Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo ka digay ciidamada Dowladda inay ku lug yeeshaan Dagaalka Gaalkacyo
Waxa uu sheegay iminka inaysan aaminsaneyn in ciidamada Xooga dalka qayb ay ka yihiin dagaalada Magaalada Gaalkacyo ka dhacay, balse fariin ahaan ciidanka ay ugu dirayaan inaysan u dhawaan waxyaabaha keeni kara ku lug lahaanshaha dagaaladaasi.
"Waxaa ugu baaqayaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya in dagaalkaasi ka dhacay Gaalkacyo aanay lug ku lahaan, sama falna ay ka galaan, ma qabno annaga in ciidamo toos ah ay uga qeyb galeen dagaalladaasi, meesha Laba maamul baa ka jira, waxaan leeyahay ciidamada kama qeyb gali karaan dagaalladaasi, kumana tuhunsanin in arrinkaasi ay sameeyeen.” ayuu yiri xildhibaanka.
Dhinaca kale Xildhibaan Maxamuud Cali ayaa ugu baaqay maamul Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug in ay kaalin xooggan ka qaataan nabad ku soo celinta magaalada Gaalkacyo, hakiyaanna wax walba oo colaadda keeni kara.
War Saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Somaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa lagu sheegay ciidamada Xooga dalka Somaliya inaysan qaban karin wax dhaafsiisan waajibaadka Qaran ee ka saaran difaaca dalka Somaliya.
Gaalkacyo ayaa waxaa ku dagaalamay ciidamo kala taabacsan Maamulada Galmudug iyo Puntland, inkastoo Puntland ay ku eedeysay Dowladda Somaliya ciidamadeeda inay ka dagaalameen Gaalkacyo, laakiin arintaasi Dowladda Somaliya waa ay beenisay.
Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo ka digay ciidamada Dowladda inay ku lug yeeshaan Dagaalka Gaalkacyo
Guddiga Difaaca Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay ciidamada Xooga dalka Somaliya inay uga digayaan ku lug lahaanshaha dagaalada Magaalada Gaalkacyo, xilli Maamulka Puntland Dowladda ay ku eedeeyeen ciidamada Dowladda inay qayb ka ahaayeen dagaalkaas