Xaalada Gaalkacyo oo saaka degan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo xalay ku hoyday
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa wali isku hor fadhiya xaafadaha Gaalkacyo, waxaana halka ugu badan ee uu dagaalkii shalay ka dhacay uu ahaa xaafada Garsoor.
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa oo ah Guddiga Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay xalinta colaada Gaalkacyo ayaa xalay ku hoyday waqooyiga magaalada, iyagoo la kulmay mas’uuliyiinta Puntland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Salaad, Taliyaha Ciidamada xooga dalka, xildhibaano iyo saraakiil kale ayaa maanta la filayaa inay u gudbaan koofurta Gaalkacyo, si ay ula kulmaan Mas’uuliyiinta Galmudug.
Guddigan ayaa sidoo kale la kulmi doona odayaasha, waxgaradka iyo culumaa’udiinka, waxaana ay dadaal ugu jiraan sidii ciidamada is hor fadhiya loo kala qaadi lahaa.
Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa aqbalay afar qodob oo Ra’iisul Wasaaraha u soo jeediyay, kuwaasoo kala ahaa in dagaalka la joojiyo, ciidamada la kala qaado, dadkii qaxay la soo celiyo iyo in labada dhinac wada hadalo dhex maraan.
Si kastaba ha ahaatee baaqyo nabadeed ayaa loo jeedinayay dhinacyada ku dagaalamayay Gaalkacyo, waxaana magaalada ka barakacay qoysaskii ku dhaqnaa, kuwaasoo u cararay deegaanada miyiga, si ay uga nabad galaan rasaasta iyo madaafiicda la is dhaafsanayay.
Xaalada Gaalkacyo oo saaka degan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo xalay ku hoyday
Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa saaka ah mid degan, kadib dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay xaafadaha magaalada, waxaana socda waan waan nabadeed oo labada dhinac ee dagaalamayo laga dhex wado.