Fariin muuqaal ah oo la soo dhigay barta Facebook ee Madaxtooyada Villa Somalia ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in Aadan Cadde uu yahay Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya, oo ku yimid hab dimoqraadiyad ah, dimoqraadiyadna uga tagay Afrika oo aan wali fahamsaneyn wax dimoqraadiyad la yiraah, sida uu yiri
"Markaan arkayo subax walba sawirkiisa, macnaheeda waxay tahay in lagu daydo oo dalkaan u gudbay dimoqraadiyad, runtii aan dooneyno in aan horumarino dimoqraadiyada, taariikhdna mar walba aan xusno, isna uu ka ahaa astaan wanaagsan”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Hase ahaatee dadka qaar ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Farmaajo in buuggii uu qoray sanadkii 2009-kii uu ugu gafay Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Aadan Cadde, gaar ahaan marka uu ka hadlayay xilliyadii xornimada laga qaadanayay gumeystihii Talyaaniga.
Inkastoo Tallaabo wanaagsan ay tahay in Madaxweynuhu xusuus iyo maamuus uga dhigo xafiiskiisa in la suro sawirka Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya, hadana Xildhibaanada qaar ayaa tilmaamaya in arrinta sawirka Madaxweynaha in la suro xafiiskiisa ay tahay qodob dastuuri ah
Qodob ka mid ah dastuurka ayaa faraya in xafiiska Madaxweynaha wixii la doono la suri aan la suri karin, Sawirka Madaxweynaha xilka haya wuxuu xafiiska ku suran yahay qodobo dastuuri ah, gaar ahaan qodobka 87 Faqradiisa B.



0 



Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri sawirka Aadan Cadde ee uu surtay Xafiiskiisa (Daawo)
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay sababta uu xafiiska u surtay sawirka Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), taasoo aheyd tallaabo ka duwan Madaxweynayaashii hore.