Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo dalka Sweden gaaray + Sawirro
Dalka Sweden waxaa gaaray wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi, iyagoona ka wadahadlay arrimo la xariira ujeedada socdaalkooda. Wafdiga Dowladda Soomaaliya oo ka koobnaa afar xubnood ayaa waxay
kala ahaayeen xubin ka socotay xiriirka caalamiga ah ee Baarlamaanka
Soomaaliya Cabdullaahi Cali Qaasim, Xildhibaan Qaasim Maxamed Nuur iyo
Maxamed Yuusuf oo ah afhayeenka Hay’adda nabadsugidda Dowladda
Soomaaliya.
Yaasiin Maaxi Macallim oo ah siyaasi xildhibaan gobolka Sodernmaland ee dalka Sweden ayaa uga mahad celiyay wafdiga Dowladda Soomaaliya booqashada ay ku yimaadeen dalka Sweden, isagoona sheegay in tallaabadani muujineyso xiriirka labada dal oo uu sheegay inuu yahay mid adag.
Dhinaca kale wafdiga Dowladda Soomaaliya ee gaaray dalka Sweden ayaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la yeesho jaaliyadaha Soomaalida dalkaasi degan, isla markaana waxay ka wadahadlayaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dib u dhiska, horumarinta dalka iyo sidii loo caawin lahaa caruurta iyo haweenka ku dhibaateysan dalka gudihiisa.
Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo dalka Sweden gaaray + Sawirro
Dalka Sweden waxaa gaaray wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi, iyagoona ka wadahadlay arrimo la xariira ujeedada socdaalkooda.