Shariif Xasan iyo masuuliyiin kale oo Koonfurta Gaalkacyo xalay kula kulmay Madaxweyne Guuleed (SAWIRRO)
Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa kulanka ka sheegay inuu aad uga mahadcelinaayo Madaxweynaha Galmudug, maadaama uu aqbalay wax waliba oo lagu daminaayo xiisada Gaalkacyo ka taagan.
Madaxweyne Guuleed ayaa dhankiisa sheegay inuu soo dhaweynaayo dadaalada kala duwan ee ay wadaan Madaxda Maamul Goboledyada iyo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Dadaalo kala duwan ayaa ka socda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo ay hormuud ka tahay Dowladda Federalka Somaliya, waxaana qorshaha uu yahay sidii loo dhameyn lahaa xiisadaha ka taagan Gaalkacyo.
22-kii Bishan ayeey aheyd markii uu biloowday dagaalka u dhaxeeya maamulada Galmudug iyo Puntland, hayeeshe maalin ka hor ayuu cuslaaday dagaalka oo si aad ah ciidamada labada dhinac ay u wada dagaalameen.
Siyaasiyiinta Somalida ayaa ku baaqaya in la damiyo xiisadaha colaadeed ee ka taagan Magaalada Gaalkacyo.
Shariif Xasan iyo masuuliyiin kale oo Koonfurta Gaalkacyo xalay kula kulmay Madaxweyne Guuleed (SAWIRRO)
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Federalka Somaliya, ayaa xalay waxa ay koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kula kulmeen Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin X