Wasiir Diini: "Waxaan aad uga xunnahay shaqaaqooyinka ka dhacaya magaalada Gaalkacyo.."
"Waxaan aad uga xunnahay shaqaaqooyinka ka dhacaya magaalada Gaalkacyo oo dad Soomaaliyeed ay qaarna ku naf waayeen qaarna ku dhawacmeen, waana arrin tiiraanyo leh in dad Soomaaliyeed waqtigan la joogo ay dhib isku geystaan.”
"Waxaan kale oo rabaa in aan halkaan ka sheegno in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay masuuliyaddoodu tahay in dadka iyo dalkiisa uu difaaco, dagaalka haatan socdana ilaa iyo hadda ma hayno wax warbixin cad ah oo sheegaysa in dagaalka ay qayb ka yihiin. Cid walba oo ku xad gudubta waajibka uu qaranka Soomaaliyeed u hayo waa lagula xisaab tamayaa waxana laga qaadayaa tillaabo waafaqsan sharciga dalka, waxana loo aqoon sanayaa in uusan ka mid ahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Wasiir Diini.
Wasiir Diini: "Waxaan aad uga xunnahay shaqaaqooyinka ka dhacaya magaalada Gaalkacyo.."
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo ee dirirtu u dhexeyso inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka, oo ay wada-hadal ku xalliyaan khilaafkooda. Isagoo dhina