Ururka IS oo soo bandhigay sawirka bamkii ay ku qarxisay diyaaradii Ruushka
Ururka IS ayaa warbaahintooda ku shaaciyey sawirka bamkii ay kusoo rideen diyaaradii laga lahaa dalka Ruushka oo 31kii Oktoober ku soo dhacday gobalka Siinaay ee dalka Masar.
Kooxdan ayaa sheegatay in ay hawshan u fududeysay sharci la’aanta ka jirta Airporka Sharmal Sheikh ee ah halka ay kasoo duushay diyaarada oo siday dalxiisayaal u dhashay Ruushka oo dalkooda dib ugu noqonayey.
Dowlada Ruushka ayaa Talaadadii markii ugu horeysay xaqiijiyey in bambaano yar lagu soo riday diyaarada, halka dowlada Masar ay sheegtay inay weli sugeyso baaritaanka socda.
Sawirka Daacish shaacisay ayaa ka muuqata in ay u adeegsadeen gasacadaha yar yar ee cabitaanka oo ay sheegeen inay dhexgeliyeen waxyaabaha qarxa isla markaana qarxiyeen markii diyaarada hawada gashay.
Khubarada baara waxyaabaha qarxa ayaa sheegay in sawirka la shaaciyey bambaanada ka muuqata ay awood u leedahay inay burbur ku keento diyaarada.
Qarxinta noocan oo ah nooc cusub oo lagu qarxin karo diyaaradaha waxayna casbi xoog leh ku abuurtay duulimaadyada caalamka.