
Beesha Celi Cumar oo ku baaqday in si shuruud la'aan ah loo sii daayo odayaasha ku xiran magaalada Jowhar
1-Beeshu waxay cadaysay in ka cabanayso xariga Magaalada Jowhar loogu geystay nabadoonadii Degmadaasi u tagey heshiiska loogu yeeray, si ay xaqooda u soo helaan.
2-In Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu ku fashilmay xalinta dhibaatadii ka dhacday deegaano hoos taga Degmada Cadale
3-sidoo kale Odayaashu waxay ku baaqeen in si shuruud la’aan ah loo sii daayo nabadoonada maalintii Shanaad ku xeran Magaalada Jowhar, si shuruud la’aan ahna xoriyadoodu dib loogu soo celiyo.
5- Odayaasha , waxay u soo jeediyeen Cali Guudlaawe inuu fuliyo Documentiyadii horey loogu gudbiyay ee uu balan qaaday inuu fulin doono.
6-Dawladda Dhexe ee Federaalka waxay odyaasha ka codsadeen inay si deg-deg ah u soo fara galiso xadgudubka uu Madaxweyne ku xigeenka Hirshabele kula kacay nabadoono aan waxba galabsan.
7-Beesha Caalamka waxay odoyaashu u soo jeediyeen inay fiiro gaar ah u lahaado arimaha ka dhacaya Magaalada Jowhar iyo tacadiyadii laga sameeyay tuulooyin ka tirsan Degmada Cadale.
Wabilaahi Towfiiq
Mahadsanidiin


0 




Beesha Celi Cumar oo ku baaqday in si shuruud la'aan ah loo sii daayo odayaasha ku xiran magaalada Jowhar
Kulan aad u balaaran oo ay isugu yimaadeen waxgaradka, aqoonyahanada, madax dhaqameedka iyo dhallinyarada ku abtirsata beesha Celli Cumar loogana hadlayay xariga sharci darada ku dhisan ee dawlad goboleedka Hirshabeelle ay u gaystay nabadoono ka tirs