Sheekh Maxamed Idiris oo ka hadlay dagaalka Magaalada Gaalkacyo

0
Sunday November 29, 2015 - 11:27:32 in Wararka by
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Maxamed Idiris oo ka hadlay dagaalka Magaalada Gaalkacyo

    Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culima'udiinka Somaliyeed kuwooda ugu waaweyn, ayaa waxa uu ka hadlay xiisadda dagaaleed ee ka aloosan Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culima'udiinka Somaliyeed kuwooda ugu waaweyn, ayaa waxa uu ka hadlay xiisadda dagaaleed ee ka aloosan Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug. Sheekh Maxamed Idiris oo muuqaal video ah kaga hadlay waxa ka taagan Magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay inaysan banaanayn in ummada Muslimiinta, ay dhexdooda hubka isku qaataan, labada dhinacna ay ka soo kala jeestaan.

Sheekh Maxamed Idiris, ayaa wuxuu farriin muhiim ah uu u diray Madaxda Galmudug, Puntland, askarta, Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka labada dhinac, isagoona ugu nasteexeeyay in ay dagaalka joojiyaan, isla-markaana ay Alle kaga baqaan shacabka ku hoos nool.

Sheekha, ayaa wuxuu rajo badan ka muujiyay in dhinacyada isku haaya Magaalada Gaalkacyo, ay u dhega-nuglaan doonaan farriintiisaan nasteexada ah, si looga gudbo dagaal kale oo dhex mara.

Odayaasha Dhaqanka & Culimada ka soo kala jeeda Koonfurta & Waqooyiga Gobolka Mudug, ayaa waxay ku baaqayaan in la joojiyo xiisadda ka jirta Magaalada Gaalkacyo, iyadoo Galmudug iyo Puntland-na ay ka wada hadlayaan xurgufta u dhaxeysa.

Madaxda Puntland & Galmudug, ayaa midba midka kale ku eedeynaaya in garabka kale uu ka masuul yahay dhiilada colaadeed, ee 22-kii bishaan ku soo korortay Xarunta Gobolka Mudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip