Madaxweeynaha Jubaland kuxigeenkiisa iyo madax kale oo ku wajahan Garoowe

0
Sunday November 29, 2015 - 11:33:08 in Wararka by
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweeynaha Jubaland kuxigeenkiisa iyo madax kale oo ku wajahan Garoowe

    Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo madaxweeynaha Jubaland Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxa la filayaa in goordhow ay u duulaan magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo madaxweeynaha Jubaland Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxa la filayaa in goordhow ay u duulaan magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland.
Madaxweeynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubaland Mudane Max'ed Warsame Darwiish, Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.
Ujeedka safarka madaxdani ayaa ah sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dadaallada nabadeed ee la doonayo in lagu hakiyo colaaha ka dhex aloosan maamullada Puntland iyo Galmudug.


Safarka masuuliyiintani ku aadayaan Garoowe ayaa kusoo beegmaya ayadoo shalay magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen dagaallo dhexmaray ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug, kuwaa oo sababay khasaarooyin isugu jiray dhimasho, Dhaawac iyo barakac.

Waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa ku baaqayaan in la qaboojiyo xiisadaha ka aloosan Gaalkacyo.

Dadka Soomaaliyeed waxa ay mudo dheer kusoo jireen burbur iyo dagaallo sokeeye oo dad badan ay dalkooda uga qaxeen, waxaana dadku ay imika u baahanyihiin nabad iyo horumar maadaama ay Soomaaliya ka curatay dowlad, islamarkaana dalku qaatay nidaamka federaalka oo dowlad gobleedyo ay ka dhismeen inta badan gobollada dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip