
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 19-KA NOVEMBAR 2015-KA
Alshabaab ayaa muddo sannooyin ah dagaal kula jirtay dowladda Somalia, si ay xukunka uga tuurto, balse taasi uma aanay suurogelin, waxaana bedelkeeda dhulka ballaaran looga qabsaday dagaallo ay iska garabsadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia.
"Waxaan hubnaa in Alshabaab aan lagu baabi’in karin howlgallo ciidan oo keliya, wax walba waxay ku dhammaan karaan dibuheshiisiin,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray. "Mar hore ayaan natiijo ka helnay arrintan, tiro aad u badan oo ka tirsan xoogagga Alshabaab iyo saraakiishooda ayaa dhankeenna kusoo biiray, kuwaasoo qaatay nabadda kana soo baxay xagjiriinta.”
Inkastoo Alshabaab deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya laga saaray sannadihii u dambeeyay ayay haddana, waxay awoodaan inay weerarro ka geystaan goobo kala duwan oo Muqdisho ay ka mid tahay, iyadoo weerarkii ugu dambeeyay ku qaaday Hotel Saxafi, halkaasoo ay ku dileen 15qof.
Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in AlQaacida iyo ISIS ay yihiin xoogag isku mid ah oo aan wax naxariis ah u galayn aadanaha, isago ku taliyay in laga hortago khatartooda.
Madaxweynaha ayaa muujiyay in baahi loo qabo in dhaqaale ahaan iyo millateri ahaan la cunnaqabateeyo kooxaha xagjiriinta ah, wuxuuna qiray inuu ogsoon yahay in garab ka mid ah Alshabaab ay ku biireen kooxda Islaamiga ah ee IS.
"AlQaacida iyo Daacish waa kooxo u taagan inay wax burburiyaan oo keliya; magacii ay doonaan ha wataanne waa shayaadiin isku mid ah oo aan dadka u naxariisan, naftoodana halligaya,” ayuu madaxweynaha Somalia mar kale yiri.
Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu xusay fikradaha kooxahan inay yihiin kuwo isku mid ah, isagoo tusaale u soo qaatay in midba kan kale uu u geysto weerarro naxariisdarro ah.
Ugu dambeyn, Alshabaab ayaa dhawaanahan waxaa ka dhexjiray khilaaf salka ku haya ku biirista ururka Daacish, iyadoo arrintaan loo xirxiray saraakiil kala duwan oo ka tisran kooxda, kuwaasoo ay ku jiraan ajaanib.
IN KA BADAN 25 RUUX OO SOOMAALI AH OO DALKA KENYA LAGU XIRAY
Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa waxa ay xabsiga dhigeen 33 ruux oo intooda badan ah dad Somali ah, kadib markii ciidamada ay sameeyeen howlgalo ammaanka Nairobi la xiriira.
Dadka ciidamada Booliska ay soo qabteen ayaa waxaa ku jira dad ka soo jeeda Suudaanta Koonfureed, balse tirada ugu badan waa dad Somali ah oo Booliska ay ku eedeynayaan inaysan haysan sharciga dalka Kenya.
Taliyaha ciidamada Booliska Magaalada Nairobi Japheth Koome, ayaa Warbaahinta u sheegay dadka la soo qabtay inaysan haysan warqadaha Ogolaanshaha joogitaanka dalka Kenya.
Taliyaha ayaa sheegay in dadkaasi ay ka soo muuqan doonaan maxkamada magaalada Nairobi, isagoo intaasi raaciyay in saddex ka mid ah dadka laga shakiyay ay u dhasheen dalka Sudanta koofureed.
"Haddii halkaan uu joogo qof Qaxooti ah oo uusan heysan warqada ogolaanshaha waa dambiile, dadkaasi ha is diiwaan geliyaan sababtoo ah ciidamada ammaanka ma siinayaan wax fursad ah mar haddii ay qabtaan.”Ayuu yiri taliyaha.
Taliyaha ciidamada Booliska Nairobi ayaa sidoo kale sheegay in la adkeeyay ammaanka Magaalada Nairobi, wixii ka dambeeyay weerarkii Magaalada Paris ay ka geysteen Daacish Jimcihii la soo dhaafay.
Todobaadkii hore ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa qabtay sagaal ruux oo Ethiopian ah oo shaki dhanka amaanka laga qaaday. DALALKA SOOMAALIYA IYO KUWAIT AYAA WADA SAXIIXDAY HESHIIS LAGU HORMARINAAYO WARBAAHINTA DALKA SOOMALIYA.
Wasiirka warfaafinta dowlada soomaaliya maxamed cabdi xayir Maareeye oo kusugan dalka Kuwait ayaa lakulmay Madax katirsan Dowlada Wadanka Kuwait.
Wasiir maxamed cabdi xayir Mareeye ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dhalinyarada dalkaasi Kuwait sheikh salmaan sabaax Alsalim iyagoona yeeshay kulan arimo badan loogu Hadlay.
Inta uu kulankaasi socday sheikh Salmaan ayaa xaqiijiyey in dowlada Kuwait ay taageeri doonto wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee dowlada wadanka soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowlada soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa uga mahad celiyey dowlada Kuwait tageerada garabka walaltinimo ah ee ay lagarab taagantahay dalka soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo la kulmay Dhigiisa Dalka Rwanda.
Madaxweynaha jamuuriyada Soomaaliya Mudane xasan sheikh maxamuud oo kusugan dalka iskutaga imaaraatka carabta halkaasi oo uu uga qeyb galayo kulanka looga hadlayo dhaqaalaha ayaa la kulmay qaar katirsan madaxdii kasoo qeyb gashay kulanka.
Mudane Xasan sheikh Maxamuud madaxweynaha jamuuriyada Soomaaliya ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Ruwanda Paul Kagame kahor inta uusan kulan gaar ah la qaadan raisul wasaaraha dalka isku taga imaaraatka carabta ahna madaxweyne kuxigeenka dalkaasi Shaikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, .
kulanka ka dhacay dubai ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda afrika waana kulan looguHadlaayay hormarinta Ganacsiga afrika iyo sidii Maalgashi loogu sameyn lahaa wadamada africa.
Madaxweynaha soomaaliya Mudane xasan sheikh Maxamuud kulanka uu la yeeshay Paul Kagame waxaa intiisa badan labada madaxweyne ay kawada hadleen hormarinta ganacsiga labada dal iyo xoojinta military ee soomaaliya iyo Rwanda.
WAFDI UU HOGAAMINAYO WASIIRKA GAASHAANDHIGA OO BOOQASHO KU TAGAY DEGMADA BELEDXAAWO.
Ugu dambeyntii Kulankaasi waxaa kasoo qeyb galay safiirka Soomaaliya u Fadhiya dalka Kuwait sheikh cabdulqaadir amiin.Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga oo booqasho ku tagay degmada BeledXaawo
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa gaaray degmada BeledXaawo ee Gobolka Gedo, waxaana Wasiirka socdaalkiisa ku wehliyay Guddiyada Baarlamaanka ee Difaaca, Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha iyo Guddigga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka saraakiil iyo Khubaro, xubno ka socday Maamulka Jubbaland oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano.
Booqashada wafdiga oo qaadatay labo maalin ayaa waxaa loogu kuur galayay xaalada dhabta ah ee ka jirta deegaanka iyo Cabashooyin ka soo yeeray shacabka degan magaalada Beledxaawo ee ku aadan darbiga Kenya ka dhisaneyso xuduuda.
Socdaalka Wasiirka kadib ayaa waxay booqashadooda ka soo saareen qodobadan hoos ku xusayn
1. In derbi la dhisay aanay muuqan
2. In aanu muuqan Calaamad xuduudeed la bedelay
3. In la qoday god aan ku qiyaasnay 1.6 m oo dhinaca Kenya ku yaal oo u jira 6m calaamadda xuduudda noo ah godkaas oo dherer kiisu yahay ilaa 700m
4. Waxaan Buulo Xaawo dusheeda ku aragnay waddo la xaaray oo baldoozes la mariyey .
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa socdaalka kadib uga mahadceliyey shacabka iyo dadweynaha Degmooyinka Doolow iyo Beledxaawo isagoo ku ammaanay dareenkooda wadaninimo, isla markaana sheegay in shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed aysan marnaba aqbali karin cid walba oo ku xad gudbaysa dalkeena.
"Waxaa si dhab ah kormeer buuxa ugu soo sameynay meelihii la inoogu sheegay in isbadal lagu sameeyey ee xadka labada dal, waxaan soo ogaanay xaqiiqada meesha taala inagoo runtii qaadanay feker fiican iyo aragti uruurin aan dib ugula noqonayno dawladda dhexe iyo cida ay quseyso”ayuu yiri Wasiir Diini.
Ugu dambeyn Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana waxyaabihii ay ku soo arkeen BeledXaawo ay u gudbin doonaan Madaxda dowladda iyo Baarlamaanka.
QARAX KHASAARO GEYSTAY OO KA DHACAY DHARKENLEY
Qarax khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho
Ug yaraan 2 Ruux ayaa geeriyootay, mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu qarxay bam lagu soo xiray Gaari uu la socday Gudoomiye Waaxaad ka tirsan Maamulka Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, Cumar Meyre Macoow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Guddoomiye Waxaad lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Cumar uu ku dhaawacmay Qarax lagu soo xiray Gaarigiisa kaasi oo ka dhacay Degmada Dharkeenleey.
Cumar Meyre ayaa sheegay in dhaawaca Guddoomiye Maxamed Cabdullaahi looga qaaday Isbitaal si halkaasi Xaaladiisa Caafimaad loogu dabiibo.
Qaraxa kadib Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmada ayaa goobta soo gaaray waxaa xireen halka uu Qarax ka dhacay iyagoona sidoo kale halkaasi ka bilaabay howlgallo amaanka lagu xiqiijinayay.
Ilaa iyo hada jirto Cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan lagu dhaawacay Gudoomiye Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ka mid ah Maamulka Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.
DOWLADA KENYA OO MAXKAMAD SOO TAAGTAY 3HAWEEN OO SOOMALI AH OO LOO HEYSTO WEERARKII MAGAALADA GAARISA
Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa Shalay waxaa lasoo taagay saddex haween oosoomaali ah kuwaasi oo looheesto weerarkii jaamacada gaarisa ee dalka Kenya ka dhacay bilowgii sanadkaan.
Saddex haween ayaa lagu kal magacaabaa qadiija abuubakar cabdulqaadir, maryan cabud saciid iyo xaliiima aadan cali oo dhamaan laga soo xiray magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Dambi Baare ka tirsan maxkamada Sare ayaa warbaahinta u sheegay in haweenkaan loo haysto eedeemo ku aadan weerarkii jaamacada gaarisa in ay ku lugleeyihiin isagoona xusay in talefanadooda iyo labtopyo ay siteen laga helay xogog muujinaya in ay xiriir dhaw la lahaayeen xarakada alshabaab oo fulisay weerarkii jaamacadda gaarisa .
Dhanka kale Sadexdaan haween ee soomaalida ah ayaa waxaa la eedeysan haween u dhalatay dalka Tanzania oo lagu magacaabo umul kheyr saadir cabdalla taasi oo laga qabtay magaalada ceel waaq ee xadka soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.Weerarkii jaamacada garisa ayaa dhacay bishii april 2 ee sanadkaan 2015ka waxaana ku dhintay in kabadan 140 arday oo kenyaan ah.
Ugu dambeyntii shalay ayaa lagu wadaa in xukuo ay wajahaan saddexdaasi haween ee soomaalida ah.
KENYA OO SHEEGTAY IN WELI AL SHABAAB AY KHATAR KU TAHAY AMMAANKA DALKEEDA.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xarakada Al Shabaab ay weli Qatar weyn ku tahay ammaanka dalkaasi kadib wixii ka dambeeyay markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen Somalia 4 sano ka hor.
Sarkaal ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegay in Al Shabaab ay qortaan dhalanyarada reer Kenya si ay ugu dagaalamaan iyagoo u balan qaada in ay siinayaan lacago iyo waxyaabo kale.
Warbixin laga soo saaray xaalada dhalinyarada la askareeyo ee dalka Kenya aya lagu sheegay in intii u dhaxesay sanadihii 2006 ilaa 2009 dhalinyarada ugu badan ay Al Shabaab ka qorteen gobollada xeebta iyo gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.
Kenya ayaa sheegay in weli Al Shabaab ay wadaan qorshaha ay ku qoronayaan dhalinyaro badan kuwaasoo badankood ay ka wadaan magaalooyinka Lamu, ,Mombasa,Milindi iyo Nairobi .
Dawladda Kenya ayaa si weyn uga walaacsan dhalinyaro ka tirsan Al Shabaab oo u dhashay dalka Kenya kuwaasoo ay sheegeen in soo galaan gudaha dalka Kenya waxaana dowladda ay cabsi ka qabtaa in kooxahaasi ay falal ammaan daro ka sameeyaan gudaha dalka Kenya.
Ciidamada Booliska ee dalka Kenya ayaa Magaalada Nairobi su’aalo ku weydiinaya ilaa iyo 30 ruux oo lagu sheegay Somali kuwaas oo lagu eedeeyay in aysan haysan sharci ay dalka ku joogaan
XILDHIBAANNADA BAARLAMAANKA OO LOO QAYBIYAY SHARCI LA XIRIIRA XUQUUQDA MADAXDA DALKA
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo qaybiyay shalay mashruuc la xiriira xuquuqda mas'uuliyiinta xilka ka taga ama geeriyooda iyagoo xilalka haya, iyadoo loo akhriyay hidise sharciyeedka maalgashiga shisheeyaha.
Ugu horreyn waxaa xildhibaannada baarlamaanka loo akhriyay markii saddexaad hindisesharciyeedka maalgashida shisheeye, kaasoo kulankii koowaad ee kalfadhigan maraya akhrinta labaad.Sidoo kale, waxaa la qaybiyay sharci ku saabsan xuquuqda ay yeelanayaan siyaasiyiinta dowladda federaalka ah. Mashruucan ayaa waxaa soo diyaariyay guddiga xeerhoosaadka, anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka xildhibaanada baarlamaanka.
Sharcigan ayaa wuxuu ka hadlayaa xuquuqda ay leeyihiin madaxweynayaasha xilka ka fariistay, kuwa xilka caafimaad darro awgeed uga fariistay, carruurta madaxweynaha geeriyooday, isagoo xil haya, afadiisa, xuquuqda xildhibaanada, guddoomiyeyaasha labada aqal iyo haddii ay carruur iyo xaasas ka tageen.
Dhanka kale, waxaa kaloo uu ka hadlayaa xuquuqda ra’iisul wasaaraha xilka ka tagay ama geeriyooday, ku xigeennadiisa, guddoomiye ku xigeennada baarlamaanka, carruurtooda iyo haweenkooda, xildhibaannada, wasiirrada iyo dhamaan xuquuqda siyaasiyiinta dalka.
RA'IISAL WASAARAHA SOOMAALIYA IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA BAYDHABO
Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay,waxaana Garoonka diyaaradaha Baydhabo si weyn ugu soo dhaweeyay mas'uuliyiinta maamulka K/galbeed Soomaaliya uu ugu horeeyo madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Soo dhaweyn ka dib,Ra’iisal wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada maamulka K/galbeed Soomaaliya halkaasi oo uu kulan kula qaaday madaxweynaha maamulka Shariif Xasan iyo mas’uuliyiin kale,wuxuuna kala hadlay xaalada amniga iyo waliba in la soo dedejiyo soo xulista xubnaha Baarlamaanka maamulka K/galbeed Soomaaliya oo wali la soo xulin.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan sheegay inuu ku faraxsan yahay safarka ra’iisal wasaaraha ee Baydhabo,isagoo tilmaamay in wax badan ay kaga faa’ideysan doonaan joogitaanka Cumar C/rashiid magaalada Baydhabo
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’rke oo ka hadlay Ujeedka socdaalkiisa Baydhabo ayaa sheegay inuu xiriirto sidii uu ula kulmi lahaa qeybaha bulshada, gaar ahaan odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya baarlamaaanka dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ee dalka.
Ka hor intuusan tagin ra’iisal wasaaraha Soomaaliya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay,waxaa aad loo adkeeyay amaanka,waxaana iska kashanayay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo halkaasi ku sugan.
WARARKA CAALAMKA
WEERAR ISMIIDAAMIN AH OO LAGU QAADAY SUUQ DALKA NIGERIA IYO LATALIYIHII HORE EE AMNIGA OO LA AMRAY IN LA SOO XIRO
Ugu yaraan 32 ruux ayaa ku dhimatay 80 kalana waa ayku dhaawacmeen kadib markii qof waxyaalaha qarxa isku soo xirey uu isku qarxiyay suuq ku yaal magaalada Yola ee Waqoyi Bari dalka Nigeria.
Shaqaalaha gargaarka degdegga ah ayaa sheegay in meydadka dadkii ku dhintey iyo dadkii ku dhaawcmay loo daadgureeyay isbitaalada.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa laga maqlay meelo fogfog, waxana qaraxan uu ka dhacay suuq lagu iibiyo khudaarta.
Waa markii saddexaad oo weerar is qarxin ah lala beegsado suuqa Yola halkaa oo kumanaan ruux oo ka soo barakacay deegaanada ay ku xoogan yihiin Boko Haram ay ku nool yihiin.
Inkabadan konton ruux ayaa ku dhintey labo qarax oo hore uga dhacay magaalada Yola.Dadka ku nool magaaladaas ayaa haatan waxaa soo wajahay cabsi xoog leh.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa amray in la soo xiro la taliyihii dhinaca ammaanka ee madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Sambo Dasuki iyadoo loo haysto xatooyada lacag gaareysa $2bn ($1.31).
Sambo Dasuki ayaa lagu eedeynayaa in uu is dabamariyay lacago lagu doonayay in lagu soo iibiyo 12 helicopter iyo afar diyaaradaha dagaalka ah iyo rasaastooda, hase yeeshee si adag ayuu u beeniyay eedeyntaas.
Qalabkan ayaa qorshuhu ahaa in lagula dagaalamo maleeshiyaadka kooxda Boko Haram. Ciidamada Nigeria ayaa hore uga qeylinayay qalab xumo hayso awgeed inay dagaal la geli karin xooggaga Boko Haram. Afhayeenka Mr Buhari ayaa sheegay in musuqmaasuqa uu sababay in kumanaan ruux ay u dhintaan dalka Nigeria.
Madaxweyne Buhari ayaa xafiiska la wareegay bishii May ee sanadkan kadib markii uu ka guuleystey madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Goodluck Jonathan.
JOHN KERRY OO KU HANJABAY IN HUJUUM XOOGAN AY LA KULMI DOONTO DAACISH..
Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa wuxuu ku hanjabay in cadaadis xoogan ay la kulmi doonto Daacish, ka gadaal markii ay weeraro ka gaysatay Magaalada Paris. John Kerry, ayaa Talaadadii daraad sheegay in maalmaha iyo toddobaadyada soo socda, ay Daacish wejihi doonto duulaan weyn, oo kaga yimaada isbahaysiga uu Mareykanku hogaaminaayo, sida uu yiri.
Xoghayaha oo Magaalada Paris kula kulmay Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, ayaa ka dib kulankaasi waxa uu qabtay shir jaraa’id, isagoona dhambaal hanjabaado ah ugu diray Ururka Daacish.
John Kerry, ayaa Madaxweynaha Faransiiska u sheegay in Mareykanka uu diyaar u yahay in Daacish, ay dhadhamiso cawaaqib xumada ka dhalan karta dadkii, ay ku xasuuqday Caasimadda Faransiiska.
Mr. Kerry, ayaa sidoo kale sheegay in Daacish laga saaray inta badan Waqooyiga Suuriya, waxayna kaga harsan tahay buu yiri rubac ka mid ah (Afar meelood meel ka mid ah).
Madaxweyne Hollande, ayaa diyaarinaaya xulufo xoogan si loo wiiqo awoodda Ururka Daacish, xilli Daacish ay farriimo cusub u direyso Wadamada Reer Galbeedka.
Mr. Hollande, ayaa toddobaadka soo socda lagu wadaa in uu taggo Magaalada Moscow, isagoona Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin iskaashi kala yeelan doono dagaalka lagula jiro Daacish.
Daacish oo la tilmaamo mid jirta illaa saddex sano, ayaa la soo baxday dardar xoog leh, waxaana loo arkay mid ka khatar badan ururada kale ee xagjirka ah, ee ka jira caalamka. Ruushka iyo Faransiiska waxay toddobaadkaan qaadeen weeraradii ugu xumaa oo xagga cirka ah, oo Ururka Daacish lagula beegsado Suuriya, gaar ahaan Magaalada Raqqa.
LABA KA MID AH SARAAKIISHA BOOLISKA SACUUDIGA OO SHALAY LA DILAY
Laba ka mid ah Saraakiisha Booliska Sacuudiga, ayaa waxaa shalay lagu dilay Gobolka AlQatif, oo dhaca bariga dalkaasi, waxaana ku xoogan Shiicada Sacuudiga.
Saraakiishan, ayaa waxaa la toogtay aroornimadii hore ee shalayy, ka gadaal markii rasaas xoogan oodda looga qaaday gaarigii ay la socdeen, xilli ay hawlo roondo ah ku guda jireen.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sacuudiga, ayaa waxay xaqiijisay geerida labadaasi nin, waxayna tilmaamtay in ay socdaan baaritaano lagu ogaanaayo cidii ka masuulka ahayd dilkaasi.
Raggii weerarkan gaystay oo ay u suurtagashay inay cararaan, ayaan illaa iyo hadda la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin, sidoo kalana ma jirto cid weli sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.
AHLU SUNA OO KA HORTIMID SHIRARKA WADASHIGA QARAN EE LAGU SOO IDLEEYAY GOBOLADA DALKA
Madaxweyne kuxigeenka maamulka Ahlu suna ee Gobolada Dhexe Cali Baashi Faarax ayaa ka hadlay shirarka wadatashiga Qaran ee ku soo idlaaday magaalooyinka Muqdisho,Garowe,Kismaayo,Cadaado iyo magaalaada Baydhabo,isagoo sheegay in shirarkaasi Ahlu suna wax ahmiyad ah ugu fadhin maadaama aan laga qeyb galin.
Wuxuu hoosta ka xariiqay Cali Baashi Faarax madaxweyne kuxigeenka maamulka Ahlu suna ee Fadhigooda yahay magaalada Dhuusamareeb in shirar la iska qaban karo,balse aan mira dhal ah ahayn midka hada Dowlada Federaalka garwadeyn ka ahayd ee lagu soo gabagabeeyay inta badan magaalooyinka Gobolada dalka ee ka jira Dowlad Goboleedyada KMG ah.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe ay kula tashaneyso Bulshada Soomaaliya,islamarkaana kaga qeyb galineyso fikirka ku aadan sida ay noqon karto doorashada la filayo iney dalka ka dhacdo 2016ka,maadama Labada Gole ee Dowlada horay u shaaciyeen inaan suura gal ahayn doorasho Qof iyo Cod ah dalka ka dhacdo sanadka 2016ka.
Madaxweyne kuxigeenka maamulka Ahlu suna Cali Baashir Faarax ayaa hoosta ka xariiqay in shirarkaasi la doonayo in umada Soomaaliya lagu marin habaabinayo,islamarkaana ay ka soo horjeedaan ururka Ahlu suna ee ka jira Gobolada dhexe.
Wuxuu si gaar ah Cali Baashi Farta ugu goday shirka wadatashiga ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug,wuxuuna xusay in shirkaasi uu ahaa mid aan loo dhameyn,wixii ka soo baxana aysan raali ka ahayn.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ay wadatashi ugala sameyneyso Shacabka degan Gobolada dalka si ay fikirkooda uga biiriyaan nuuca doorasho ee sanadka 2016ka.
WARGEYSKA MOGADISHU TIMES OO 23 SANO JIRSADAY
{Munaasabad Waxqabadkiisa Looga Hadlayey Oo Xalay Lagu Qabtay Muqdisho}
Q/2AAD
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 19-KA NOVEMBAR 2015-KA
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO SHEEGAY IN DAGAALKA ALSHABAAB AY KU BEDELI DOONAAN XAL SIYAASADEED Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay raadinayso xal siyaasadeed