WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 30-KA NOVEMBAR 2015-KA

0
Monday November 30, 2015 - 08:55:44 in Wararka by
  • Visits: 1094
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 30-KA NOVEMBAR 2015-KA

    RA'IISUL WASAARE KUXIGEENKA DALKA OO FURAY SHIRWEYNE LOOGA HADLAYO MANHAJKA WAXBARASHO EE DALKA Ra'iisul wasaare kuxigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa shalay furay shirweyne heer Qaran oo looga tashanayo manhajka waxbarasho ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'IISUL WASAARE KUXIGEENKA DALKA OO FURAY SHIRWEYNE LOOGA HADLAYO MANHAJKA WAXBARASHO EE DALKA Ra'iisul wasaare kuxigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa shalay furay shirweyne heer Qaran oo looga tashanayo manhajka waxbarasho ee dalka, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbrashada iyo tacliinta sare. Shirka oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay ergooyin ka kala socday gobolada dalka iyo sidoo kale culimaa’udiinka Soomaaliyeed, waxaana mas’uuliyiinta ka qayb gashay ay ka jeediyeen khudbado looga hadlayay muhiimada dalka uu u leeyahay manhajka Waxbarashada dalka ee dib loo nidaaminayo oo ay wado Wasaaradda waxbarashada.

Guddoomiyaha hay’ada culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay shirweynaha ayaa sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay bulshada mideynta manhajka waxbarasho ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadro Bashiir Cali ayaa xustay in ahmiyad weyn ugu fadhido in ardayda Soomaaliyeed ay helaan manhaj u gaar ah, kaasi oo ay xustay in Wasaaraddu ay dadaal ugu jirto dib u sooo noleynta manhajkii waxba rasho ee dalka.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo gaba gabadii ka hadlay shir weynaha ayaa ugu horeyn bogaadiyay howsha dib u nooleynta manhajka Waxbarashada dalka, isagoo ka qayb galayaasha u soo jeediyay in ay talooyin wax ku ool ah ka soo saaraan shirkaan labada maa lin soconaya.

WASIIRKA MAALIYADDA DF IYO WAFDI UU HORKACAYO OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE ..

Wasiirka maaliyadda xukuumada Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim [Fargeeti] iyo wafdi uu hogga aminayo ayaa shalay soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga wasiirka oo ay ka mid ahaayeen wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha Somalia iyo mad axa adeegga mashariicda ee maalingalinta gaarka ah ayaa waxaa ku soo dhaweeyay magaalada mas'uuliyiin ka tirsan maamulka heergobol iyo degmo.

Wasiirka maaliyada ayaa ujeedada socdaalkiisa ku sheegay sidii uu xarigga uga jari lahaa mashaariic dhowr ah oo laga hirgaliyay magaalada, gaar ahaan dhismaha cusub ee xarunta maamulka gobolka kan degmada iyo hoolka shirarka oo dhismahooda la dhameystiray.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa siddoo kale sheegay in wixii hadda ka danbeeya si rasmi ah u furan yihiin labo suuq oo laga hergaliyay xaafaddaha XaawoTaako iyo Howlwadaag, isaga oo sheegay in ujeedada mashaariicdan tahay in looga faa'ideeyo bulshada ku dhaqan gobolka.

''Waxaan leenahay dadka ku nool Beledweyne waa inaad ilaashataan mashaariicda shalay aynu xarigga ka jareyno, aadna ka faa'ideysataan,'' ayuu yiri wasiirka maaliyadda Somalia.

Guddoomiyaha Qurbajoogta reer Hiiraan Towane Sabriye oo bilihii ugu dambeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne, ayaa marka hore dowladda federaalka uga mahadceliyay mashaarciida iyo dhismayaasha quruxda badan oo ay ka hirgalisay magaalada, laakiinse wuxuu dhinaca kale xusay inay wali jiraan dhaliilo bulshada ku dhaqan gobolka u hayaan dowladda dhexe.

Waxaa uu sheegay in magaalada Beledweyne fidsan tahay muddo ku dhaw siddeed bilood gogol dibuhishiis ah oo ay ka qeybqaadanayaan inta badan beellaha dega gobolka, ballse ilaa iyo hadda wax door ah ku yeellan dowladda dhexe oo loo baahnaa in ay taageerto shirarkan noocan oo kale ah iyo waddahadalka bulsho.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha gudaha & federaalka Somalia Xaaji Cali Sheekh Maxamed ayaa isna sheegay in dowladda gaar ahaan wasaarrada arrimaha gudaha la socto arimaha shirka dibuhishiisiinta ah ee ka soconaya Beledweyne, slamarkaana sidda ugu dhaqsiyaha badan gacan uga geysan doonaan siddii ay u taageeri lahaayeen wixii farsamo ah ee shirka looga baahan yahay.

ar uu dhinaca kale soo hadal qaaday dhismaha maamulka labada gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ayuu sheegay in cidda ugu danbeysan ee tallada dhismaha maamulka labada gobol iyo sida loo wajahayo ka go'do yihiin qeybaha bulshada oo loo baahan yahay in ay fikir ku yeeshaan,

Ugu dambeyn, munaasabad kooban oo lagu qabtay hoolka shirarka Beledweyne ayaa waxaa hishiis ku kala saxiixda guddoomiye kuxigeenka maamulka gobolka Maxamed Ibraahim C/llaahi iyo wasiirka maaliyada, Max'ed Aadan Ibraahim, kaa oo cadeynaya mashaariicda laga fuliyay magaalada iyo qorshaha mashaariic cusub oo dhawaan la filayo in la hirgaliyo.

HAY’ADDA CULIMADA SOOMAALIYEED OO KU BAAQDAY IN LA JOOJIYO DAGAALKA GAALKACYO

Guddoomiyaha H/Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa baaq nabadeed u jeediyay maamullada Puntland iyo Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayay Maga alada Gaalkacyo.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa tilmaamay in wax faa’ido ah uusan lahayn dagaal sokeeye islamarkaana uu geysanayo khasaaro nafeed iyo baaba’ hantiyadeed sidaas daraadeed loo baahan yahay in waxa u dhexeeyo ay miiska wadahadalka ku dhameystaan.

Dhinaca kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka digay dagaalada nuucaani ah.

BUUG KA HADLAYO RIBADA QARSOON OO MUQDISHO LAGU SOO BANDHIGAY

Waxaa Shalay oo Axad ah Magaalada Muqdisho lagu soo Bandhigay Buug ka hadlayo Ganacsiga iyo Maaliyada Islaamiga oo loogu Magac daray " Ribada Qarsoon", waxaana Munaasabadii lagu soo bandhigaayay ka qeyb galay Aqoonyahano, Culuma'udiin, Dhalinyaro iyo bahda Waxbarashada Dalka.

Buuga ayaa waxaa qoray Dr. Maxamed Abshir Diiriye waxaana uu uga hadlaayay Xaalada Dha qaale iyo Qaabka loo ganacsado kaas oo Shareecada Islaamka la doonayo in lagu jaangooyo.

Dadkii ka qeyb galay Munaasabada ayaa soo dhaweeyay buuga Cusub iyo waxyaabaha uu ka hadlayo oo ay sheegeen in ay muhim tahay.

Sidoo kale dadkii ka qeyb galay Munaasabada ayaa amaanay mowduuca uu doortay qoraaga iyo sdida uu ugu hadlay dhaqaalaha iyo Ribada.

Qoraaga Buuga Ribada Qarsoon Dr. Maxamed Abshir Diiriye ayaa ka hadlay Waxyaabaha ku dhaliyey in uu qoro Buugan uu ugu magacdaray Ribada Qarsoon iyo u jeedka ku dhaliyey, waxaana uu sheegay in uu doonayo in Dadka Soomaaliyeed iyo Culimada u iftiimiyo Qaabka ugu wanaagsan ee haatan Aduunyadu wax u wado dhanka gansiga kaas oo hadda u soo badanaya dhanka Shareecada Islaamka in lagu dabaqo.

SHIL GAARI AY KU DHINTEEN KU DHAWAAD 4QOF AYAA SHALAY KA DHACAY DEGMADA CADALE EE GOBOLKA SHABEELAHA DHEXE

Wararka ka imaanaya Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Gud aha degmadaas uu Shalay ka dhacay shil gaari oo geystay qasaaro Nafeed,

Inta la xaqiijiyay shilka gaari waxaa ku dhintay 4qof Halka ay ku dhaawacmeen 20kale oo kamid ah dadkii sarnaa gaariga Rakaabka ahaa ee Shalay Shilka Gaari ku Galay degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Gudoomiyaha degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Muxudiin shire Macalin oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Shalay Gudaha degmadaas uu ka dhacay shil Gaari oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac,

Dhanka kale Dadkii ku dhaawacmay shilka Gaari ayaa la dhigay Isbitaalka degmada Cadale ee Gobolka shabeelaha Dhexe iyadoona Maamulka degmada uu Gaargaar Caafimaad uu ka dalbaday dowlada Soomaliya.

WARIYE JAAMAC DEBARAANI OO SHALAY XORIYADIISA DIB U HELAY

Maamulka Puntland ayaa shalay xabsiga ka sii daayay Wariye Jaamac Debaraani oo mudo ku xirnaa Xabsi ku yaalo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Ururka Suxufiyiinta Puntland ayaa soo dhaweeyay sii deynta Wariya oo mudo xabisnaa,waxayna ku tilmaameen arintaan talaabo dhanka hormarka Saxaafada loo qaaday.

Wariye Jaamac Debaraani ayaa ka Howlgala Tvga Somali Channel oo fadhigiisa yahay maga alada London ee cariga dalka Ingiriiska,waxaana lagu xiray wariyaha amar ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Maamulka Puntland.

Ka hor intaan la xirin wariyaha maamulka Puntland ayaa shaqo joojin ku sameeyay,wuxuuna Wariyaha iska sii waday Howshiisa warfidinta ka dibna Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Mr Soocade ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro Wariya Jaamac Yuusuf Debaraani oo shalay dib u helay Xoriyadiisa.

Dowlada Federaalka iyo Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nick los Key ayaa ugu baaqay Dowlad Goboleedka Puntland in xoriyadiisa dib u siiso Wariya oo howlo muh iim ah Bulshada u hayay.

SHEEKH MAXAMED IDIRIS OO KA HADLAY DAGAALKA MAGAALADA GAALKACYO

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culima'udiinka Somaliyeed kuwooda ugu waaweyn, ayaa waxa uu ka hadlay xiisadda dagaaleed ee ka aloosan Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug. Sheekh Maxamed Idiris oo muuqaal video ah kaga hadlay waxa ka taagan Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay inaysan banaanayn in ummada Muslimiinta, ay dhexdooda hubka isku qaataan, labada dhinacna ay ka soo kala jeestaan.

Sheekh Maxamed Idiris, ayaa wuxuu farriin muhiim ah uu u diray Madaxda Galmudug, Puntland, askarta, Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka labada dhinac, isagoona ugu nasteexeeyay in ay dagaalka joojiyaan, islamarkaana ay Alle kaga baqaan shacabka ku hoos nool.

Sheekha, ayaa wuxuu rajo badan ka muujiyay in dhinacyada isku haaya Magaalada Gaalk acyo, ay u dheganuglaan doonaan farriintiisaan nasteexada ah, si looga gudbo dagaal kale oo dhex mara.

Odayaasha Dhaqanka & Culimada ka soo kala jeeda Koonfurta & Waqooyiga Gobolka Mudug, ayaa waxay ku baaqayaan in la joojiyo xiisadda ka jirta Magaalada Gaalkacyo, iyadoo Galmudug iyo Puntlandna ay ka wada hadlayaan xurgufta u dhaxeysa.

Madaxda Puntland & Galmudug, ayaa midba midka kale ku eedeynaaya in garabka kale uu ka masuul yahay dhiilada colaadeed, ee 22kii bishaan ku soo korortay Xarunta Gobolka Mudug

C/QAYBDIID OO KA HADLAY DAGAALKA MAGAALADA GAALKACYO

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa wuxuu ka hadlay dagaalada culus ee darraad Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Hogaamiyihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale, waxa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka dhacaayo Magaalada Gaalkacyo ee dhiiga shacabka ku daadanaayo, waxaana iska fogeeyay eedeymo la xiriira in uu isaga ku lug leeyahay dagaaladaasi.

Waxa uu sheegay Cabdi Qaybdiid inuusan ku sugneyn Magaalada Gaalkacyo, waxaana uu tilmaamay in kol hore uu ku baaqay dagaalka in la joojiyo oo nabadda lagu xaliyo khilaafka taagan.

"Anigu haddii aan dab shiday cidii iga dambeysay ayaa la rabaa inay damiso aniga inaan nabad ku baaqo iyo inaan col ka soo tago maba la isku daro waxaase waa nin daad qaaday xumbo cuskay nin isaga raba inuu abuuro fowdo iyo dhibaato hadde geed waliba inuu iska qabsado oo cidii aanan shaqaba ku laheyn uu raadsado waxaasi waxba tari maayaan.” Ayuu yiri Cabdi Qaybdiid oo Wareysi siiyay Idaacada Mustaqbal.

Madaxweynihii hore ee Galmudug waxa uu sheegay inuusan isku arkin qof ka shaqeynaya colaada Magaalada Gaalkacyo, taasi bedelkeedana dhowr mar uu ku baaqay in xabada la joojiyo oo la wada hadlo.

"Aniga meesha ma joogi labo Madax kama ihi saddex mar hore ayaan ka soo tagay afar aniga waxaan ugu baaqayaa horayna waxaan ugu baaqay nabad inay dadka Khilaafkooda ku dhameystaan.” Ayuu raaciyay warkiisa Qaybdiid

Dagaal culus ayaa ka dhacay Magaalada Gaalkacyo daraad oo Sabti aheyd, waxaana hada xal ka dagaalkaasi ku guda jira xubno ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya oo Ra’iisul Wasaare Sharm aake uu u xil saaray xalinta dagaaladaasi.

SOMALILAND OO BAAQ NABADEED U JEEDISAY PUNTLAND IYO GALMUDUG

Xukuumadda Somaliland, ayaa waxay shalay baaq ka soo saartay xiisadda colaadeed ee ka jirta Magaalada Gaalkacyo, iyadoona ku baaqday in xaaladda la qaboojiyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Cigaal Ee Magaalada Hargeysa, xilli uu ku sii jeeday Magaalada Nairobi, ayuu Puntland & Galmudug ugu baaqay in ay nabadda ka wada shaqeeyaan.

Wasirka, ayaa wuxuu labada dhinac uu ugu baaqay in wixii khilaaf ah ee ka dhex oogan ay ka wada hadlaan, wuxuu kaloo uu ku baaqay in la soo celiyo dadkii ku barakacay colaadda Gaalkacyo.

Waxa uu intaa ku daray in Siyaasadda Somaliland ee ku wajahan Afrikada Bari, ay tahay in nabad ku wada noollaadaan bulshada kala gedisan ee ku dhaqan.

Waxaa soo xoogeysanaaya dhinacyada dadaalada ballaaran ku bixinaysa, sidii looga hortaggi lahaa in dagaalo hor lihi ay ka dhacaan Magaalada Gaalkacyo.

Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada ka soo kala jeeda Koonfurta & Waqooyiga Gobolka Mudug, ayaa waxay ku baaqayaan in la joojiyo xiisadda ka jirta Magaalada Gaalkacyo.

xalay waxaa lagu waday in wada hadalo nabadeed ay ka furmaan Gaalkacyo, si la’isugu soo dhaweeyo Galmudug & Puntland, oo iyagu isku haaya Magaalada Gaalkacyo.

AXMED MADOOBE IYO KU XIGEENKIISA OO LAGU SOO DHAWEEYAY MAGAALADA GAROOWE

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Ku Xigee nkiisa, C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa waxaa galabta lagu soo dhaweeyay Magaalada Garo owe.

Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa, ayaa duhurnimadii shalay ka soo amba baxay Magaalada Kismaayo, iyagoona diyaarad gaar ihi ku tagey Xarunta Gobolka Nugaal.

C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulk Puntland & Ku Xigeenkiisa C/xakiin C/la ahi Xaaji Cumar (Camey), ayaa Madaxda Jubbaland ku soo dhaweeyay Garoonka Garoowe, iyadoo kolkii dambena loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland oo Warbaahinta kula hadlay Madaxtooyada, ayaa waxaa hadalka ku horeeyay Madaxweynaha Puntland, oo sheegay in wefdiga Jubbaland ay ugu yima adeen, sidii ay gacan kaga gaysan lahaayen dagaalka Gaalkacyo.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa dhinaciisa sheegay in Garoowe ay u yimaadeen inay ka qayb qaataan xal u helidda xiisadda 22kii bishaan ku soo korortay Xarunta Gobolka Mudug.

C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe, ayaa waxaa saacadaha soo socdo lagu wadaa in ay gaaraan Magaalada Gaalkacyo, xilli ay ku sugan yihiin masuuliyiin kala duwan.

BURCADBADEED SOMALI AH OO SHALAY SI AWOOD AH LOOGA FURTAY DOONNI AY KU HAYSTEEN AFDUUB

Doonni nooca Kalluumeysiga ah oo Afduub ay ku haysteen burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa shalay si xoog looga furtay, kaddib dagaal ay ku dhinteen toddoba ka mid ah burcadbadeedii doonnida haystay.

Warbixin rasmi ah lagama hayo xaaladda shaqaalihii doontaas, inkastoo howlgalka shalay lagu furt ay doonidaas ay ku lug lahaayeen ciidamada caalamka ku sugan xeebaha Somalia, iyadoo aan la og eyn in shaqaalihii doontaas lasoo furtay iyagana.

Sidoo kale, ilowareedyo amni ayaa sheegay in doonidan laga lahaa Iiraan; taasoo kooxaha burc adbadeedda ahi ay afduub ku qabsadeen toddobaadkii hore, waxaana saarnaa 15qof oo shaqaale ah, taasoo lagu haystay xeebaha deegaannada ku yaalla bartamaha Somalia.

"Waxaanu maqalnay rasaas culus oo la isdhaafsanayo… tiro ka mid ah kooxihii burcadbad eedda ahaana waa la dilay…. Doonidii ay afduubka ku haysteenna waa la siiyay,” ayuu yiri Mukhtaar Yacquub oo ka mid ah kalluumeystada Xarardheere oo la hadlay saxaafadda, isagoo intaas ku daray in doontii ay haatan badweynta kasii muuqato.

Nabaddoon, C/llaahi Barre oo ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa isna yiri. "Weerarka waxaa lagu dilay todoba qof oo burcadbadeed ah, laba kalena si xun ayaa loo dhaawacay.” Isagoo intaa ku daray in laga yaabo inay tiradu intaas ka badan karto.

Bucadbadeedda Soomaaliya ayaa tan iyo sannadkii 2011kii waxay afduubeen tiro 700 oo shaq aale ah ka badan, balse sannadihii u dambeeyay ayaa hoos loo dhigay afduubyada ka dhaca xeebaha Somaliya, kaddib howlgallo ay sameeyeen ciidammo caalami ah oo ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Laakiin, khuburo xeeldheerayaal ayaa ka digay in haddii kalluumeysiga sharcidarrada ah ee mara akiibta shisheeyuhu ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya aan wax laga qaban ay dib u soo celin karto dambiyadii ka dhici jiray badda oo ay ka mid yihiin afduubyada loo geysto maraakiibta ku safraha badaha Somalia iyo kuwa ku dhow.

Tiro shaqaale maraakiib ah ayaa weli gacanta ugu jira burcadbadeedda Somalia, kuwaasoo ay ka mid yihiin 26shaqaale ah oo lagu afduubay dooni magaceeda lagu sheegay NAHAM III, taasoo afduub ahaan loo haysto tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2012kii.

Dhanka kale, laba doomood oo noocoodu yahay kuwa kalluumeysi oo Iiraan laga leeyahay ayay burcadbadeedda Soomaalidu ku afduubeen bishii Maarso ee sannadkan 2015kii meel ku dhow xeebaha Ceelhuur oo ka tirsan gobollada dhexe ee Somalia, inkastoo mid ka mid ah ay baxsatay bishiiOgoosto ee lasoo dhaafay.

Ugu dabmeyn, Doonnida kale ee Iiraan laga leeyahay oo lagu magacaabo SIRAJ ayaa weli gacanta ugu jirta burcadbadeedda Somalia, iyadoo lala haysto 15qof oo shaqaalaheedii ah, inkastoo afar ka mid ah ay ciidamada maamulka Galmudug xoog uga soo furteen burcadbadeeddii gacanta ku hayay bishan lagu jiro.

MAYDKA DUULIYIHII RUUSHKA AHAA OO LA HELAY IYO WEERARRO CIRKA AH OO LAGU QAADAY SUURIYA

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay shalay inay heleen maydka duuliyihii Ruushanka ahaa ee ka mid ahaa labadii duuliye ee la socday diyaaraddii SU24 ee dhawaan ay dowladda Turkigu kusoo riday meel ku dhow xadka ay la leeyihiin dalka Suuriya.

Sidoo kale, waxaa shalay duqeymo culus oo khasaare sababay ay lagu qaaday waddanka Suuriya, kuwaasoo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo mucaaradka ka dagaalama dalkaas ay leyihiin.

Howlwadeenno ka tirsan mucaaradka Suuriya ayaa sheegay in duqeymahan lagu dilay 18qof oo rayid ah, iyagoo xusay in duqeymahan oo ahaa ku xooggan ay geysteen diyaaradaha dagaalka Ruushka.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in duqeymahan ay ka dhaceen Ariha oo ka tirsan gob olka Idlib, iyadoo lasoo sheegayo in xoogag ka tirsan mucaaradka Suuriya ay ku nafwaayeen duqeynt aan. Waxaana magaaladaan gacanta ku haya xoogagga kasoo horjeeda xukuumadda Suuriya.

Dhanka kale, waxaa socda hadda diyaargarow loogu jiro sidii Ruushka loogu wareejin lahaa meydka duuliyahooda. Iyadoo la sheegay in duuliyahan ay dileen fallaagada ka soo horjeeda Suuriya, kaddib markii uu ka booday diyaaradiisii oo Turkigu ay ku dhufteen gantaal.

Waxaa duuliyihii kale badbaadiyay ciidamada Suuriya; iyadoo ridista diyaaraddii uu lahaa Ruushku ay xiisad ka dhex abuurtay Ruushka iyo Turkiga oo kala taageera garabyada isku haya dalka Suuriya.

Ugu dambeyn, maalintii Jimcaha ahayd ayay xukuumadda Ruushka ku dhawaaqday inay xayira ado dhaqaale oo aargoosi ah kusoo rogayso dalka Turkiga, inkastoo Turkigu uu ka digay inay xayiraad ahan xiisadda sii xumeeyaan.

URURKA ALISLAAX OO BAYAAN KA SOO SAARAY DAGAALADA GAALKACYO, KUNA BAAQAY NABAD (AKHRISO)

Ururka AlIslaax ayaa shalay baaq ka soo saaray dagaalada ka soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo, iyadoo dhinaca dagaalamaya ugu baaqay inay dagaalada joojiyaan, kuna xaliyaan wax walba wada hadal iyo dib u heshiisiin.Bayaan ka soo baxay AlIslaax ayaa lagu sheegay in dagala horay looga soo daalay, isla markaana aan loo baahneyn dhiig dambe oo xaq daro lagu daadiyo.

"Waa in mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ay qaataan waajibka ka saaran Joojinta colaaddan cusub, una turaan shacabta maatida ah ee ka qaxaya guryahooda, ama ay arrintan u daayaan Oday dhaqameedyada iyo culumaa`udiinka samaha jecel”ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Alislaax.

HADDABA BAYAANKA KA SOO BAXAY ALISLAAX OO NUQUL KA MID AH NA SOO GAARAY ALKAN HOOSE KA AKHRISO:



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip