Dood Cilmiyeed ku saabsan Tayada Waxbarashada sare ee Somalia oo lagu qabtay Muqdisho
Dood cilmiyeedkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Mu’asasada Almanar ( Al-Manar Foundation for Higher Education) oo ka shaqeysa dhanka waxbarashada sare, qaar ka mid ah Jaamcadaha Soomaaliya ay xubno ka yihiin, waxaana lagu qabtay dood cilmiyeedka Hoolka Jaamacadda Imam gaar ahaan kambaska waxbarashada Sare, iyadoo ugu horeyn uu ku soo dhaweeyay halkaas ka soo qeyb galayaasha Agaasimaha Kambaska iyo xiriiriyaha qeybta waxbarashada sare ee Jaamacadda Imam Ustaad: Abdirahman Ibrahim Abdi.
Khubaradii cilmi-baarista ka soo jeedisay waxaa ka mid ahaa: Dr. Aadam Shidane Guuleed, Gudoomiyaha Jaamacadda Hormuud, Dr Cabdullaahi Maxamed Ciise Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Jaamacadda Islaamiga Muqdisho, Dr. Abuubakar Xaaji Khalliif Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Jaamacadda Abraar, iyadoo ay su’aalo iyo talo la isku waydaarsaday kadib soo jeedinta Cilmi-baaris kasta, isla markaana la isla qiray in aad loogu baahan yahay Tayaynta waxbarashada sare, si loo helo arday Tayo leh oo anfaca Dadkiisa iyo dalkiisa.
Ugu danbeyn waxaa gaba gabadii dood cilmiyeedka ka hadlay Guddoomiyaha Mu’asasada Almanar ahna Guddoomiyaha Jaamacadda Imam Dr Xassan Al-Basri Sh. Cabdiqaadir, waxaana uu u mahadceliyay khubarada soo diyaarsiyay Cilmi-baarista, iyo dadweynaha ka soo qeyb galay.
Waxaa uu warbixin kooban ka bixiyay waxqabadka Mu’asasada Al-manar iyo Jaamcaddaha xubnaha ka ah, sidoo kale waxa uu tilmaamay muhimadda ay leedahay tayaynta waxbarashada dalka guud ahaan gaar ahaan midda Sare, waana in ujeedooyinka ugu muhiimsan ee loo aas aasay Mu’asasada Al-manar.
Dood Cilmiyeed ku saabsan Tayada Waxbarashada sare ee Somalia oo lagu qabtay Muqdisho
Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay Dood cilimiyeed ku aadan Tayada waxbarashada Sare ee Soomaaliya, xilli ay aad u soo badanayaan Jaamacadaha, gaar ahaan kuwa Bixiya waxbarashada ku aadan Masterka iyo Phd.