Rasaas culus oo laga maqlay duleedka waqooyi ee magaalada Paris

0
Wednesday November 18, 2015 - 10:28:21 in Wararka by
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rasaas culus oo laga maqlay duleedka waqooyi ee magaalada Paris

    Rasaas culus ayaa laga maqlay duleedka waqooyi ee magaalada Paris, halkaasoo guryo ku yaal ay howl gal ka wadaan ciidamada booliska Faransiiska. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad u ka socdo xaafada Saint Denis, iyadoo dad fara badan oo ku su

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rasaas culus ayaa laga maqlay duleedka waqooyi ee magaalada Paris, halkaasoo guryo ku yaal ay howl gal ka wadaan ciidamada booliska Faransiiska. Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad u ka socdo xaafada Saint Denis, iyadoo dad fara badan oo ku sugnaa guryaha qaar laga daad-gureeyay.

Is rasaaseynta ayaa waxaa ku dhaawacmay askar ka tirsan ciidamada booliska, sida uu soo tabinayo TelefishinkaBFMTV.

Goor sii horeysay Ciidamada ammaanka ayaa sii daayay Video muujinaya in qof Dagaalaad uu ku lug leeyahay weerarkii habeenkii jimcihii ka dhacay Paris ee lagu dilay dadka gaaraya 129 ruux.

Ciidamada ayaa hareeyay guri la tuhunsan yahay in nin ka mid ah kooxihii weerarka ka dambeeyay iyo kuwa kale ku jiraan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in la xiray wadada lagu magacaaboPlace Jean Jaures oo ka tirsan xaafada Saint Denis, halkaasoo ah degmada ay ku taal garoonka Stade de France oo aheyd halkii jimcihii uu ka dhacay weerarada is qarxinta.

Ciidamada ammaanka Faransiiska ayaa howl gallo ballaaran ka wada magaalooyinka dalkaas, kadib weerarkii Paris, waxaana ay xir xireen dad badan oo lagu tuhmayo weerarkii Paris.

Illaa iyo hada waxaa la baadigoobayaa Saleh Abdesalam oo u baxsaday dalka Belgium, waxaana lagu tuhmayaa inuu ahaa ninkii wax ka abaabulay weerarka


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip