Madaxweynaha "Waa in Xabad joojin deg deg oo waarta laga gaaraa dagaalka Gaalkacyo"

0
Monday November 30, 2015 - 10:17:28 in Wararka by
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha "Waa in Xabad joojin deg deg oo waarta laga gaaraa dagaalka Gaalkacyo"

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa markii u horeysay ka hadlay dagaalka Gaalkacyo, isagoo ku baaqay in xabad joojin deg deg ah oo waarta laga gaaro dagaalka, xilli ay socdaan waan waan lagu xalinayo xiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa markii u horeysay ka hadlay dagaalka Gaalkacyo, isagoo ku baaqay in xabad joojin deg deg ah oo waarta laga gaaro dagaalka, xilli ay socdaan waan waan lagu xalinayo xiisada dagaal ee ka jirta magaaladaas.

 War saxaafadeed ka soo baxay Madaxweynaha ayaa waxaa marka hore loogaga hadlay dadkii ku waxyeeloobay dagaalka, iyadoo uu alle uga baryay intii ku dhimatay dagaalka.

"Waa ayaan darro in mar kale si micno la’aan ah loo daadiyo dhiigga muwaadiniin Soomaaliyeed oo xaq u leh inay nabad iyo xasilooni ku noolaadaan, Waa in degdeg xabbadda loo joojiyaa, wax kastana wadahadal lagu dhammeeyaa’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo soo hadlayay ayaa yiri "Ilaahay ha u naxariisto intii ku dhimatey dagaalkan ka dhacay Gaalkacyo. Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo keygaba, aad ayay ii dhibeysaa inaan arko dad Soomaaliyeed oo naftooda ku weynaya colaad sokeeye oo laga baaqsan karey, dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo ula jiifa colaaddaa awgeed, kuwo qaxaya iyo hantidooda ay burburtey intaba. Waana in maskaxda lagu hayaa in Ilaahay nagula xisaabtamayo fal kasta oo aan sameyno, ha noqdo mid san iyo mid xun intaba”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay garowsan tahay baaxadda dhibaatada halkaasi ka jirta, sababtaasi awgeedna ay halkaasi uga bilowdey dadaalo nabad raadin ah oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

"Colaad kasta oo xilligan la abuuro waxay dib u dhac ku tahay dadaalka ay Soomaaliya doonayso inay dib u soo kabato, iyo barnaamijyada kale ee muhiimka u ah dhismo qaran cusub oo Soomaaliyeed oo caalamka la tartami kara. Waxaa colaaddan ay si toos ah u dhaawacaysa barnaamijyada iskaashiga caalamiga iyo Soomaaliya ee dib u dhiska dalka, barnaamijka Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aaminayo mustaqbalka siyaasadeed ee waddankeena iyo kuwo kale oo aan nabad iyo xasilooni la’aantood aan la dhaqan gelin Karin”.

Waxaa uu Madaxweynaha ugu baaqey maamullada Puntland iyo Galmudug inay si buuxda ula shaqeeyaan, gacanna uga geystaan dadaalaka Ra’iisul Wasaare Sharma’arke, Dowladda Federaalka ee Soomaaliyana aanay marnaba u dulqaadan doonin in mar kale la daadiyo dhiigga shacabka iyo barakicinta ummadda u oomman nabadda ee dagaalada ay saameeyeen 25-kii sanno ee la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee warkan ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya, iyadoo magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe ku sugan yihiin wafuud ay kala hogaaminayaan Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Maamulada Jubbaland iyo Koofur Galbeed, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya xal u helida colaada Gaalkacyo


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip