Safaaraddii Somaliya ee Magaalada Washington oo dib loo furay, 24 sano ka dib

0
Wednesday November 18, 2015 - 10:43:52 in Wararka by
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safaaraddii Somaliya ee Magaalada Washington oo dib loo furay, 24 sano ka dib

    Waxaa xalay dib loo furay Safaaraddii Somaliya ku laheyd Magaalada Washington Ee Xarunta Mareykanka, ka gadaal muddo 24 sano ah, oo aanay shaqaynin Safaaradaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xalay dib loo furay Safaaraddii Somaliya ku laheyd Magaalada Washington Ee Xarunta Mareykanka, ka gadaal muddo 24 sano ah, oo aanay shaqaynin Safaaradaasi. Safiirka Somaliya ee u fadhiya dalka Mareykanka, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dib u furitaanka Safaaradda, ka dib muddo 24 sano ka badan oo Safaaraddu ay xirneyd.

Safiirka, ayaa waxa uu sheegay in tani ay qayb ka tahay horumarada ay xilligan ku tallaabsaneyso Somaliya, oo wajaheysay xaalad cakiran oo ka dhalatay dagaaladii sokeeye.

Dad Somaliyeed oo jecel wanaagga, ayuu sheegay in ay gacan ka gaysteen dib u furitaanka Safaaradan, oo xoojineysa xiriirka Somaliya iyo Mareykanka, sida uu yiri.

Safiirka oo la hadlay BBC, ayaa Safaaradda ku macneeyay mid ciwaan ah oo lagala soo xiriiro arrimaha taagan, ayna fududaynayso xiriir iskaashi ku dhisan oo labada dal dhex mara.

SafaaradSafaarad1Safaarad2Safaarad3

Tani, ayaa la rajeynayaa in albaab cusub u furto xiriirka Somaliya iyo Mareykanka, oo gaabis xoogan uu ku yimid, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Dhexe Somaliya.

Sanadihii ugu dambeeyay, ayay Somaliya dadaal ugu jirtay sidii ay u soo celin laheyd Safaaradaheeda Wadamada Caalamka, oo saamayn uu ku yeeshay waqtigii adkaa ee Somaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip