Daawo Sawirro: Booqashda Wafdigii dowladda ay ku tageen xuduuda iyo wixii ay ku soo arkeen

0
Thursday November 19, 2015 - 10:44:55 in Wararka by
  • Visits: 644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirro: Booqashda Wafdigii dowladda ay ku tageen xuduuda iyo wixii ay ku soo arkeen

    Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca oo ay wehliyeen Guddiyada Baarlamaanka ee difaaca, Arrimaha Gudaha, Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka, saraakiil iyo khubaro, maamulka Jubbaland ayaa booqasho ku tagay degmada Beled-Xaawo, iyagoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca oo ay wehliyeen Guddiyada Baarlamaanka ee difaaca, Arrimaha Gudaha, Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka, saraakiil iyo khubaro, maamulka Jubbaland ayaa booqasho ku tagay degmada Beled-Xaawo, iyagoo kormeeray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya. Wafdiga ayaa u kuur galayey xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada ay cabashooyin ka soo gudbiyeen shacabka deggan ee magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo oo la xiriirta arrimaha xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Guddiga ayaa sheegay inuusan jirin derbi laga dhisay xuduudda, isla markaana aysan soo arkin caalamad xuduudeed la beddelay.

Sidoo kale Guddigan waxay sheegeen inay arkeen in la qoday god qiyaastii dhan 1.6 mitir oo dhinaca Kenya ku yaalla oo u jira 6 mitir calaamadda xuduudda, iyadoo dherarka godkaasi dhan yahay illaa 700 oo mitir, iyo in duleedka magaalada Beled-Xaawo ay ku arkeen waddo la xaaray oo cago-cagaf la mariyey.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa wafdiga oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dhulka aysan cidna lahayn ee Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeya ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo tuhun abuuri kara.

IMG_8647 xul-saw (1) xul-saw (2) xul-saw (3) xul-saw (4) xul-saw (5) xul-saw (6) xul-saw (7) xul-saw (8) xul-saw (9) xul-saw (10) xul-saw (11)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip