Madaxweynaha Turkiga oo sheegay in si sharci ah lagu soo riday diyaaraddii Ruushka

0
Wednesday November 25, 2015 - 08:22:21 in Wararka by
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Turkiga oo sheegay in si sharci ah lagu soo riday diyaaraddii Ruushka

    Madaxweynaha Wadanka Turkiga, ayaa si weyn u taageeray tallaabada Talaadadii lagu soo riday diyaaraddii dagaalka, ee laga lahaa dalka Ruushka, ka dib markii uu sheegay in hawada Turkiga ay ku soo xadgudubtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Wadanka Turkiga, ayaa si weyn u taageeray tallaabada Talaadadii lagu soo riday diyaaraddii dagaalka, ee laga lahaa dalka Ruushka, ka dib markii uu sheegay in hawada Turkiga ay ku soo xadgudubtay.

Recep Tayyip Erdogan, ayaa wuxuu sheegay in sida uu sharcigu qabo uu dal kastaa xaq u leeyahay in uu is difaaco, haddii hawadiisa ay ku soo gardarooto diyaarad militari.

Madaxweynaha, ayaa ku celiyay in sida uu sharcigu qabo ay sax tahay in la soo rido diyaaradaha dagaalka, haddii ay soo galaan hawada dal kale, iyagoo aan markaasi wax fasax ihi ka haysan Maamulka dalkaasi.

Isagoo Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Ankara, ayuu cadeeyay in diyaaradda Ruushka lagu dhex toogtay hawada Turkiga, markii ay iska dhego tirtay 10 goor oo digniino loo jeediyay.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa hoosta ka xariiqay in samir oo keliya looga gudbi karo dhacdooyinka xun xun ee horey u dhacay, isagoona u muuqday mid hadalkaasi ku samir-siinaaya Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in cawaaqib xumo ka dhalan doonto ficilkii uu Turkigu ku soo riday diyaaradaasi, wuxuuna muujiyay in taasi ay xumayn doonto xiriirka labada dal.

Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, ayaa hakiyay safar uu Arbacada maanta ah ku taggi lahaa dalka Turkiga, ka gadaal markii uu Turkigu soo riday diyaaraddii Ruushka laga lahaa




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip