Madaxweynaha Puntland iyo Nicholas Kay oo xalay Garowe ku kulmay (SAWIRRO)

0
Thursday November 19, 2015 - 10:36:26 in Wararka by
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland iyo Nicholas Kay oo xalay Garowe ku kulmay (SAWIRRO)

    Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay Hoyga uu ka deggan yahay Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Saomaaliya Danjire Nicholas Kay iyo wefdi uu hogaaminayo oo b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay Hoyga uu ka deggan yahay Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Saomaaliya Danjire Nicholas Kay iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku tagay Puntland.



Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kullan gaar ah oo saxaafaddu dibad joog ka ahayd la qaatay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay.

Markii uu soo idlaaday kulanku ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta qaybaheeda kala duwan shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay, waxana ay ka warbixiyeen kullankoodi.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay kawada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland, iyo Shirarkii dhowaan ka socdey Soomaaliya oo looga hadlayey geeddi socodka Doorashooyinka 2016.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku ammaanay Danjire Nicholas kay waxqabadkiisii muddadii uu soomaaliya kasoo shaqaynayey isagoona sheegay inay si’dhow uwada shaqaynayeen waxaana uu urajeeyey guul iyo horumar maadaama uu sii dhammaanayo muddo xileedkiisii.

Danjire Nicholas Key ayaa isna dhankiisa Madaxeynaha uga mahadceliyey soo dhawaynta uu u sameeyey, waxaana uu ku amaanay dadaalka horumarineed ee uu madaxweyne Gaas kawado gudaha Puntland iyo guulaha waaweyn ee uu gaadhey muddadii yarayd ee uu hoggaanka Puntland hayey.

Gebagebadii kulanka ayaa Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali guddoonsiiyey Danjire Nickolas key hadiyo ka kooban waxyaabaha Hiddaha iyo Dhaqanka ee ay Puntland caanka ku tahay oo lagu xardhay Calanka Puntland.

Gaas Gaas1 Gaas2 Gaas3 Gaas4 Gaas5 Gaas6 Gaas7




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip