Dowladda Ruushka oo xayiraad ku soo rogtay Ganacsiga uga yimaada Turkiga

0
Sunday November 29, 2015 - 11:11:56 in Wararka by
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Ruushka oo xayiraad ku soo rogtay Ganacsiga uga yimaada Turkiga

    Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday inay cunaqabateyn xaga dhaqaalaha ah ku soo rogtay Turkiga, taasoo oo ay uga aar-gudaneyso diyaaradii laga soo riday Talaadadii la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Ruushka ayaa ku dhawaaqday inay cunaqabateyn xaga dhaqaalaha ah ku soo rogtay Turkiga, taasoo oo ay uga aar-gudaneyso diyaaradii laga soo riday Talaadadii la soo dhaafay.

Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in xayiraada cusub ay sii xumeyn karto xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, waxaana jiray hadalo kulul oo mas’uuliyiinta labada dhinac isu marinayaan qalabka warbaahinta.

Ruushka ayaa mamnuucay raashinka ugaga yimaada Turkiga, sida qudaarta iyo dharka, sidoo kale waxaa uu mamnuucay Ganacsatada Turkiga ee laga shaqaaleysiiyo shirkadaha Ruushka.

Turkiga ayaa ah dalka ugu weyn ee ganacsiga u dhoofiya Ruushka, waxaana sidoo kale Ruushka uu isna u dhoofiyaa waxyaabo kale, inkastoo Turkiga aanu wali xayiraadaas ka jawaabin.

Mas’uuliyiinta Socdaalka Ruushka ayaa maalmo ka hor joojiyay viiso la’aantii dadka Turkiga ku geli jireen Ruushka, taasoo ay ku macneeyeen inay suura gal tahay inay argagixisada ku soo dhuuntaan.

Erdogan vs Putin

Muwaadiniinta Ruushka ayaa ahaa dadka ugu badan ee dalxiiska ku tagayay Turkiga, waxaana baraha bulshada la soo dhigayay hadalo loogu baaqayay dadka Ruushka in aysan tagin Turkiga.

Xiisada u dhaxeysa labada dal ayaa cirka isku shareertay, markii Madaxweynaha Ruushka uu dalbaday in Turkiga raalli gelin ka bixiyo diyaaradii uu soo riday, halka Madaxweynaha Turkiga uu uga digay Ruushka inay dab ku ciyaaraan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip