaq u leh inay nabad iyo xasilooni ku noolaadaan. Waa in degdeg xabbadda loo joojiyaa, wax kastana wadahadal lagu dhammeeyaa’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay dagaalkan.

"Ilaahay ha u naxariisto intii ku dhimatey dagaalkan ka dhacay Gaalkacyo. Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo keygaba, aad ayay ii dhibeysaa inaan arko dad Soomaaliyeed oo naftooda ku weynaya colaad sokeeye oo laga baaqsan karey, dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo ula jiifa colaaddaa awgeed, kuwo qaxaya iyo hantidooda ay burburtey intaba. Waana in maskaxda lagu hayaa in Ilaahay nagula xisaabtamayo fal kasta oo aan sameyno, ha noqdo mid san iyo mid xun intaba’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay garowsan tahay baaxadda dhibaatada halkaasi ka jirta, sababtaasi awgeedna ay halkaasi uga bilowdey dadaalo nabad raadin ah oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

"Colaad kasta oo xilligan la abuuro waxay dib u dhac ku tahay dadaalka ay Soomaaliya doonayso inay dib u soo kabato, iyo barnaamijyada kale ee muhiimka u ah dhismo qaran cusub oo Soomaaliyeed oo caalamka la tartami kara. Waxaa coladdan ay si toos ah u dhaawacaysa barnaamijyada iskaashiga caalamiga iyo Soomaaliya ee dib u dhiska dalka, barnaamijka Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aaminayo mustaqbalka siyaasadeed ee waddankeena iyo kuwo kale oo aan nabad iyo xasilooni la’aantood aan la dhaqan gelin Karin''.

Waxaa uu Madaxweynaha ugu baaqey maamullada Puntland iyo Galmudug inay si buuxda ula shaqeeyaan, gacanna uga geystaan dadaalaka Ra’iisul Wasaare Sharma’arke, Dowladda Federaalka ee Soomaaliyana aanay marnaba u dulqaadan doonin in mar kale la daadiyo dhiigga shacabka iyo barakicinta ummadda u oomman nabadda ee dagaalada ay saameeyeen 25kii sanno ee la soo dhaafay.

FAAHFAAHIN: HESHIIS ISAFGARAD OO GAALKACYO LAGU GAARAY IYO MAXAABIIS LAGU WAREEJIYAY RWHA

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dadaallada uu hormuudka ka yahay RW Somalia Cumar C/rashiid ee Gaalkacyo ka socda, kuwaasoo lagu dhexdhexaadinayo maamullada Puntland iyo Galmudug oo dhawaan ay iskahorimaadyo ku dhexmareen magaaladaas.

RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali ayaa lagu wareejiyay maxaabiis dagaalladii ka dhacay dhawaan magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo kasoo jeeda Puntland, iyadoo maxaabiistan oo uu wareejiyay madaxweynaha Galmudug, C/kariin Guuleed ay tiradoodu ahayd sagaal qof.

Shir jaraa'd oo Gaalkacyo ay ku qabteen madaxweynaha Galmudug, C/kariin Guuleed iyo RW Sharma’arke ayaa waxay ku sheegeen inay isla meeldhigeen afar qodob oo xiisadaha colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo lagu xallinayo.

"Mas’uuliyiinta ka socda dowladda Somalia iyo maamulgoboleedyada Gaalkacyo u yimid xallinta colaadda ka taagan waan u mahadcelinaynaa; marka labaadna waxaan aqbalnay 4qodob oo ay xubnahan noosoo jeediyeen, kuwaasoo lagu xallinayo colaadda Gaalkacyo,” ayuu yiri Guuleed.

Guuleed oo sii hadlayay ayaa sharraxay afarta qodob ee loosoo jeediyay oo lagu xallinayo colaadda Gaalkacyo ka taagan, kuwaasoo uu xusay inay dhankooda ku aqbaleen si shuruud la’aanta ah; waxayna kala yihiin afarta qodob;

1. In dhammaan xabbadda iyo dhammaan muuqaallada colaadeed la joojiyo

2. In Ciidamada ishorfadhiya la kala Qaado

3. In dadkii magaalada ka barakacay lasoo celiyo

4. In la dhiso guddi kawada hadla dhibka jira, guddigaas oo ay soo dhisayaan dhinacyada kala duwan iyo dowladda federaalka Soomalia.

"Waxaan ra'iisul wasaaraha Somalia ku sharafnay inaan ku wareejinno sagaal ruux oo ahaa maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Gaalkacyo; kuwaasoo intii aan haynay aan si wanaagsan ula dhaqannay, innagoo u arkaynayinay yihiin dad walaalaheen ah,” ayuu intaas ku daray madaxweynaha Galmudug.

Dhanka kale, RW Somalia ayaa isagana sheegay inay ka go’an tahay in xiisadda ka taagan magaalada Gaalkacyo xalwaara laga gaara, isagoo intaas ku daray in uu ku faraxsan yahay maxaabiista uu madaxweynaha Galmudug ku wareejiyay iyo sida ay u aqbaleen qodobadii ay soo jeediyeen si loo xalliyo colaadda ka jirta Gaalkacyo.

"Waxaan ku faraxasannahay in afartii qodob ee aan soo jeedinnay ay madaxda Galmudug nala qaateen; weliba waxaan kusii adkeynayaa in colaada la joojiyo iyo in labada dhinacba ay isku waqti ku baaqaan nabad, ayna yiraahdaan wixii shalay ka dambeeya colaadi kama dhacayso magaaladan,” ayuu RW Sharma’arke ka yiri shirka jaraa’id.

RW Somalia ayaa intaas ku daray in fulinta qodobbadan ay billaabi doonaan mar Alle iyo markii dhinacyadu ay ku dhawaaqaan baaqyadooda nabadeed, isagoo ku daray intaas inuu kaga mahadcelinayo madaxweynaha maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Gaalkacyo ee ka soo jeeday Puntland oo tiradoodu ahayd sagaal askari.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isla shalay soo gaaray Waqooyiga Gaalkacyo, halkaasoo isaga iyo dhiggiisa Jubbaland, Axmed Madoobe ay kula kulmeen waxgaradka Puntland, balse lama wixii kasoo baxay kulammadaas.

SHEEKH SHARIIF "SOOMAALIYA SHALAY UMA BAAHNA DAGAAL CUSUB, WAA IN DAGAALKA GAALKACYO LA JOOJIYAA”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka Gaalkacyo, isagoo ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya inay dagaalka joojiyaan, ayna gaaraan nabada ka wada shaqeeyaan.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in shalay ay aheyd in laga shalaayo wixii daraad dhacay, isla markaana aan loo baahneyn dagaal cusub oo ka dhaca Soomaaliya.

"Waxaan aad uga xumahay dagaalada ka dhacay Gaalkacyo, dadna ku dhinteen, dadna ku barakaceen, waxaa codsanayaa in dagaalka la joojiyo, shalay waxay tahay inaan ka daraadno wixii daraad naga dhintay oo gacmaheena aan ku dilnay, shalay ma aheyn in dagaal cusub Soomaaliya ka bilaabmo, waxaa leenahay nafta iyo sheydaanka ha lala dagaalamo, dadka waa walaalo deegaanka waligeed waa la wada degenaa, dadka wada degana, xuquuq gaar isku leeyihiin ama iska dhex gal, kala guursasho, iyadoo hadana xuquuqda islaamka meesha taalo”ayuu yiri Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlayay.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay qaadato kaalinteeda, isla markaana la joojiyo dagaalka, isagoo xusay in aanay habooneyn inaan inay dhacaan dagaalo cusub, dadkana ay sii barakacaan, waxaana uu xusay inay tahay mid adduunyo iyo aakhiro qasaaro ah.

"Dowladda kaalinta saaran waa isu keenid, isu soo dhoweyn dadka walaalaha ah, dagaalada in la joojiyo, inay xoog uga shaqeyso waa waajibaadkeeda koowaad iyo labaad waayee waxay dowladda u taagan tahay inay shacabka is jecleysiiso, shacabka nabadeyso, nabad kadib ayaa horumar imaan karaa, nabad la’aan waxba ma imaan karo, dadka soomaaliyeed cudurka dilaayo, Alshabaabka dilaayo, gaajada u dhimanayo in xabad loogu sii daro lama rabee waxaa la rabaa nabad in laga shaqeeyo, waxaa rajeyneynaa in dowladda ay qaadato mas’uuliyadeeda ku aadan nabadeynta iyo xabad joojinta dagaalada”ayuu yiri.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u soo afjari laheyd dagaalka Gaalkacyo, waxaana wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, Madaxda Maamul goboleedyada ay wadaan waan waan lagu dhameynayo xiisada ka dhex jirta Maamulada Puntland iyo Galmudug.

 

SHIRKA CIMILADA OO KA FURMAYA PARIS SHALAY

Wadaxaajoodya looga gol leehay in lagu gaaro heshiis wax looga qabanaya isbadalka cimilada ayaa ka furmay magaalada Paris. Waxaa magaaldaasi gaaray in kabdan 100 hogaamiyayaal kakala yimid dunida daafaaheeda.

Madaxweyne Obama, waxa uu sheegay in uu rajo ka qabo in la gaaro heshiis la isku raacsanyahay.

Weriye ka tirsan BBCda oo ku sugan magaalada Washington ayaa sheegaya in Maraykanku uu sababay carro badan kadib markii uu ku adkaystay in waddamada tujaarta aysan hadda kadib aqbalin in ay dusha u ritaan masuuliyad ka badan tan waddamada soo korayo marka ay timaado yaraynta gaaska hawada wasakheeyo.

Waddamada sida Hindiya ayaa si wayn arintaasi uga soo horjeedo oo ku dooday in Maraykanka uu isku dayaya in uu masuuliyaiisa ka baxsado.

Malaayin qof ayaa daraad dibad baxyo ka sameyay caalamka daafahiisa, ka hor intaan la qaban shirka isbadalka cimilada ee adduunka ee ka dhacaya caasimadda Paris. Kumanaan ayaa isugu soo baxday magalooyinka Sydney, Seattle, Honkong, Barlin, London iyo Sao Paolo.

Magaalada Paris iyadu waxaa wali saaran xukun degdeg ah waxaana la mamnuucay isusoo baxyada, dadka ayaa .

Kabo dhigay barxada Jamhuuriyada ee Paris si loo sameeyo bannaanbax mala’awaal ah

Dadkaas qaar ka mid ah ayaa kaboohada waxa ay ku xardheen fariimo ay ugu baaqayaan hoggaamiyayaasha caalamka in ay wax ka qabtaan diiranaanta hawada.

Kabaha qaar oo dhir lagu beeray ayaa iyagana halkaa la dhigay.

Baadari weyne Pop Francis iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon, ayaa iyaga laftirkooda kaba soo dhiibay.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA AYAA MAGAALADA DUBAI KULA KULMAY MADAXDA UGU SAREYSA DALKAASI.

Madaxweynaha jamuuriyada soomaaliya xasan sheikh maxamuud ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada dubai ee xarunta dalka iskutaga imaaratka carabta waxaana madaxweynaha uu kula kulmay howlka soodhaweynta madaxda , madaxweyne kuxigeenka ahna reisul wasaaraha dalkaasi Mohammed bin Rashid Al Maktoum, duqa magaalada Abu Dhabi Highness Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan iyo Taliye kuxigeenka ciidanka dalkaasi.

Madaxweyne xasan sheikh maxamuud ayaa dalkaasi u gaaray arrimo badan inkastoo madaxweynaha booqashadiisa aan horay looshaacin.

Madaxweyne xasan sheikh ayaa lagu wadaa dhanka kale in magaaladaasi uu kula kulmo kulaqaato madax kala duwan oo iyagana ka qeyb galaya shirar gaargar ah oo dalka imaaratka ka dhacaya.

Madaxweynaha dalka sudan cumar xasan Albashiir , madaxweynaha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn , madaxweynaha gobolka kurdiyiinta dalka ciraaq Masoud Barzani iyo madax kale ayaa iyagana kusugan magaalada dubai kuwaasi oo uu madaxweynaha soomaaliya uu kulamo la qaadan doono .

Kasakoow ka hadalka xiriirka soomaaliya iyo imaaratka ayaa madaxweyne xasan sheikh maxamuud waxaa uu ka qeyb gali doonaa ciyaarta kama dambeesta ee looyaqaan formula1 taasi oo lagu qabanaayo garoonka Yas Marina ee caasimada kuyaal.

WASIIRKA MAALIYADDA SOOMAALIYA OO WAR KA SOO SAARAY MUSHAARKA CIIDANKA DOWLADDA

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaduu ay ka warqabto in Ciidanka Dowladdu ay Mushaarkooda si joogto ah u qaadanayeen 10kii bilood ee u dambeysay Sanadkan.

Wasiirka oo Daraad gaaray Magaalada Beledweyne isaga iyo xubno Wasiirro ah ayaa waxaa ay Magaalada ka fureen Mashaariic Horumarineed, kuwaas oo ay ka mid yihii 2 Suuq oo ganacsi, kuwaas oo magaalada Beledweyne loogu tala galay in ay ku shaqeystaan dadka aan awoodin in ay Baqaarrada ku ganacsadaan.

Hadal uu ka jeediyey Goob Fagaare ah oo uu kula hadlayay dadka Magaalada Beledweyne ayuu ku sheegay in Ciidanka Dowladdu ay muddo ku dhow Sanad Mushaarkooda si caadi ah u qaadanayeen, qorshaha wasaaraddiisana ay ka mid tahay in ay sii waddo bixinta Mushaaraadka Askarta Dowladda oo Boolis Meletari iyo Nabad sugidba ka kooban.

Waxaa uu sheegay in uu dowladda kula laaban doono Baahiyada ay qabaan dadka reer Hiiraan, gaar ahaana Beledweyne oo dadku waxyaabaha ay u gudbiyeen uu dowladda u geyn doono.

MAGAALADA MUQDISHO OO DIB LOO FURAY HOTEL DHOWAAN QARAX XOOGAN LALA EEGTAY + Sawirro

Munaasabadda dib loogu furayay hotelka waxaa ka soo qeyb galay madax ka tirsan Dowladda Federaalka, Ganacsato, xubno horay xilal uga soo qabtay dalka, diblomaasiyiin shisheeye iyo marti sharaf kale oo fara badan.

Hotelka Aljazeera ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah hoteelada ugu caansan magaalada isla markaana dhowaan lala eegtay qarax is miidaamin ayaa dib loo furay maalintii daraad, iyadoo ammaanka wadada hor marta hotelkaasi si weyn loo adkeeyay.

Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay waxaa ka mid ah Guddoomiyaha rugta ganacsiga C/Kariin Gabeyre oo ku ammaanay maamulka hotelka Aljazeera sida ay kor ugu qaadayaan ganacsiga isla markaana tartan u geliyeen hoteelada Muqdisho, waxaana ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb gashay Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo Ra’iisal Wasaarayaashii dalka soo maray.

Marka la eego qaab dhismeedka Hotelka ayaa ciriiri weyn geliyay gawaarida isticmaasha wadada hor marta hotelka oo qeyb ka mid ah loo xiray sababo amni dartood, tiiyoo sidaasi ay tahay hadana lala eegtay qarax weyn oo burbur xoogan u geystay dhismaha Hotelka.

Hotelka AlJazeera oo ay degan yihiin safiirada, weriyeyaasha shisheeyaha, diplomaasiyiinta iyo madaxda Dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn sida uu ku sii howlgeli karo, bacdamaa ay weli jirto khatarta ururka AlShabaab uu ku hayo goobaha muhiimka ah.

DOWLADDA KENYA OO AMARTAY IN LA XIRO NIN DALKA BRITAIN U DHASHAY OO LAGU TUHMAY ALSHABAAB

Taliska sare ee booliska Kenya, ayaa bixiyay amarkii lagu soo xiri lahaa nin haysto dhalashada dalka Britain oo lagu magacaabo Maalik Yaasin, laguna tuhuumay inuu ka tirsan yahay Alshabaab isla markaasna uu qaab dhumasho ah la sheegay inuu ku soo galay Kenya.

Booliska, ayaa sidoo kale ka codsi shacabka iney feejignaan sameeyaan ayna wargaliyaan ciidamada amniga, haddii ay arkaan ninkaas oo lagu eedeyay in uu ka mid yahay xoogagga shisheeye ee ka barbar dagaalamo Al Shabaab.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, ayaa barteeda Twitterka kusoo bandhigtay Sawirka eedeysanaha oo ay ku lifaaqneyd warbixin yar oo tilmaam guud ka bixineysay tuhmanahan oo muuqaalkiisa loo bandhigay Shacabka Kenya si ay fikrad guud oga qaataan.

Maalik Yaasin, ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay dagaalyahanada ka soo jeedo Britain ee ka tirsan Xarakada Al Shabaab ee Somalia ka dagaalanto, laakin dowladda Kenya ma aysan sheegin sababta uu dalkeeda u yimid iyo waliba waxyaabaha uu damacsan yahay.

Illaa 20qof, ayaa la sheegayaa in siyaabo kala duwan dhawaanahaan loogu xiray Kenya, kuwaasoo qaarkood lagu eedeyay iney basaasiin u ahaayeen Iiraan oo ay u fududeynayaan weeraro ay damacsan tahay iney la beegsato muwaadiniin reer galbeed oo Kenya ku sugan.

Sannad ka hor ayay ahayd markii booliska dalka Kenya ay xireen labo nin oo Iraaniyiin ah, kuwaasoo la sheegay inay iska dhigayeen ganacsato dooneysay inay Kenya maalgashi ku sameeyaan, balse haystay Hub sharci daro ah.

Taliyaha guud ee Ciidamada Bilayska Kenya Joseph Boinnet, ayaa maalin ka hor cadeeyay in labo qof oo Keenyaan ah loo xiray eedeymo ku saabsan iney Jaajuusiin u ahaayeen Sirdoonka wadanka Iiraan, ayna kala shaqeynayeen sidii ay danahooda oga fushan lahaayeen Kenya.

Dhanka kale, Noshiin oo ah gabar uu dhalay Abubakar Lou oo ka mid ah eedeysanayaasha loo xiray iney jaajuusiin u ahaayeen dowladda Iraan, ayaa diiday eedeynta loo soo jeediyay Aabaheed oo da’diisa lagu sheegay 69 sano jir.

Xukuumadda Kenya ayaa horay waxaa oga dhacay weerarro khasaaro badan geystay oo la sheegay qaarkood inay fuliyeen Ajaanib haysto dhalashooyin kala duwan. Waxaana ka mid ahaa weeraradii lagu qaaday Jaamacada Magaalada Gaarisa iyo Xaruntii Ganacsiga ee Westgate.

Sidoo kale 17kii bishii Juun sannadkaan ayey aheyd markii ciidamada Difaaca Kenya ee KDF ay dileen Thomas Evans oo ahaa nin u dhashay dalka Britain, kana tirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab, kaddib markii ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada Milatariga Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Baure ee ka tirsan ismaamulka Laamu ee gobalka xeebta Kenya.

MAXKAMAD DHALLINYARO YUHUUD AH KU HESHAY DILKA WIIL FALASTIINI AH OO LAGU GUBAY NOLOSHA

Maxkamad ku taalla magaalada Jerusalem ayaa ku heshay laba ruux oo Israa’iiliyiin ah dambi la xiriira dilka wiil 16 jir ah oo Falastiini ahaa oo nolosha lagula gubay Bariga magaalada Jerusalem sannadkii 2014kii.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa hakisay go’aanka ruux saddexaad oo ah 31jir ah oo lagu magacaabo, Yosef Haim Ben David, kaddib markii garyaqaankiisa uu u soo gudbiyay maxkamadda daqiiqaddii ugu dambeysay go’aan cusub oo uu ku difaacayo.

Labada dhallinyarada ah ee dambiga lagu helay ayaa la filayaa in xukunno lagu rido bisha Jannaayo ee sannadka soo socda. Inkastoo aan la ogeyn xukunkooda wuxuu noqon doono.

Wiilka Falastiiniga ah oo nolosha lagu gubay oo lagu magacaabi jiray AbuKhdeir ayaa la afduubtay, kadibna la gubay, iyadoo looga aargudanayay afduubka iyo dilka saddex ruux Israa’iiliyiin ahaa. Aabbihiis ayaa cambaareeyay xukunka shalay.

Ugu dambeyn, dilka wiilkaan 16ka ahaa ayaa qayb ka ahaa weerarro Markinka Gaza ka dhacayay 50 maalmood oo xiriir ah, kuwaasoo ay ku geeriyoodeen tiro ka badan 2,200 oo qof oo badankood ahaa Falastiiniyiin.Si kasta ha ahaatee, dilalka loo geystay shacabka Falastiinta ah ayaa aad u soo badanayay sannadihii u dambeeyay, iyadoo dilalkan intooda badan ay geystaan ciidamada Yuhuudda oo ku bartilmaameedsada Marinka Gaza iyo magaalada Jerusalem ama Quddus..

WASIIRKA WASAARADDA XANAANADA XOOLAHA DHIRTA IYO DAAQ OO BOOQDAY XARUUNTA GUUD EE CAAFIMAADKA XOOLAHA DALKA SUUDAAN.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Siciid Xuseen Ciid oo howlo shaqo u jooga Dalka Suudaan ayaa booqday Xarunta guud ee Caafimaadka Xoolaha iyo ka hortaga Cudurada Xoolaha ee Dalka Suudaan iyadoo ay wehelinaayeen Dr. Yuusuf Cali Raage Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Tababaradda iyo Dr.Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Maxamuud Lataliyaha Wasiirka

Waxaana kulamadaas Wafdiga Booqashooyinka ku weheliyay Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Suudaan Ibraahim Guure Maxamed iyadoo kulamada qaarna uu goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Suudaan AmbassadorMaxamed Cabdulaahi Ugaas.

Wasiir Saciid ayaa ugu horeyntii la kulmaay maamulaha Xarunta guud ee Caafimaadka Xoolaha iyo ka hortaga Cudurada Xoolaha ee Dalka Suudaan Dr.Khidir Mohamed Elfaki oo wasiirka siiyay warbixin kooban oo quseysa Xarunta iyo habka ay u shaqeeso iyadoo wafdigu wasiirku socod kusoo maren qaybaha kala duwan ee Xaruntaasi.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay Gudoomiyaha Xaruuntan Dr. Khadar Maxamed waxa uuna tibaaxay Wasiirka in ay waxbadan oo faa’ido leh Xaruuntan ku arkeen diyaarna u yihiin ka Wasaarad ahaan in ay iskaashi dhan walbo leh la sameeyaaan Xaruuntan

Dhanka kale Wasiirka ayaa sidoo kale Xafiiskiisa ku booqday Dr. Daariq Muusa oo ah Agaasiimaha Guud ee ee ururka Jaamacada Carabta u qaabilsan dhanka Beeraha iyo Xoolaha isagoo kala hadlay qaabkii ay isaga kaashan lahaayeen ururka jamacada carabta xafiiskiisabeeraha iyo xoolaha qaabilsan iyo Wasaaradda Xanaaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Soomaaliya waxayna isku afgarteen inay yeeshaan wadashaqayn dhow iyo qorshe wadashaqayn oo cusub.

Waxay Sidoo kale Wafdiga Wasiirku Booqasho ku tageen Jaamacada Khartuum Kuliyada Culuumta Xoolaha iyadoo kulan balaaran la yeeshay Madax kuliyada iyo Proffessorada wax kadhiga qaybtaas halkaas oo warbixin buuxda laga siiyay Jaamacada iyo kuliyada X.Xoolaha iyo faracyadeeda.

DR. CABDIRAXMAAN FAROOLE: MADA XWEYNAHA SOOMALIYA HA TAGO ISAGA MAGAALADA GAALKACYO EE GOBOLKA MUDUG

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa Nasiib daro ku Tilmaamay dagaalka ka dhacayay Maalmihii dambe Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farooleoo warbaahinta kula Hadlay Magaalada garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Labo Maamul ay isku dagaalaan wado Laami ah oo la dhisaayo Taasina ay keento in dad badan ay ku dhintaan dagaalada ka dhacay Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug,

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ugu baaqay Madaxda dowlada soomaliya uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaliya in ay Tagaan Magaalada Gaalakcyo si meesha ugu Baxdo wararka xanta ah ee loo jeediyo Madaxda dowlada soomaliya,

QARAMADA MIDOOBE OO DOWLADA KENYA UGU DEEQ DAY LACAGO LAGULA DAGAALAMAYO ALSHABAAB

Golaha Amaanka ee qaramada midoobe ayaa dowlada Kenya ugu deeqday lacag dhan 2.3bilyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta 22 milyan oo doolarka marekanka ah.

Lacagaha ayaa loogu deeqay ciidanka militriga dalkaasi ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ee soomaaliya.

Afhayeen u hadlay qaramada midoobe ayaa sheegay in lacagaha ciidanka Kenya ay ugu deeqeen loogu talagalay la dagaalanka xarakada Alshabab.

Qaramada midoobe ayaa sanadkii 2014kii u balan qaaday dowlada Kenya lacagaha lasiiyey ciidanka Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa dagaal kula jira xarakada Alshabab, tan iyo markii ay kamid noqdeen howlgalka Amisom ee dalka soomaaliya kasocda.

Ciidan gaaraya 4660 askari ayaa dowlada Kenya kajooga dalka soomaaliya kuwaasi oo kamid ah howlgalka Amisom ee soomaaliya.

Dowlada kenya ayaa qeyb ka ah Howlgalka nabad ilaalinta ee Amisom kuwaasi oo qeyb ay kayihiin dowladaha Uganda, Burundi ,Ethiopia iyo dalka jabuutiwaxaana maalgaliya dowladaha midowga yurub iyo qaramada midoobe kuwaasi oo bixiya mushaaradka ciidamadasi oo gaaraya 22000 oo askari

HOWLGALLO DAD BADAN LAGU SOO QAB QABTAY OO LAGA SAMEEYAY MUQDISHO.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo shalay ay ka sameeyeen Xaafado ka kala tirsan degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshid ay ku soo qab qabteen tiro dad ah.

Ku dhawaad 30 qof oo u badan dhalinyaro ayaa Howlgalladaasi shalay lagu soo qab qabtay kuwaas oo qaarkood la sii daayay halka kuwa kalana la sheegay in loo ka xeeyay saldhigyada degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.

Hay’adaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli faah faahin rasmi ah aan ka bixinin Howgallada.

Degmooyinka Yaaqshid iyo Heliwaa ee shalay Howlgallada laga sameeyay ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Xarakada Al Shabaab.

KENYA OO CIIDAMO BADAN IYO HELICOPTERO SOO DHOOBTAY XUDUUDA SOMALIYA AY LA LEEDAHAY

Kadib markii Ururka Shabaab isbuucaan gudihiisa ay la wareegeen deegaan ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya oo muddo saacado ah ay ku sugnaayeen, ayaa Dowladda Kenya waxa ay sheegtay ciidamo badan inay soo dhoobtay xuduuda si ammaanka loo adkeeyo.

Ciidankaan ayaa la sheegay inay adkeynayaan ammaanka Xuduuda, waxaana ay halkaasi ka ilaalinayaan Shabaab inay ka soo gudbaan, maadaama Kenya ay aaminsan tahay Shabaabka weerarada ka geysta Gobolka Waqooyi Bari Kenya inay ka gudbaan xuduuda.

Madaxa ammaanka Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, Mohamoud Salah ayaa sheegay inay aad u adag tahay inay ciidanka ilaalo ka qabtaan xuduudka sababo la xiriira iyadoo ay roobab xooggan da’een iyo Waddooyinka oo aad u xun.

Roobabka da’ay ayaa sababay in wadooyinka ay aad u xumaadaan, waana mida keentay in Kenya ay isku aamini weydo ciidamo dhanka dhulka ah ka howlgala kaliya.

Diyaaradaha Helicopterka ayaa la sheegayaa in xilliyada qaar ay sameeyaan howlgalo gaafmeer ah oo ammaanka ay ku xaqiijinayaan.

Inkastoo Kenya xuduuda ay si weyn u adkeysay, hadana Shabaabka waxa ay ku sugan yihiin Keymaha Boni oo waxaa la aaminsan yahay dagaalyahano Kenyan ah iyo kuwa Somali ah inay halkaasi ku sugan yihiin, waana meesha badi laga qorsheeyo weerarada ka dhaca dalka Kenya.

MADAXWEYNAHA WADANKA MAREYKANKA OO MAGAALADA PARIS KULA KULMAY MADAXWEYNAHA RUSSIA …

Madaxweynaha Dalka Mareynka Barack Obama ayaa Shalay Magaalada Paris ee dalka Faransiiska Kula Kulmay dhigiisa dalka Russia Vladimir Putin kadib markii dalkaas shalay uu ka Furmay shirka loogu Hadlaayo isbadalka Cimilada.

Barack Obama ayaa kala Hadlay dhigiisa dalka RussiaVladimir Putin sidii loo xoojin lahaa dagaalada dhanka cirka ah ee Lagula jiro kooxda daacish ee wali ku sugan dalalka Syria iyo Ciraaq,

Dhanka kale Madaxweynaha wadanka Mareynka ayaa kala Hadlay arinta ku aadan in meesha laga saaro Madaxweynaha wadanka SyriaBashar alAssad, si dalkaas dib loogu soo celiyo Nabadii Horey ugu jirtay,

Madaxweynaha Dalka Mareynka Barack Obama ayaa sidoo kale dhigiisa dalka Russia kaga Tacsiyadeeyay dhimashii Bayloodkii Oleg Peshkov kasoo dhintay Kadib markii ay ciidamada cirka dalka Turkyga ay soo rideen Diyaarad uu xiligaas waday,

Duqeymaha dalka Syria ay ka wadaan Diyaaradaha dowlada Russia waaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad shacab ahaa oo gaarayay 1,502qofwaxaa la aamisan yahay in qasaaraha soo gaaray kooxda Daacish uu aad u Yaryahay,

HALKEE BUU URURKA DAACISH KA YIMID!? (WARBIXIN).

Aad bay muhiim u tahay in la ogaado shekada la xariirta waxay ay Daacish tahay,Inta badan siyaasiinta iyo warbaahintu wax badan kama oga waxa ay Dacish tahay iyo halka ay kasoo aas aasmeen.

Haddii ay ogyihiina kama run sheegaan haddaba aan is weydiinee halkee Daacish ka timid? Yaa aas asay xageese ka helaan dhaqaalaha.

Magaca Daacish hadda dad badan oo dunnidaan ku nool ayaa yaqaana haddii aan si kale u dhahnana inta badan dadka Maraykanka waa ay wada yaqaanaan.

Waa magac aad looga argagaxo halisna ku ah amaanka wadamo Maraykanku ka mid yahay marka AlQacida laga reebo.

Waa koox aad u arxan daran oo ku soo caan baxay dil wadareed waana waji cusub oo argagagixso oo dunnidana saameyn ku leh.

Hadda dawlado Maraykanku ka mid yahay waxay dalka Syria ka wadaan duqeyn xoog leh oo lala eeganayo xarumo ay Daacish leeyihiin ama la aaminsan yihiin in hogaamiyaashoodu ay sugan yihiin.

Sidoo kalena madaxda dawlada Maraykanka ayaa ka arrinsanaya suurtagalnimada in ciidamo Maraykan ah loo diro dalka Ciraaq si ay ula dagaalamaan ISIS Sadex sano kadib markii lagu dhawaaqay in dagaalkii Ciraaq uu dhamaaday.

Xaqiiqda jirta ayaa waxay tahay in dagaalka hadda socda ee u dhaxeeya Daacish iyo dhinacyada kasoo horjeeda inuu muddo tobonaan sanno ah socon doono sidaas waxaa qaba xog’yahii hore ee difaaca Maraykanka Leon Panneta.

"Sida muuqanaysa dagaalkaan ma aha mid dhawaan dhamaanaya dabcan sanado badan ayuu qaadan doonaa aanba dhaho ugu yaraan 30 sanno”.

Gabadha la yiraahdo Angela Keaton waa maamulaha websiteka la yiraahdo Anti War waxaana ay aaminsan tahay in Maraykankuba uu asagu yahay cidda aas aastay Daacish.

"Waxaan aaminsanahay in marka la eego sida ay wax u socdaan tusaale in mas’uuliyada ay qaadanayso dawlada Maraykanka nafsad ahaanteeda, mana aaminsani inay jirto cid kale oo lug yeelan karta yegleelida kooxda ISIS waadna ogthahay dalka Ciraaq amaan ahaan ma degana waxaana qeyb qeyb ayuuna u qeybsan yahay.

Si aan u ogaano waxa ay Daacish tahay marka hore waa inaan fahamnaa labo arrimood.

Tan koowaad tan ay hadda ay Keaton sheegtay oo ah markii Maraykanku ku duulay Ciraaq waxaa faraha ka baxay amaankii oo waxaa bur burtay dawladii dalka ka jirtay.

Markii ay dhacday dawladii Sadaam dhacday waxaa meesha ka baxay dhamaan adeegyadii aas aasiga ahaa iyo nidaamkii dawladnimo.

Taasna waxaa ay keentay in dhibaato badan ay dhacdo.

Daniel Mc Adams oo ka tirsan machad arrimaha amaanka ka faalooda oo Ron Poul la yiraahdo waxaa aaminsan yahay in warbaahintu ay adduunka jiho qaldan u jeediyeen markii Sadaam la riday.

"Waxa aan ognahay in Maraykanku gobolka ku duulay oo uu bur buriyay dawladii Ciraaq markaas waxaa bur buray dhamaan nidaamkii bulsho ee dadka Ciraaq waxaana jiray dad badan oo nidaamka Sadaam ku hoos noolaa oo aan ku faraxsaneyn fara galintii Maraykanku Ciraaq ka sameeyay una arkayay in Maraykanku uu u yahay cadow ku soo duulay”.

 

Taasna waxaan ka fahmi karnaa sheeko kale

Waxaa muuqanaysa in Maraykanku uu halkaas ka abuuray fursada ah in Daacish aas aasanto ama ay soo shaac baxdo.

Laakiin halkaan waxaa taala sheeko kale oo iyana in la fahmo loo baahanyahay aan is weydiine halkee Daacish ka keeneen awooda intaas le’eg ay dhulka ku qabsadeen.

Taariikh ahaan Daacish sanadkii 2006 waxay ku bilaabatay koox oo iska caabin aheyd oo aan heysan wax dhaqaalo ah, wax hub ah iyo xataa dagaalamayaal tababaran oo isku duba ridan .

Lakiin wixii ka dambeeyay sanadkii 2011 waxaa soo baxay kooxo ku kacsan dawlda Suuriya taasna waxay sahashay in Daacish ay awood ay ku dhaq dhaqaaqdo hesho.

Kooxaha ugu weyn ee Syria ka dagaalamaya waxaa ka mid ah kooxda AlNusra oo AlQacida ku xiran iyo Ciidamada xorta ah ee Syria kooxda la baxday.

Sanadkii 2011 kooxda la baxday ciidamada xorta ah ee Syria waxay caalamka weydiisteen saanad ciidan ay u ridaan dawlada Asad haddii kale ay dagaalka ku jabayaan.

Yaboohoodaas waa laga jawaabay.

Wariyaha warbixintaan diyaarshay Ben Swan ayaa mar uu la kulmay M/weynaha Maraykanka Barack obama waxaa uu weydiiyay sida ay ku dhacday inuu Maraykanka uu hub ku taageero koox falaago ah iyo walaaca laga filan karo.

"Walaaca dunnidu ka muujinayso ayaan la qabaa waxaana rabaa inaan kuu sheego in xukuumadeenu ay wada xaajood la yeelatay ama aan la shaqaynay hogaamiyaasha mucaaradka iyo golaha qaran eek mg ah ee Syria annagoo wax ka ogaanayna sida ay wax u socdaan iyo heerka xad gudubyada dhaca mana doonayno inaan ku lug yeelano dagaal sokeeye oo Syria ka dhaca”

Hadalka M/weyne Obama waxaa laga dhandhansanayaa inay ku jirto feejignaan badan oo wax badan ayuu qarinayaa.

Laakiin sidaas oo ay tahay siyaasiin Maraykan ah oo uu ka mid yahay Senator John Mccain ayaa dalbaday inuu tilaabo la qaado.

"Runtii sax ma aha cadaaladna ma aha inaan fiirso dagaalka Suriya kooxaha u dagaalamaya madax banaani waxay u baahan yihiin in aag diyaaradaha ka mamnuuc ah loo sameeyo tababaro ay helaan qalabna loogu daro "

Todobaadyo kadibse waxaa bilowday taageero dhanka hubka ah oo ay mucaaradka Syria ka helayeen dawladaha Maraykanka, Sacuudiga, Jordan iyo Israe.

Tababarida dagaalamayaashana iyo dhaqaalahana kama marneyn si gaar ah waxaa taageeradaas u helayay kooxda la baxday ciidamada xorta ah ee Syria.

Bishii September sanadkii 2013 Warbaahinta Maraykanka badankood sida CNN iyo Washington Post ayaa baahiyay in CIA,da Maraykanka ay hubeeyeen kooxaha mucaaradka ku ah dawlada M/weyne Bishar AlAsad.

Hubkaas ma aheyn mid Maraykanka lagu sameeyay hase ahaatee isla Maraykanka ayaa baxshay dhaqaalaha lagu iibshay asaga ayaana Syria geeyay.

Xogaha la helay waxay sheegayaan in hubkaas ay ku jiraan gantaalaha meelaha fog fog lagu duqeeyo kuwa taangiyada lagubur bursho iyo miinooyin.

Hubkaas ganacta loo galshay kooxda xorta ah ee Syria sanad kadib waxaa uu u gacan galay kooxda Daacish.

Xaqiiqda jirta ayaa ah in isla kooxdii uu John Mccain ku doodaya in la taageero si ay meesha uga tuuraan Bishar AlAsad ayaa ku biiray Daacish.

Bishii June sanadkii 2014 Kooxda Daacish oo ay ku badan yihiin dagaalamayaashii uu Maraykanku tababaray hubeyayna ayaa inta ay ka gudbeen xadka Syria waxay qabsadeen magaalooyin waqooyiga Ciraaq ku yaala oo ay Muusil ka mid tahay.

Arrinta kale ee u baahan in la fahmo ayaa ah oo ay warbaahintu hadal hayso in Daacish ay si xawli ay ku xoogaysatay sababtuna waxay tahay inay heleen hub iyo gaadiid Maraykanku leeyahay.

Hub iyo gaadiid Maraykanku uga tagay ayay la wareegeen Daacish waxaana ka mid ah baabuurta Hanfee,ga loo yaqaan taangiyo iyo gaadiid kale.

Maraykanku waxay gaadiidkaas ka tageen ayagoo sii og in Dacih qabsanayso.

Bilihii lasoo dhaafay Maraykanku waxaa uu kooxdaan ku furay jiho dagaal oo cusub ayadoo kooxdu wado hanjabaada iyo argagaxgalinta dawladaha kasoo horjeeda.

Kooxdaan waxaa loo aqoonsanyahay inay tahay kooxda ugu abaabulan kooxah argagixisada dhaqaala badana waa ay heystaan.

Qiyaastii maalintii 2 million oo Dollar ayay ka sameeyaan shidaal ay iibsadaan sidaasoo ay tahayna suuqyada shidaalka Dacish lagu iibiyana waxaa maamula Maraykanka.

Haddii uusan Maraykanku wax la wadin Dacish muxuusan cuna qabatayn hogaamiyaasha ugu fir fircoon muxuusanse u xanibin shirkadaga shidaalka u beec geeya ama ka iibsada kooxda asagoo awood u leh?

Maxay tahay sababta Maraykanku uu daqliga mar kale ugu bixinayo in Daacish lagula dagaalo ayadoo la ogyahay in daqligaas uu gacanta Daacish ku dhacayo.

Angela Keaton waxaa ay aaminsantahay in hubeynta kooxaha Syria ka dagaalamaya aan la mahdin doonin.

"ISIS hadda waxay awood u leeyihiin inay muddo dagaalamaan waayo hub badan ayay heystaan oo xataa ay ku jiraan kuwa lidka diyaaradaha waxaana xataa dhacaysa inay soo ridaan diyaaradaha rakaabka ah”.

Waa ay muuqataa qatarta Dacish ee Maraykanka mana aha wax laga indho saaban karo.

Si guud haddii aan usoo ururino Dacish waa marihii ka dhashay abuurkii Maraykanka ku abuuray gobolka.

Horey waxaa u jiray in Maraykanku asagu ahaa abuuraha AlQacida iyo kooxaha la midka ah markii dambena isla Maraykanka ayay kusoo labo kacleeyeen.

Xaqiiqda jirta ah ayaa in siyaasaddu ka weyn tahay , ka qiimo badan tahay ka danno badantahay bini’aadanimada.

W/Tarjumay Burhaan Diini Faarax.

burhandiini@gmail.com

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip