Magaalada Muqdisho oo dib loo furay Hotel dhowaan qarax xooggan lala eegtay + Sawirro

0
Monday November 30, 2015 - 18:42:43 in Wararka by
  • Visits: 696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Muqdisho oo dib loo furay Hotel dhowaan qarax xooggan lala eegtay + Sawirro

    Munaasabadda dib loogu furayay hotelka waxaa ka soo qeyb galay madax ka tirsan Dowladda Federaalka, Ganacsato, xubno horay xilal uga soo qabtay dalka, diblomaasiyiin shisheeye iyo marti sharaf kale oo fara badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadda dib loogu furayay hotelka waxaa ka soo qeyb galay madax ka tirsan Dowladda Federaalka, Ganacsato, xubno horay xilal uga soo qabtay dalka, diblomaasiyiin shisheeye iyo marti sharaf kale oo fara badan. Hotelka Aljazeera ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah hoteelada ugu caansan magaalada isla markaana dhowaan lala eegtay qarax is miidaamin ayaa dib loo furay maalintii shalay, iyadoo ammaanka waddada hor marta hotelkaasi si weyn loo adkeeyay.

Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay waxaa ka mid ah Guddoomiyaha rugta ganacsiga C/Kariin Gabeyre oo ku ammaanay maamulka hotelka Aljazeera sida ay kor ugu qaadayaan ganacsiga isla markaana tartan u geliyeen hoteelada Muqdisho, waxaana ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb gashay Col.Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo Ra’iisal Wasaarayaashii dalka soo maray ka mid ahaa .

Marka la eego qaab dhismeedka Hotelka ayaa ciriiri weyn geliyay gawaarida isticmaasha waddada hor marta hotelka oo qeyb ka mid ah loo xiray sababo amni dartood, tiiyoo sidaasi ay tahay haddana lala eegtay qarax weyn oo burbur xooggan u geystay dhismaha Hotelka.

Hotelka Al-Jazeera oo ay deggan yihiin safiirrada, weriyeyaasha shisheeyaha, diplomaasiyiinta iyo madaxda Dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn sida uu ku sii howlgeli karo, bacdamaa ay weli jirto khatarta ururka Al-Shabaab uu ku hayo goobaha muhiimka ah.

1 2 3 4 5 6 7 8 9




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip