Khasaaro badan oo ka dhashay gaari ku rogmaday Gobolka Shabellaha Dhexe
Dadka ku dhaqan Degmada Cadale iyo Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan u fidiyay dhibanayaasha, ayaa dhaawacyadoodu soo gaarsiiyay Isbitaalka Keysaney, halkaasoo hadda lagula tacaalaayo xaaladooda caafimaadeed.
Taliyaha Ururka Labaad Ee Guutada Afaraad Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe C/qaadir Nuur Xasan (Qoondhe), ayaa sheegay in gurmad ballaaran ay u sameeyeen dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi, isla-markaana ay dhaawacyada gaarsiiyeen Keysaney Hospital.
Afarta qof ee dhimatay, ayaa lagu sheegay ragga da’aada dhexe ah, iyadoo kuwa dhaawacmayna ay ku jiraan carruur yar yar. Dhaawacyada dadkaasi soo gaaray waxay u badan yihiin jajab.
Gaarigan oo ku sii jeeday Degmada Ruunirgood, ayaan faah faahin laga hayn waxa sababay shilkaasi, balse waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in rar badan uu siday.
Khasaaro badan oo ka dhashay gaari ku rogmaday Gobolka Shabellaha Dhexe
Saqdii dhexe ee xalay, ayuu gaari xamuul ahaa oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho, uu ku rogmaday afaafka hore Degmada Cadale Ee Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoona ay dad badani ku waxyeeloobeen.