Faallo: Lixda gaashaan ee dowladda Qadar

0
Saturday June 10, 2017 - 10:47:03 in Maqaallo by
  • Visits: 1491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Lixda gaashaan ee dowladda Qadar

    Dowladda Qadar waxa ay heysataa lix Gaashaan oo ay uga hortegi karto Cawaaqib xumada ka dhalan karta Xayiraadda ay kusoo rogeen dhowr Dowladood oo Carab ah kuwaa oo ku eedeeyay Qadar in eey Maalgeliso Argagixasada, Dowaladda Qadarna waxa ay si is dab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Qadar waxa ay heysataa lix Gaashaan oo ay uga hortegi karto Cawaaqib xumada ka dhalan karta Xayiraadda ay kusoo rogeen dhowr Dowladood oo Carab ah kuwaa oo ku eedeeyay Qadar in eey Maalgeliso Argagixasada, Dowaladda Qadarna waxa ay si is daba joog ah u beenisay eedeymaha loosoo jeediyay.

Dowladaha Sacuudi carabiya, Isutagga imaaraatka Carabta, Baxreym, Masar, Liibiya iyo Yamen ayaa ku dhawaaqay isniintii lasoo dhaafay ineey Xariirka Diblamaasiyadeed u jareen Wadanka Qadar, waxana weli Go’aankaa qaadan wadamada Kuweyt iyo Cummaan.

Hadaba Xayiraadaha Dhaqaale ee Dhinacyada Cirka, Dhulka iyo Badda ee Sedaxda wadan ee deriska la ah Dalka Qadar, waxa jira 6 Gaashaan oo Dowladda Qadar uga hortegi karto shidadda Xayiraadahaas.


1. Sanduuqa Dhaqaalaha Madaxbanaanida (Sovereign wealth fund) Sanduuqaan waxa ay asaastay Dowladda Qadar sanadkii 2005 tii , Waxana ku jira hanti lagu qiyaasay $335 Bilion Hantidaa waxa wehliya Hanti lacageed oo kaash ah taa oo gaareysa $43.6 Bilion, taa oo Qadar ka dhigeysa mid u babac dhigi karta Xayiraadaha Dhaqaale ee lagu soo rogay.

Wakaaladda Warar ee Qadar waxa ay sheegtay ayadoo soo xiganeysay Masuulka ugu sareeya National bank of Qatar (QNB) inuu leeyahay Awood uu ku waajoho Dhaqaala barar kasta oo ku yimaada Sicirka lacagaha isagoo cadeeyay ineey heystaan Keyd badan oo lacaga qalaad ah kuna taageeri doonaan suuqa hadii ay imaato baahideedu.

2. Bedelka Wax soo dejinta ( Import alternatives ) Saacada kooban ka gadaal marki ay ku dhawaaqeen Dhowr Dowladood oo ka tirsan Gacanka Khaliijka ineey Xariirkii Diblamaasiyadeed u jareen wadanka Qadar ayay sheegtay Dowladda Iiraan ineey diyaar u tahay iskaashi ganacsi oo ay la sameyso Dowladda Qadar, waxa ayna cadeeyeen, in ay la leeyihiin Qadar Xaduud xaga badda ah taa oo suura gelin karta, in Badeecada ka imaata Iiraan lagu keeno Qadar 12 saac gudahood ayadoo la adeegsanayo Sedax Marso (Deked).

3. Yaraanta iswaydaarsiga Ganacsiga kala dhexeeyay Wadamada Xariirka Jaray (Small trade exchange with the boycotters) Si lixaad leh Wadamada Gacanka Carabtu waxa ay ku tiirsanyihiin dhoofinta saliidda, waxaana aad u yar iswaydaarsiga ganacsi ee dhexdooda ah taa oo aad u yareyneysa Waxyeelada Dhaqaale ee Xayiraaddaan.

Sida ay xustay Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Qadar Iswaydaarsiga ganacsiga ee kala dhexeeya Wadamada Gacanka Carbeed waxa uu ka ahaa 12% iswadaarsiga Ganacsiga ay la leedahay Caalamka intiisa kale waxa uuna ahaa $10.5 sanadkii 2016.

4. Gaaska iyo dekedaha qalabaysan (Gas and fitted ports) Qatar waxa ay awoodaa dhoofinta ugu weyn ee Gaaska Dabiiciiga ah ayidoo adeegsaneysa dekedaha waa wayn ee Dalkeeda, waxa ayna sii wadeysaa in ay dhoofiyaan gaaska dabiiciga ah, kaas oo gaaray dheeri xaga ganacsiga ah (Economic surplus).

Badeecadaha kale oo ka kala goosha Xaduudaha Sacuudi Carbiya waxa uu ahaa $2.7 Bilion april 2016-april 2017. 5. Dhexdhexaadnimada Kuweyt iyo Cummaan (The neutrality of the Kuwait and Oman) Wadamada Kuweyt iyo Cumman ma jarin Calaaqaadkii Diblamaasiyadeed ee ay la lahaayeen Wadanka qadar taa oo suuragelin karta , in ay u istaagaan Xal dblamaasiyadeed.

Kuwait waxa ay u muuqataa mid ku hawlan isku day si loo damiyo xiisadda, sida ay horayba usoo gashay 10 maalmood ka hor markii ay soo kordheen mashkiladahaan cusub, dhexdhexaadin u dhaxaysa Saudi Arabia iyo Imaaraadka Carabta dhinac ah iyo Qadar oo dhinaca kale ah.


6. Saldhigyada Mareykanka (American bases) Saldhigga mareykanku ku leeyahay dalka Qadar ee ku yaalla Koofur-galbeed ee Magaalada Dowxa una jira 30KM,waxaa ka howlgala Cidamo gaaraya 11,000 oo askeri, waana qaacidada ugu wayn ee Mareykanku ku leeyahay Dibadda dalkiisa.

Saldhigga waxaa adeeygasada difaaca cirka ee Mareykanka waana halka ugu badan ee Dayuuradaha mareykanka ee ka howl gala bariga dhexe ay ka duulaan taa oo Qadar ka dhigeysa Saaxiib istaraatiiji ah oo mareykanku ku leeyahay Bariga dhexe.

W/Q . Dr. Barre Maxamed Muuse



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip