Mr Kerry ayaa sheegay in Mareykanka, Faransiiska iyo dalalka saaxibka la ah ay kordhinayaan weerarada milateri ee ka dhanka ah Daacish.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry ayaa hadalkan jeediyay kadib markii uu la kulmay Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande.
Kerry ayaa sheegay in isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka uu guulo ka gaaray Daacish, isla markaana maanta ay heystaan rubac kaliya oo ah waqooyiga Suuriya.
Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa lagu wadaa todobaadka soo socda inuu u safro Washington, si uu ula kulmo Madaxweyne Obama, iyagoo ka wada hadli doona iskaashiga labada dal ee dagaalka Daacish.
Ururka Daacish ayaa sheegtay weerarkii habeenkii jimcihii lagu qaaday magaalada Paris, halkaasoo lagu dilay 29 ruux, halka labo boqol kale ku dhaawacmeen.
John Kerry oo sheegay in Daacish todobaadyada soo socda ay dareemi doonto culeys dheeri ah
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry oo ku sugan magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa sheegay in Daacish ay maalmaha soo socda ay dareemi doonto culeysyo dheeri ah.