
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAALINTII ARBCADA AHEYD EE 19-KA LUULYO 2017-KA OO CILLAD DARTEED WABKA LOO SOO GELIN WAAYEY
Dadkan ayaa ka banaanbaxayay qorshe la doonayo in wax loogaga bedelo dastuurka dalka Uganda, waxaana ka mid ah qorshe la doonayo in loogu oggolaado in markii lixaad uu isu soo shar axo xilka madaxtinimada dalkiisa sanadka 2021 xilligaa oo ay da’adiisu gaari doonto Museveni 75 sa no oo ah da’ada uu qorayo sharciga Uganda ee ah xadka da’ada Musharaxa Madaxweynaha dalka Uganda.
Wargeyska Daily Monitor ayaa daabacay in dadka banaanbaxayay ay ku qeylinayeen "Ha baxo Museveni,waqtigiisu wuu dhamaaday.” Iyo ereyo kale.
CIIDAMADA BADDA MAREYKAN OO TIJAABIYAY HUB NOOC CUSUB AH
`Ciidamada Mareykanka ayaa markii ugu horeysay tijaabiyay hub nooc cusub ah, kaasi oo ku shaqeynaya (Ileys) Laser isla markaana laga hagayo qaarad ka qaarad, waxaana la soo bandhigay qa abka uu u shaqeeyo hubkaasi oo loo adeegsado gantaalo nooc walba leh.
Madaxa maamulka Hubka Cale Hughes oo ka hadlayay tijaabada hubkaan casriga ah ayaa she egay inuu leeyahay awood sareysa isla markaana qorigiisa ku rakiban markab dagaal, kaasi oo muuq aalka la soo bandhigay isagoo duqeynaya goobo bar tilmaameed ah.
`Qalabka uu ku shaqeeyo hubkan casriga ah waxaa ka mid ah diyaaradaha Droneska loo yaqa ano ee kaligood is wada, isagoo sawiro ka qaadaya goobaha bartilmaameedka ah isla markaana geys anaya burbur baaxadiisu weyn tahay.
Dhinaca kale qorigaan ayaa isagu leh radaar u gaar ah, kaasi oo si otomaatik ah uga hortegaya gantaalaha ku soo socda, waxayna saraakiisha Mareykanka sheegeen in lagu guuleystay tijaabada hubkaan casriga ah.
GUDDOOMIYEYAASHA LABADA AQAL OO KULAN LA YEESHAY DEEQ BIXIYEYAASHA
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi iyo ku xigeenada labada Aqal ayaa xarunta Xalane ee Muqdisho u ga qeyb galay shir looga hadlayay dar dar gelinta howlaha mashaariicda Deeq bixiyeyaasha caalamka ay ku taageeraan Baarlamaanka Soomaaliya.
Shirkan oo ay goob joog ahaayeen wakiilo ka socday Deeq bixiyeyaasha Caalamka iyo Hay’a daha la shaqeeya ayaa sidoo kale waxaa si toos ah qadka muuqaal ahaan magaalada Nairobi shirkan uga qeyb galay madax ka socotay Hay’adaha Deeq bixiyeyaasha.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay shirkan in looga hadlay qorshaha dar dar gelinta mashaariica lagu taageerayo Baarlamaanka Soom aaliya oo ah mid horay u socday.
Dhanka kale Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Baarlamankan uu ka howlo iyo baahi badan yahay Baarlamaankii hore, islamarkaana xildhibaanada laga rabo in ay aadaan de gaan Doorashooyinkii laga soo doortay, si ay u keenaan xaaladaha dhabta ah dadka halkaasi ku nool.
Kalfadhiyada labaad ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa dhowaan si rasmi ah loo furay, waxaana Guddoonka labada Aqal ay wadaan dar gar gelinta howlaha horyaalla.
AKHRISO:XASAN SHIIKH MAXAMUUD OO KA MUSHAAR BADAN OBAMA IYO CAMERON
Dhawaan Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay miisaan iyad sanadeed uu yeelanayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaasi oo loogu guuleystay doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho bishii February ee sanadkaan 2017ka.
Dowladda Soomaliya ayaa u qoondeysay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dakhliga Bishii oo ah $40,000 oo Doollarka Mareykanka ah taasi oo ka dhigan in Sanadkii uu qaadan doono $480,000 oo Doollarka Mareykanka ah,waxaana uu ka badan yahay kuna laba jiba armaa Madaxweynayaal xilal kasoo qabtay Caalamka.
Akhriso:Madaxda uu ka mushaar badan yahay Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynihii Hore ee dalka Mareykanka Obama waxaa uu Sanadkiiba howlgabnimadiisa ku qaataa $200,000 oo Doollarka Mareykanka ah.
Ra’isalwasaarihii hore ee UK, David Cameroon miisaaniyaddiisa sanadlaha ah ee ay dowladda siiso dhan tahay $149,000 oo Doollarka Mareykanka ah,sidoo kale Dakhliga .
Ra’islawasaarihii hore ee Canada Stephen Harper,ayaa waxaa ay dhan tahay $105,000 oo Doo llarka Mareykanka ah.
BAARLAMAANKA PUNTLAND OO CODKA KALSOONIDA KALA LAABTAY WASIIRADA C/WALI GAAS
Baarlamaanka Puntland ayaa shalay codka kalsoonida kala laabtay Golaha Wasiirada Mada xweyne C/wali Gaas, kaddib markii ay mooshin ka keeneen.
Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka ay shalay ku yeesheen xaruntooda Garowe ayaa ku soo dhamaaday in codkii kalsoonida lagala noqday Xukuumadda Gaas.
47 Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 9 Xildhibaan ka aamustay, hal Xildhibaan uu diiday, iy adoo Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay natiijada inay tahay mid sax ah.
Kalsooni kala noqoshada Wasiirada Cabdiweli Gaas ayaa aheyd mid lama filaan ah, iyadoo tan iyo markii uu soo baxay mooshinka uu bilowday wada hadalo lagu qancinayay Xildhibaanada inay jooj iyaan.
Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta Garowe, iyadoo dad badan ay isugu soo baxeen waddooyin ka, iyagoo hadal haya tallaabada Baarlamaanka Puntland uu codka kalsoonida kala laabtay Xukuuma dda C/wali Gaas.
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa hada laga sugayaa inuu soo dhiso Gole wasiiro cusub oo mar kale u baahnaan doona in codka kalsoonida ka helaan Baarlamaanka Puntland.
DAD KU WAXYEELOOBAY MADAAFIIC LAGU GARAACAY DEGMADA BAARDHEERE..
Shabaab, ayaa waxaa la sheegay in madaafiicdaasi ay ka soo tuureen duleedyada Degmada Baardheere, iyadoo ugu yaraan shan iyo toban hoobiye ay ku soo dhaceen gudaha degmada.
Nin ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Dhacdo.com, ayaa yiri "Madaafiicda intooda badan waxay ku soo kala dhaceen xaafadaha Horseed, Masaba iyo Kurman. Meelo kaloo bannaan inay madaafiic ku dhaceen waan maqalnay, laakiin cid wax ku noqotay malaha.”
Ninkan oo codsaday inaanan magaciisa la soo xigan, ayaa yiri "Afar qof, oo saddex ka mid ah ay isu qoys yihiin, ayaa ku dhaawacantay madaafiicda ku soo dhacday xaafadda Horseed, hooyadii re erka ayaana ka mid ah dadka dhaawacmay. Qoyskan waa qoyska ganacsade lagu magacaabo Maxa med Nuur.”
Waxaa uu intaa ku daray "Madaafiicda ku dhacday xaafadda Kurmaan waxaa ku dhaawacan tay saddex, madaafiicda ku dhacday xaafadda Masaba lama sheegin cid ay waxyeelo ka soo gaartay. Waxaa jira madfac kale oo ku soo dhacay Bartamaha Degmada Baardheere, gaar ahaan inta u dhax eyso Shirkadaha Dahabshiil iyo Nation Link.”
Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Isaaq (Al Qaadi), ayaa is na xaqiijiyay in toddobo qof ku dhaawacantay madaafiicdaasi, isagoo intaa ku daray in laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu garaab tahay.
Al Qaadi oo la hadlay Dhacdo.com, ayaa ku waramaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay ku baxeen goobihii madaafiicda laga soo tuuray, islamarkaana ay ku daba jooggan mintidiintii madaafiicdaasi soo tuurtay.
Madaafiicdan, ayaa dareen baqdin leh ku dhaliyay bulshada reer Baardheere, kuwaa oo ku sheegaya in shalayy ay u ahayd subax adag, oo ay ku waaya bariisteen.
MASAR OO DALKUGAL KU SOO ROGTAY MUWAADINIINTA QATAR EE MASAR U SAFRAAYA…
Dowladda Masar ayaa soo saartay amar cusub oo qeexaya in muwaadiniinta u dhashay dalka Qatar dalkugal inay ku tagaan dalka Masar, xilliga ay u safrayaan.
Wasaaradda arimaha dibada dalka Masar ayaa soo saartay amarkaan cusub ee qeexaya in mu waadiniinta u dhashay dalka Masar aysan tagi karin dalkaasi, iyaga oo aanan wadan Vise.
Ka hor amarkaan cusub muwaadiniinta u dhashay dalka Qatar waxa ay bilaa Viise ku gali jireen dalka Masar.
Cunaqabateyntaan cusub ee la saaray muwaadiniinta u dhashayd dalka Qatar ayaa daba joog ta xayiraada dalalka Khaliijku saareen Qatar.
Go’aanka cusub ee Masar ayaa la sheegay in aanu saameyn ku yeelan doonin ardeyda Qatar u dhalatey ee wax ka barata dalka Masar.
Khilaafka Dowladaha Khaliijka ka taagan ayaa cirka isku shareeraya, iyadoo hadda aysan muuqan xal buuxa oo laga gaari karo arintaasi, marka la eego sida ay wax ku socdaan.
Qatar ayaa waxaa isku baheystay dowlado waawey oo ka tirsan dalalka Khaliijka, kuwaasi oo la sheegaayo xulafeysigooda inay ka dambeeyeen reer Galbeedlka.
WASAARADDA ARRIMAHA DASTUURKA OO KULAN WADATASHI AH LA YEELATAY QURBAJOOGTA DALKA KU SUGAN
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulan wadatashi ah la qaadatay dadka Qurbajoogta ah ee dalka ku sugan oo isugu jiray masuuliyiin dalka xil al ka haysa, sida Xildhibaano iyo Safiiro.
Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa ka war bixiyay waxa uu kulanka ku saabsanyahay.
"Marka hore waan idinkaga mahadcelinayaa sida aad ugu soo qaybgasheen kulanka, waxa aan idinkugu yeernay in aan idinka tala gelino habraaca aan doneyno in aan ku wajahno Geedisocodka dibueegista Dastuurka; Qurbajoogta Soomaaliyeed waxa ay door muhiim ah ka qaateen dib u dhiska dalka waana lagama maarmaan in laga talageliyo wax walba oo horumarka dalkeenna saameeyn ku
leh” ayuu yiri Wasiirka.
Dhanka kale, AVV Cabdi Xoosh oo ka hadlayey sida ay uga go’antahay in Qurbajoogta ay tala ku yeeshaan Geedisocodka ayuu yiri "Dadkeenna dalka dibadiisa ka yimid ee aan kamid ahay waxa ay xaq u leeyihiin in ay ra’yigooda ku biiriyaan Geedisocodka, waxaa inaga go’an in aan ugu tagno dalalka ay joogaan si aan u xoojino mabda’a aan ku shaqeeyneyno ee ah daahfurnaan”.
Gabagabadii, kulankan ayaa ah mid wadada u furaya in dhamaan dadka Qurbajoogta ah ay ka qaybgalaan ololaha Geedisocodka dibueegista Dastuurka oo sanadkan gudihiisa ka bilaabmi doona dalka.
DOWLADA TALYAANIGA OO SHAACA KA QAATAY IN AY RANEYSO XIRANEYSO MUHAAJIRIINTA
Talyaaniga ayaa ku hanjabay inuu u diidi doono maraakiibta dalalka shisheeye leeyihiin in ay ku dejiyaan dekadihiisa dadka muhaajiriinta ah.
Hadalkani wuxu ku soo baxay warqad uu danjiraha Talyaaniga u fadhiya Midowga Yurub, Mau rizio Massari, uu digniin ah in xaaladdu noqontay haatan mid "aan la sii wadi karin” ku siinayey Mid owga.
Ra’isal Wasaare Paolo Gentiloni ayaa isna ku eedeeyey qaramada Yurub in "ay isha ka lalina yaan” duruufaha taagan.
Waxa la rumaysanyahay in afartii cishee la soo dhaafay dad tiradoodu gaadhayso 10,000 oo qof isku soo miidaamiyeen safar ay badda kaga gudbayaan oo ay kaga soo kicitimeen Woqooyiga Afrika.
In ka badan 73,000 oo muhaajiriin ah ayaa sannadkan gaadhay dalka Talyaaniga, taas oo ah tiro ka badan boqolkiiba 14 tirada sannadkii hore gaadhay.
Qiyaastii 2000 oo qof ayaa ku dhintay ama la la’yahay oo loo malaynayaa in ay ku qarraqmeen badda, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga yaa iyaduna sheegtay in dadka badda isku biimaynaya badankoodu ka dhoofaan dalka Liibiya.
Liibiya ayaa noqotay marinka ay Yurub u maraan muhaajiriinta ka yimaad dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika, Bangladesh iyo dalal ka mid ah jasiirad la moodda Carabta oo ay ka mid yihiin Masar iyo Suuriya. Dadkaa qaar badan oo ka mid ahi waxay ka qaxayaan dagaallo iyo faqri.
Ciidanka ilaalada xeebaha Talyaaniga yaa hormood ka ah isku duwidda hawlaha gurmadka ah ee lagu samato bixinayo dadkaas, laakiin maraakiibta muhaajiriinta u gurmada badankooda waxa leh ururro khayri ah waxa aanay maraakiibtaasi sitaan calamada qaramo kale oo ay ku jiraan dalal ka tirsan Midowga Yurub sida Jarmalka iyo Malta.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO AQBALAY GO’AANKII BAARLAMAANKA KU RIDAY GOLIHIISA WASIIRADA
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Madaxt ooyada Garowe ayaa aqbalay go’aankii Baarlamaanka Puntland uu codka kalsoonida kala laabtay Gol ihiisa Wasiirada.
C/wali Gaas ayaa sheegay in mudada uu u siinayo Dastuurka Puntland uu ku soo dhisi doono Gole Wasiiro, isagoo la tashan doono Madaxweyne kuxigeenka.
"Waxaa shalay oo Talaado ah, taariikhdu tahay 18 July 2017, Baarlamaanka Puntland xasaan ada kala noqday Golaha Xukuumadda dowladda Puntland, waa arrin dastuuri ah oo waajibaadkooda shaqo ka mid ah, taas waxay i fareysa Madaxweyne ahaan in aan Golaha Xukuumadda ku soo dhiso mudada oo ii ogol yahay Dastuurka”ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweyne Gaas ayaa ugu baaqay shacabka Puntland inay kala shaqeeyaan Laamaha Ammaanka sugida amniga..
Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Ciidamada ammaanka inay xoojiyaan nabadgelyada, iyo xasiloonida, kana hortagaan falal amni darada.
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa kulan shalay ay yeesheen waxay codka kal soonida kala laabteen Golaha Wasiirada Puntland, kaddib markii ay ku eedeeyeen waxqabad xumo, waxaana mooshin laga keenay ogolaatay 47 xildhibaan, halka 9 xildhibaan ka aamustay, 1 Xildhibaan uu diiday.
Tallaabadan ayaa waxay mar kale fursad u siineysa Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas inuu ku soo dhiso Gole Wasiiro cusub, iyadoo Golihiisa Wasiirada ee la riday ay ahaayeen kuwii ugu tirada badnaa abid ee soo mara Puntland.
SARAAKIIL KA SOCOTAY BURUNDI IYO UK OO KULAN LA QAATAY MASUULIYIINTA K/GALBEED
Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay Dowladaha Burundi iyo Ingiriiska.
Saraakiishan ayaa horey waxa ay uga qeyb qaateen tababarida Ciidamo Dowladda Federaalka ka tirsan iyo kuwo Koonfur Galbeed ah.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa dadka ka soo barakacay Abaaraha ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Kulanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii looga hadlay Maxamed Xasan Fiqi Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfdur Galbeed ayaa Idaacadda Risaala ku amaanay qaabka ay u tabiso wararka xaqiiqada ku saleysan, gaar ahaan wararka ay ka baahiso degaanada Koonfur Galbeed.
JUBBALAND OO GACANTA KU DHIGTAY RAG MIINO AASAYAY..
Ciidamada amaanka Maamulka Jubbaland ee Degmada Dhoobley ooku taala xadka dalalk Soom aliya iyo Kenya ayaa gacanta ku dhigay seddex nin oo siday Miino nooca dhulka la dhigo ah ee Telefo nada laga hago.
Saaakiil ka tirsan Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa sheegay in raggaan bartilmaam edkooda ahaa in ay miinadan ku aasaan saldhiga ciidanka Booliska Maamulkaas ee ku yaala Mag aalada Dhoobleey.
Ragga Falkan fulin r abay ayaa ahaa seddex nin oo midba midka kale uu si dadban ula shaq eyn jiray, waxaana lagu kala magacaaba Maxamed Deeroow Cali Waa 22 jir kudhashay Magaalada Saakoow, oo ah Darawalka Miinada magaalada Soo gelliyay, Waxaana uu sheegay in nin ka la dhaho Cismaan Maxamed oo kamid ah AlShabaab uu qaraxa u soo dhiibay, waxaana Miinada loo dhiibay Ibr aamih Saalax iyo Cabdi Cabdullaaahi oo deegaan ku ah Dhoobleey Ganacsina ku haysto si ay u fuli yaan.
Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in raggaan Maxkadda lasoo taagi doono madaama ay doonayeen in ay Miino ku aasaan Saldhiga Ciidamada Booliska Maamulkaas ee Magaalada Dhoobley.
ALSHABAAB OO WEERAR KU QAADAY KENYA
Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa weeraray xerada GSU oo ku taalo degaanka Mokowe ee ka tirsan Lamu Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Weerarkaan ayaa ku soo aadaya, saacado kadib markii Madaxweynaha dalka Kenya uu khu dbad ololihiisa doorashada uu jeedinaayay ku sheegay in Shabaab ay si adag ula dagaalamayaan ay na duugayaan.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska dalka Kenya, ayaa sheegay Xoogaga Shabaabka ka tir san in xabado ooda ay uga qaadeen Xerada, saacada markii ay aheyd Koowdii habeenimo ee habeen hore, laakiin wuxuu sheegay inay iska difaaceen weerarkaasi.
"Waxaan weydiinay aqoonsigooda, laakiin waa ay diideen, kadibna waxa ay nagu fureen xab ado socday muddo 20 daqiiqo ah, ka hor inta aynaan iska riixin.” Ayuu yiri Sarkaal magaciisa la qari yay oo la hadlay Wargeyska Daily Nation.
Ilo wareed kale oo ka tirsan ciidamad Booliska dalka Kenya oo ka hadlay xaaladii dagaalka ee habeen hore, ayaa sheegay ka hor inta uusan dagaalka dhicin, inuu helay fariin muujinaysa in weerar lagu soo qaadi rabo xerada ciidanka GSU.
Majirto khasaare dhimasho oo la soo wariyay oo ka dhashay weerarkaasi Shabaab ay ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deegaanka Mokowe ee ka tirsan dalka Kenya. Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in ciidankii meesha joogay uu khasaare soo gaaray, maadaama xabado xoo gan ay ku fureen dagaalyahanada ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Tani ayaa muujinaysa in Shabaab awood badan ay ku leeyihiin Gobolka Waqooyi Bari oo xilliga ay doonaan ka fulin karaan weeraro.
UHURU KENYATTA OO SHEEGAY IN AL SHABAAB LA DILO KADIBNA LA AASO
Countygga Lamu ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ku soo badanayay bil ihii lasoo dhaafay weerarada ay geysanayaan xarakadda Al Shabaab.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Isniintii daraad booqday Gobolka Lamu, waxaana uu ka bilaabay Ololaha uu ku doonayo in dib loogu doorto madaxtinimada dalkaasi.
Mr Uhuru, ayaa intii uu ku sugnaa Lamu waxaa uu soo hadal qaaday dagaalka ay kula jiraan xarakadda Al Shabaab, waxaana uu u sheegay ciidanka KDFta Kenya in ay dilaan dabadeedna la aaso Al Shabaab haddii lagu arko degaannada Lamu.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa iclaamiyey hawlgal ballaaran oo dhanka amniga ah kaasi oo lagula dagaalamayo AlShabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in lagu guuleystay badbaadinta haweeney ay afduubteen Al Shabaab dhawaan.
Ciidanka dawladda Kenya ayaa soo badbaadiyey Ms. Marriam inkastoo kooxihii afduubtay ay ka qaateen gaarigii ay wadatay.
AlShabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan Gobo lka Woqooyi Bari ee Kenya, kan Xeebta, waxaana dhacdooyinkii uga xumaa ee uga dambeeyey ay ka dhaceen deegaanka Lamu.
AXMED CABDI OO XIL SARE UGA TARTAMAYA WASHINGTON..
Gobolka Washington ayaa waxaa ka bilowday doorashooyinka is reeb reebka ee loogu tarta mayo kuraasta iyo guddiyada maamula gobolkaasi taasoo dhici doonta bisha November ee sanadkan.
Dadka tartankaasi ku jira waxaa ka mid ah Axmed Ismaaciil Cabdi oo ka mid ah Soomaalida deeggan gobolkaasi oo u tarmamaya mid ka mid guddiga 5ta ah ee maamula garoonka iyo dekedda ee gobolkaasi, isagoo u tartamaya kursiga degaanka King County ee magaalada Seattle ee gobolk aasi.
Isaga oo ka hadlayay waxa ku qasbaya in uu u tartamo xilkan ayaa yiri’’ Magaaladan waxaay le edahay dekeda iyo Airport aad u weyn, haddii aynu nahay dadka African –ka ah ama Soomaalida waa meelaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha uu naga soo galo, sidaa daraadeed muhiim weyn ayeey inoo leedahay in aan u tartanno kursigan taas dardeed ayaa igu qasabtay in aan ka mid noqdo tartamayaa sha’’ ayuu yiri Axmed Ismaaciil Cabdi.
Waxaa uu sheegay in tartanka uu ku jiro uu quseeyo labadaba dekedda iyo Airport oo leysku daray, madaama ayuu yiri Soomaalida halka ugu badan oo ay ka shaqeystaan ay tahay labada dhinac ee kala ah Dekedda iyo Airport.
‘’In Qof dadka ay garanayaan uu soo gallo gudiga maamula gobolkaas muhiimad weyn ayeey u leedahay dadka Soomaalida iyo Africaanka intaba, madaama inta badan dadka qaarada ka soo jeeda iyo kuwa Soomaalida ay ka xoogsadaan ama ka shaqeystaan labada xarumood ee dhaqaalaha ugu badan uu ka soo gallo ee Dekedda iyo Airport’’ ayuu yiri Axmd Ismaaciil Cabdi.
Axmed waxa uu hadda ka mid yahay guddiga maamula guryaha ay ku nool yihiin qoysaska uu dhaqaalahoodu yar yahay ee Magaalada Seattle ee gobolkaasi.
SOMALIYA KAALINTEE KAGA JIRTAA RAGGA UGU QURUXDA BADAN AFRIKA,?
Wargeyska lagu magacaabo Daily Express ayaa baahiyay warbixin uu kaga hadlayay 10ka Da le e ugu Ragga Qurxoon Qaaradda Afrika,waxaana liiskan lagu soo daray Soomaaliya.
Hanaanka qiimeynta waxaa uu ku saleysan yahay muuqaalka jir ahaaneed ee Qof ka,Midabki isa,Dabeecadaha iyo howlkarnimadiisa.
10 – GHANA :Ragga Ghana waa Rag xushmad badan,waxna ka garanaya macnaha Jacaylka,sidoo kalena ku wanaagsan Sariirta iyo mas’uuliyadda reerka.
Wa Rag dhegeysta Dumarka,una dul qaata marka ay ku suganyihiin xaaladaha gaarka ah.
9KENYA Ragga Kenya waxaa ay kaalinta 9aad ku heleen waxaa lagu tilmaamay Rag badan ba nana,ku wanaagsan mas’yuuliyadda Dumarka doorta,howl kar ah sidoo kalena macnaha nolosha gara naya.
8TANZANIA Ragga Tanzania waxaa ay kaalinta 8aad ka galeen liiskan,waxaana ay ku hanteen Nad aafadda,ad adeygga iyo howlkar nimada,waxaana hal heys u ah haddii aad dooneyso ubad Adduunyada ka muuqda guurso Ragga Tanzania.
7 SOUTH AFRICA :South Africa,waa Guriga dadka qurxoon Qaaradda Afrika ka billow Magaalooyinka Cape town, Johannesburg, Pretoria iyo Durban,waxaad ka heli kartaa Koofur Afrikaan Caddaan ah iyo Koofur Afrikaan Madow ah.
6.ANGOLA Ragga Angola waxaa ay ka midyihiin kuwa ugu qurxoon Afrika,waxaana ay ka heleen qeyb ahaan raadkooda gala Brazil ,muuqaalka Shukulaatada leh ee ay leeyihiin,Raggooda uma ba dna maba ma adeegsadaan Cream,waana ay qurxoonyihiin.
5 CAPE VERDE ISLANDS Inkasta oo aysan ahayn dal caan ka ah Afrika haddana CAPE VER DE,waxaa laga helaa kuwo ka mid ah Ragga ugu quruxda badan Afrika,sababaha waxaa lagu soo xushay in Raggooda ay ku wanaagsanyihiin xiriirka Dumarka iyo haqab tirka Galmada.
4 NIGERIA :2014kii Nigeria waxaa ay kaalinta 1aad ka gashay Ragga ugu quruxda badan Afrika,lkn wixii ka dambeeyay marna kuma soo laaban,hal heyskooda waxaa uu ahaa ma rabtaa Afrikaan rasmi ah guurso Nin Nigerian ah si aad u hesho Carruur Afrikaan dhalad ah,waxaa kale oo Ragga Nigeria lagu sheegay in ay adkeeyaan Ballanta
3 RWANDA:Ragga Rwanda ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin kuwa ugu quruxda badan Afr ika,waxaana ay ku kasbadeen,iyaga oo aan loo eegin midabkooda Bishimaha Ragga Rwanda oo aad u so jiidasho badan.
Sidoo kale Indhaha Ragga Rwanda ayey ka helaan Haweenka sida lagu xusay Warbixinta ,sidoo kale waa ay shaqo badanyihiin,waana dad adkeysi badan.
2 – ETHIOPIA Ragga Itoobiya sababta ay u qurux badan yihiin waxaa lagu sheegay in ay ka timid isku darka dadkooda ee ka kooban Yemeniyiinta iyo Itoobiyaanka iska dhalay.
Waxaa ay safka hore uga jiraan Afrika iyo Caalamka oo dhan,waana sababta ay kaalinta 2aad uga tiigsadeen warbixintan.
1 SOMALIA Sababta Somaliya kaalinta 1aad uga gashay ayaa lagu sheegay in ay tahay midabka ga arka ah ee Dadka Soomaalida ah oo ka sameysan nooca Shukulaatada,Timaha jilicsan ee isku samey san iyo muuqaalka Qofka Soomaaliga ah oo ah nooc gaar ah.
Sababta 2aad ayaa lagu sheegay in Ragga Soomaaliyeed aysan ahayn kuwo is dhiiba xilliyada adag,waxaana lagu xusay in Ninka Soomaaliga ah uusan u dul qaadan faqriga iyo gaajada beddelkee dana uu door bido maareynta noloshiisa iyo tan dadka uu mas’uulka ka yahay.
BOGGA CAYAARAHA
YAAB: LACAGTA AY PARIS SAINTGERMAIN KU DOONAYSO OO KOOX DHAMAYSTIRAN LAGU DHISI KARO IYO SHAXDA KOOX LAGA SAMEEYAY CIYAARTOYDA LALA KALA WAREEGAY EE LACAGTAN LAGU HELI KARO.
Kooxda Paris SaintGermain ayaa u muuqata in ay isku dayayso in ay bixiso lacagta waalida ah ee lagu burburin karo heshiiska Neymar Jr taas oo ah 222 milyan euros, laakiin lacagtan ayaa ah mid koox dhamaystiran lagu dhisi karo taas oo si buuxda ugu tartami karto koobkasta oo ay ka soo muu qan karto.
Adiga oo aan meel fog ka doonin dib ugu soo laabo ciyaartoydii muhiimka ahayd ee xagaagan lala kala wareegay, waxaanad dareemi kartaa in haddiiba ay dhacdo in PSG ay lacagtan ku hesho Neymar JR ay tahay si buuxda koox loogu dhisi karo.
Haddaba waxaa barbaraha bul shada looga hadlayaa haddii uu Ney mar JR kooxda PSG ugu biiro 222 milyan eu ros ayay khasaare ku tahay? Ma PSG ay ay khaasare ku tahay, ma Barcelona? Mise Neymar JR?. Dad ayaaba aaminsan in khamaarka ugu wayn uu gali karo Neymar JR haddii uu Barcelona uga baxo PSG oo la ogaa wixii uu ku sameeyay kulankii taariikhiga ahaa ee Camp Nou.
Laakiin wargayska Marca ayaa dhinac muhiim ah ka eegay wuxuuna meel iskugu keenay 11 ciyaartoy oo ah shax laga sameeyay ciyaartoydii xagaagan lala wareegay oo lagu dhisi karo lacagta ay PSG ku doonayso Neymar JR. Laakiin ha u qaadan in ay shaxdani tahay ciyaartoy aan magac lahayn, waxaa ka mid ah Leonardo Bonucci oo uu Neymar JR ku dhaafi waayay Champions Leaquega si la mid ah xidiga ay Arsenal suuqa koox deeda u jabisay ee Alexandre Lacazette.
Haddii aan hoos ugu degno ciyaartoyda xagaagan lala wareegay ee shaxdan laga sameeyay taas oo lagu iibsan karo lacagta heshiiska Neymar JR lagu burburin karo waxaa goolhaye looga dhig ay Asmir Begovic oo Chelsea kaga baxay 11 milyan oo euros wuxuuna ku biiray Bournemouth.
Waxaana saddexda difaaca ah ku jira ciyaartoyda lagula kala wareegay horyaalka difaacasha da adag u saaxiibka ah ee Talyaaniga waxayna kala yihiin Medhi Benatia, Leonardo Bonucci iyo Mat eo Musacchio kuwaas isku dar ahaan lagu iibsaday 77 milyan euros.
Khadka dhexe waxaa ku wada jira Dani Ceballos oo ay Real Madrid 17 milyan oo euros ka soo bixisay, Roque Mesa oo ay Swansea City 12 milyan euros ka bixisay waxaana sidoo kale ku jira Juan Cuadarado oo ay Juventus heshiiskiisii amaahda ahaa 20 milyan oo euros mid rasmi ah ay kaga dhig tay iyo waliba Nolito oo 6 milyan oo euros ugu soo biiray Sevilla.
Waxaana shaxdan caawiyaha weerarka ugu jira Hakan Calhanoglu oo ay AC Milan 22 milyan oo euros ku heshay waxana ka horeeya xidiga ay Gunners suuqa kooxdeeda u jabisay ee Alexandre Lacazette oo ay 52 milyan oo euros ka soo bixisay iyo waliba Sandro Ramirez oo ay Everton kula soo wareegtay 5 milyan oo eruos.
Haddaba Halkan Kaga Bogo Shaxda Kooxda Laga Sameeyay ciyaartoydii xagaagan lala soo wareegtay ee lagu dhisi karo lacagta Neymar JR heshiiskiisa lagu burburin karo.
SEDDAX IYO TOBBAN SANO UU REAL JOOGAY DAAWO SAWIRADII UGU CAJIIBKA BADNAA EE RAMOS
Sergio Ramos wuxuu kamid yahay xiddigaha ugu Tunka weyn oo ay haysto Naadiga Real Mad rid, ee dalka Spain, waxaana la rumeysan yahay inuu yahay ciyaaryahan aad looga qadariyo Kooxd aan.
Wuxuu kooxdaan joogaa in kabadan 10 sano, waxaana uu yimid isagoo jira 19-sano wuxuuna kaga soo biiray Naadiga Sevilla ee isla dalka Spain, waxaana Lamberka 4-aad uu ka dhaxlay Halyeey ga caanka ah ee Fernando Hierro.
Tan iyo intii uu ku guda jiray Xirfadiisa Kubadda cagta ee Los Blancos wuxuu sameeyay wax waliba uu ku hamiyo laacib Daafaca ka dheelo, wuxuuna kasoo muu-qday Shaxda Kooxda ugu wanagsan aduunka ee FIFA.
Haddaba, Shabakadda Laacib.so, waxaan kuusoo gudbin doonaa qaar kamid ah Sawiradii lo ogu xusuuta badanaa xiddigaan, waxaana aad ka daawan kartaa halkaan hoose ee ka arag!
International - Champions Cup:: China July 19
14:20 Bayern Munich? - ? Arsenal
International - Premier League Asia Trophy July 19
13:00 Leicester City? - ? West Bromwich Albion
15:30 Liverpool? - ? Crystal Palace
International - Club Friendlies July 19
12:00Moreirense? - ? Pacos de Ferreira
14:50Schalke 04? - ? Besiktas
15:00Persija Jakarta? - ? Espanyol
16:00Sparta Rotterdam? - ? Club Brugge
17:30Atalanta? - ? Brusaporto
18:00Genoa? - ? Goztepe
18:30Fiorentina? - ? Trento
18:30Triestina? - ? Lazio
19:00Bocholt? - ? Genk
19:00Caen? - ? Lorient
19:00 Feirense? - ? Vitoria de Guimaraes
19:00 Freiburg? - ? Konyaspor
19:00 Mainz 05? - ? FC Tokyo
19:00 Reims? - ? Sporting Charleroi
19:00 Udinese? - ? Al Ahli
19:30 Alaves? - ? Toulouse
19:30 Bochum? - ? FC Groningen
19:30 Bonner SC? - ? Bayer Leverkusen
19:30 Dijon? - ? Le Puy
19:30 FC Zuerich? - ? Schaffhausen
19:30 Montpellier? - ? Clermont Foot
19:30 Quevilly? - ? Standard Liege
20:00 Barakaldo? - ? Eibar
20:00 Braga? - ? Angers
20:00 Chaves? - ? Maritimo
20:00 Duisburg? - ? Norwich City
Canc.Excelsior? - ? FC Oss
20:00FC Dender? - ? Anderlecht
20:00FC Twente? - ? Everton
20:00Gil Vicente? - ? Rio Ave
20:00Holstein Kiel? - ? Hamburger SV
20:00Monaco? - ? Fenerbahce
20:00St.Truiden? - ? Westerlo
20:00Willem II? - ? FC Eindhoven
20:30AEK Athens? - ? Gent
20:30Cappellen FC? - ? Waasland-Beveren
20:30Eupen? - ? Metz
20:30Kortrijk? - ? Lille
21:00Bodmin Town? - ? Cardiff City
21:00Portimonense? - ? Sheffield Wednesday
21:30Accrington Stanley? - ? Preston North End
21:30Guijuelo? - ? Sporting Gijon
21:30Mansfield Town? - ? Middlesbrough
21:45Notts County? - ? Nottingham Forest
21:45Oxford United? - ? Brentford
Canc.Tigres? - ? Juventus
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAALINTII ARBCADA AHEYD EE 19-KA LUULYO 2017-KA OO CILLAD DARTEED WABKA LOO SOO GELIN WAAYEY
DAD LOO XIRXIREY MARKII AY GUBEEN FUNAANAD UU KU SAWIRNAA MADAXWEYNE MUSEVENI Booliska dalka Uganda ayaa xabsiga u taxaabay dad lagu eedeeyay in ay gubeen funaanado uu ku sawirnaa Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni. Dadkan ayaa la sheega