Baaq ay soo saareen qaar ka mid ah beelaha degga gobolka Banaadir, isuguna yimid guriga Malaaqa…

0
Thursday November 19, 2015 - 11:28:25 in Wararka by
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaq ay soo saareen qaar ka mid ah beelaha degga gobolka Banaadir, isuguna yimid guriga Malaaqa…

    Baaq ay soo saareen qaar ka mid ah beelaha degga gobolka Banaadir, isuguna yimid guriga Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye ee ku saabsan maamul u sameyta gobolka Banadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaq ay soo saareen qaar ka mid ah beelaha degga gobolka Banaadir, isuguna yimid guriga Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye ee ku saabsan maamul u sameyta gobolka Banadir.

Shir ka dhacay maanta ee bishu tahay 18ka Nov 2015 guriga Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye uu ka deganyahay Magaalada Xamar, kana soo qeyb galeen dad badan oo kala duwan oo ku nool Caasimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya, kana mid ahaayeen, Odayaasha dhaqanka, Duubab, Siyaasiyiinta, Culumaa`udiinta, iyo dhalinyarada ka soo jeeda degaanka xamar.

Shirarka waxaa looga munaaqashoonaayay laguna lafaguray arrimo la xiriira maamul u samaynta Gobolka Banaadir iyo sida cad ey u garabmareen guddiyadi loo saaray dejinta dastuurka ku meel gaarka ah, xuquuqda dadka deegaanka, iyadoo lawada ogsoonyahay dhibka Soomaaliya ka dhacay inuu xiriir la leeyahay isaqabsiga beelaha oo asal u ahaa xaqdarro.

unnamed-144

Sidaadarteed, iyadoo muuqato fahamdarri guud ee wadciga Soomaaliya, taasoona dhashay in Khalad sax lagu doono, ayaa hadda waxaa gabagabo maraaya dhismihii maamul u sameynta Gobolada dalka, waxaana hadda gacanta lagu haayaa maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, iyadoo ay ku xigi doonto Gobolka Banadir oo haddaba shirki wadatashiga ee hiigsiga 2016, qeyb ka mid ah uu ka socdo Xamar aana lagu martiqaadin maqaawiirti dhaqanka ee gobolka banaadir, balse gogosha la soo fariisiyay dad aan wax shaqa ah ku laheyn, taasoo la mid ah:

"GEEL CALOOSHA LAGA RARAY”

Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ka mid ah dadka halwadeenada ka ahna qabanqaabada shirarkaa wadatashiga ah, wuxuu iska fogeeyaya iney masuuliyadooda ay aheyd soo xulista dadka lagu casumayo shirka, inkastoo uu isku dayay xitaa inuu cudurdaar ka bixiyo, isagoo leh dhaqaalo ku filan ma ay jirin, xitaa haddii intaa loo raaco, ma waxaa jiri kara cid mudnaan ka leh duubka Xamar iyo Xamardaye iyo kuwa kaloo ka soo jeeda Gobolka… hadalkiisa waxa yaabka leh oo ka mid ahaa sidaan qoraalka koraba aan ku soo sheegnay, "DHAQAALO XUMI” marka waxaa isweydiin mudan in dhaqaalo loo helo in shirka lagu wada qabto intabadan degmooyinka Puntland iyo Jubbooyinka, meelaha kalana laga badinwaayo in hal meel lagu qabto… Arrinta casumaadana wuxuu isaga riixay Gudoomiyaha Gobolka, Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale, isagoo ula jeeda ninki iga xigay hadduu qiimeynwaayay, aniga maxaa leygu heystaaa???? Waxeyna ka qeyb tahay sababaha kalifay in la soo saaro baaqan.

Soomaalida waxey tiraahdaa, "RUQO NINKI LAHAA UU DABADA HAYO, MAKACDAA LA YIRAAHDAA” marka waxaa haboon oo in leys xusuusiyo mudan kacdoonkii 1991 ka dhacay Soomaaliya, ujeedkiisa wuxuu ahaa xaqdaro shacabka intiisa badan ay ka tirsanayeen dowladi markaa jirtay. Wixii intaas ka dambeyey dowladihii dhashay ilaa iyo middan federaalka ah ee hadda jirta, waajibka saaran wuxuu yahay in aan lagu tuman ama la dhowro xuquuqda shaqsiga iyo guud ahaan xaqa beelaha Soomaaliyeed si loo helo wadan iyo shacab sharciga u ilaaliyo si siman, Laakin waxaa hadda muuqata in umad xuquuqdeeda lagu maslaxo umad ama beelo kale. Sidaas darteed, iyadoo lagu sii fogaan qaladaaka hadda jiro, qof walibana ay ka dharagsan tahay, ayaan waxaan leenahay "Wadan iyo wadaninimo waxaa asal u ah lahaanshaha ay u sinaadaan shacab xuquuqda wadankooda”.

Haddii ay dhici weydana laga daayo fikrka ah, teyda anaa leh kaadana kula lihi oo waa in la abuuraa weji cusub ee cidweliba meesheeda leedahay!

Qaladaadka hadda jiro hadaan matal ka soo qaadano Beelo degan Jubalaand ee si cad loogu diiday xuquuqdooda ee ku lahaayeen maamulkaas. Shabeelaha hoose oo ay aqlabiyad ku leeyihiina, sharciahaana xamar raacsanaan jirtay, laga jaray iyadoo ujeedo siyaasadeed oo gaaban laga leeyahay lana raaciyey Koonfur galbeed. Taasoo sababtay iyagoo tiro iyo mug ku leh lagu duudsiyo xuquuqdooda, Xamar oo ubucdooda ahna la yiraahdo Soomaaliyeey ka dhaxeysaa. Shabeelaha dhexena ay jidkaas ku socotaa. Galgaduudna waad aragteen sida dad tiro yar looga dhigay, macno iyo tiraba dadki dhulkaas la yiil. Xaqii eey Soomaali rajeyneysay wuxuu maray jidkaas qaldan.

 

Marka, shirka waxaa ka soo baxay baaqan:

  1. In aan laga qeyb gelin maamul u sameyta Gobolka Benadir oo lagu sheegayo in la wada leeyahay.

  2. In ay shir isugu yimaadaan beelaha ay quseyaso arrinkan, si ay mowqif mideysan uga yeeshaan dhagarta la dul dhigay ee qaar iyaga ka mid ah oo dhuuniraacyo ah ay calanka u sidaan.

  3. Beelaha uu nidaamkan dhibaateeyey wax badana ka dhursugay in la fahmo, xaqa in dadku kuwada filnyahay laakinse dhaqanka jira uusan u ekeyn mid waqtiga ka cashar qaatay, waxey ku talinayaan, in la qaato wadiiqo kasta oo sahleysa helista xuquuqdooda iyo iney balaariyaan xiriirkooda siyaasadeed ee gobolka, haddey noqn laheyd Soomaalida deegen gobolada jamhuuriyadda, wadamadda deriska iyo guud ahaan Caalamka.

  4. Waxaan uga digeynaa Xafiiska Qaramada midoobay ay ku leedahay Soomaaliya, Midowga Afrika, Urur Goboleedyadda iyo dawladaha daneeya arrimaha Soomaaliya, ineysan qeyb ka noqon duudsiga xuquuqda beelo Soomaaliyeed, waa haddey doonayaan in Somaaliya ay gaarto xasilooni, kana waantoobaan talo ka qaadashada ashqaas aan qiyaasi karin xaaladda wadanka Shalay, Maanta iyo beri meesha ay ku wajantahay.

Wabilaahi Towfiiq

Mahadsanidiin

Wixii faah faahin ah kala xiriir

elmiguleed@gmail.com

xigasho:-somaliweyn.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip