Kenya oo ciidamo badan iyo Helicoptero soo dhoobtay xuduuda Somaliya ay la leedahay

0
Monday November 30, 2015 - 10:07:31 in Wararka by
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo ciidamo badan iyo Helicoptero soo dhoobtay xuduuda Somaliya ay la leedahay

    Kadib markii Ururka Shabaab isbuucaan gudihiisa ay la wareegeen deegaan ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya oo muddo saacado ah ay ku sugnaayeen, ayaa Dowladda Kenya waxa ay sheegtay ciidamo badan inay soo dhoobtay xuduuda si ammaanka loo adkeeyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii Ururka Shabaab isbuucaan gudihiisa ay la wareegeen deegaan ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya oo muddo saacado ah ay ku sugnaayeen, ayaa Dowladda Kenya waxa ay sheegtay ciidamo badan inay soo dhoobtay xuduuda si ammaanka loo adkeeyo. Ciidankaan ayaa la sheegay inay adkeynayaan ammaanka Xuduuda, waxaana ay halkaasi ka ilaalinayaan Shabaab inay ka soo gudbaan, maadaama Kenya ay aaminsan tahay Shabaabka weerarada ka geysta Gobolka Waqooyi Bari Kenya inay ka gudbaan xuduuda.

Madaxa ammaanka Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, Mohamoud Salah ayaa sheegay inay aad u adag tahay inay ciidanka ilaalo ka qabtaan xuduudka sababo la xiriira iyadoo ay roobab xooggan da’een iyo Waddooyinka oo aad u xun.

Roobabka da’ay ayaa sababay in wadooyinka ay aad u xumaadaan, waana mida keentay in Kenya ay isku aamini weydo ciidamo dhanka dhulka ah ka howlgala kaliya.

Diyaaradaha Helicopterka ayaa la sheegayaa in xilliyada qaar ay sameeyaan howlgalo gaafmeer ah oo ammaanka ay ku xaqiijinayaan.

Inkastoo Kenya xuduuda ay si weyn u adkeysay, hadana Shabaabka waxa ay ku sugan yihiin Keymaha Boni oo waxaa la aaminsan yahay dagaalyahano Kenyan ah iyo kuwa Somali ah inay halkaasi ku sugan yihiin, waana meesha badi laga qorsheeyo weerarada ka dhaca


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip