Ciidamadii loo xil saaray Xasilinta Caasimada oo labo ukala Jabay

0
Tuesday May 30, 2017 - 10:34:33 in Wararka by
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadii loo xil saaray Xasilinta Caasimada oo labo ukala Jabay

    Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamadii ugu badnaa xalay soo dhoobtay degmooyinka Hodan,Wadajir iyo Dharkeynley kuwaas oo wata gawaarida dagaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamadii ugu badnaa xalay soo dhoobtay degmooyinka Hodan,Wadajir iyo Dharkeynley kuwaas oo wata gawaarida dagaalka.

Ciidamadan ayaa lagu arkay Isgoyska KM4, Danwadaagta, Korontada ilaa iyo Xoosh, waxeyna gawaaridooda Ciidanka ku gooyeen isgoysyada ay ku sugaanyeen.

Ciidamadan ayaa isugu jiray Nabad Sugid iyo tiro yar oo Boolis ah, waxeyna qeyb ka ahaayeen howlgalka dowladda ay ugu magac dartay xasilinta Caasimada ee Muqdisho ka socda.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa Xalay iska diiday iney qeyb ka noqdaan howlgalka Muqdisho ka socda, iyagoona sheegay ineysan ka sii mid ahaaneynin dadaalada Dowladda ay ku dooneyso iney hubka uga uruuriso Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo masuuliyiinta horay xilalka usoo qabtay.

Saraakiil kamid ah Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa Dhacdo.Com usheegay in Dowladda ay ka weecisay hadafkii laga lahaa howlgalka Xasilinta Caasimada ee ahaa in Shabaab laga saaro Muqdisho, lana waayo dilal ka dhaca Caasimada.

Milatariga Soomaaliya ayaa ku doodaya ineysan xiligan suura gal eheyn in masuuliyiintii dowladda xilalka usoo qabtay iyo kuwa hada hayaba Hubka laga uruuriyo iyadoo Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay Muqdisho ku dhex hubeysanyihiin.

Ujeedka ka danbeysa Ciidankii Xalay la soo dhoobay Degmooyinka qaar ee Muqdisho ayaa ahaa sidii weerar loogu qaadi lahaa Gudoomiyihii Hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadoow Daaci oo hub fara badan Wadajir ku heysta.

Siyaasiyiinta qaar ayaa ku doodaya in Dowladda fashil ka soo wajaheyso qorshaha ay haatan wado, maadaama ay mucaarado kala hor iman doonaan dadka ay hubka dhigista ku sameyneyso.

XIGASHO:-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip