Kooxda Boko Haram oo la sheegay in ay fulisay Weerarradii ugu badanaa ee Dunida ka dhacay

0
Thursday November 19, 2015 - 20:01:34 in Wararka by
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Boko Haram oo la sheegay in ay fulisay Weerarradii ugu badanaa ee Dunida ka dhacay

    Warbixin cusub oo soo baxday ayaa lagu sheegay in kooxda Boko Haram ay ka hor-mareen kooxda gacan-saarka ay la leedahay ee loogu yeero dawladda islaamiga, ayna Boko Haram noqotay kooxda ugu dilka badan caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin cusub oo soo baxday ayaa lagu sheegay in kooxda Boko Haram ay ka hor-mareen kooxda gacan-saarka ay la leedahay ee loogu yeero dawladda islaamiga, ayna Boko Haram noqotay kooxda ugu dilka badan caalamka.
Warbixintaan oo cinwaan looga dhigay ‘Tusaha argagixisada Dunida’ ayaa lagu sheegay in 30% dilalka la xiriira qalalaasaha Boko Haram ay kordheen tan iyo sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-ka.

Sidoo kale, warbixintan oo uu soo saaray machadka dhaqaalaha iyo nabadda ee fadhigiisu yahay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa muujinaysa in tan iyo waqtigaas ay weerarrada ay kordheen, iyadoo khasaaraha xooggiisa uu u badan yahay dalalka Ciraaq, Nigeria, Afgaanistaan, Bakistaan iyo Suuriya.

Warbixinta ayaa sheegaysa in kooxda dowladda Islaamiga ah ee ISIS iyo kuwa la midka ah ay mas’uul ka yihiin kala bar dhismashada la xiriira argagaxisnimada ee ka dhacay daafaha dunida.

Dalka ugu daran ayaa la sheegay inay tahay Ciraaq, iyadoo waddanka Nigeria uu noqday isaguna dal ay kusoo barteen dhaq-dhaqaaqyada argagaxisnimo sannadkii 2014-kii ee lasoo dhaafay.

Kooxda Boko Haram oo sidoo kale loo yaqaanno Laanta Galbeedka Afrika ee Daacish ayaa fulisay kala bar 20-weerar ee u xumaa sannadkii hore ee caalamka oo dhan, waxaana ka mid ahaa weerar ka dhacay magaalada Gamboru Ngala ee dalka Nigeria.

Magaaladaas ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 300 oo ruux, sidoo kale waxaa lagu dhaawacay tiro intaas ka badan, iyadoo magaaladaas inteeda badanna lagu bur-buriyay weerarro.

Liiskan ayaa waxaa qaybaha sare kaga jira qulqulatooyinkii ka dhacey Koonfurta Suudaan, iyadoo fallaagadu ay dileen dad tiro badan; kuwaasoo masjid ku yaalla magaalada Bentiu gabbaad ka dhiganayay.

Dalalka ay ka dhaceen falalka argagaxisnimo ee ugu xumaaa, sidoo kale waxaa ka dhacay barakacyadii ugu badnaa; taasoo tilmaamaysa inay si xoog leh isugu xiran yihiin weerarada noocaas ah iyo qulqulka qoxootiga.

Ugu dambeyn, warbixinta ayaa lagu xusay in waxyaabaha argagaxisnimada ay ka dhashaan ay ku kala duwan yihiin dalalka horumaray iyo kuwa uu yar yahay horumarkoodu.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip