Safaaradda Soomaaliya ee Washington oo dib loo furay muddo 25-sano kadib xafladii furitaanka iyo sida ay u dhacday daawo (Sawirro)

0
Thursday November 19, 2015 - 11:08:07 in Wararka by
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safaaradda Soomaaliya ee Washington oo dib loo furay muddo 25-sano kadib xafladii furitaanka iyo sida ay u dhacday daawo (Sawirro)

    Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa dib loo furay muddo 25-sano ka dib, iyadoo laga taagay Calankii Jamhuuriyadda Soomaaliya haddaba munaasbadda furitaanka safaaradda sida ay u dhacday ka daawo sawirrada masuuliyiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa dib loo furay muddo 25-sano ka dib, iyadoo laga taagay Calankii Jamhuuriyadda Soomaaliya haddaba munaasbadda furitaanka safaaradda sida ay u dhacday ka daawo sawirrada masuuliyiinta iyo agabyada dhaqanka ee giibtaa la keenay.

Munaasabada dib u furista Safaaradda ayaa waxaa ka qeyb galay Diblomaasiyiin ka socday Safaaradda Mareykanka, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika, Jaamacadda Carabta, Jaaliyadda Soomaaliyda, Mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dibadda C/salaan Hadliye, Safiirka iyo Safiir kuxigeenka Safaaradda Soomaaliya ee Washington.

Intii Munaasabadda socotay ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxyaabaha dhaqanka u ah Soomaalida, iyadoo diblomaasiyiintii ka socotay Safaaradaha ku yaalla Washington ay aad u jecleysteen.

Xubnihii ka qeyb galay Munaasabada ayaa si wada jir ah uga qeyb qaatay calanka safaaradda oo laga taagay dibadda safaaradda, waxaana ay soo dhoweeyeen in mar kale Soomaaliya ay ka soo muuqato maqaamkii ay ku laheyd Caalamka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika ayaa sheegtay in Soomaaliya ay dib u soo kabaneyso, isla markaana ay is bedelo ka jiraan, waxaana ay sheegtay in Mareykanka uu si rasmi u aqoonsaday Soomaaliya, iyadoo soo dhoweysay dib u furista safaarada Washington.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya C/salaan Hadliye Omar ayaa sheegay in mhiimad gaar ah ay u leedahay Soomaaliya dib u furista Safaarada Washintong, maadaama ay tahay Caasimadda Adduunka, waxaana uu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay in Calanka Soomaaliya uu ka babanayo Safaaradooda Washington DC.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa wixii hada ka bilowday si toos ah u shaqeyn doonta, waxaana soo dhoweeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka oo ku tilmaamay dib u furista Safaaradda mid taariikhi ah.

safaarada-washington (1) safaarada-washington (2) safaarada-washington (3) safaarada-washington (4) safaarada-washington (5) safaarada-washington (6) safaarada-washington (7) safaarada-washington (8) safaarada-washington (9) safaarada-washington (10)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip