WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 18-KA NOVEMBAR 2015-KA

0
Wednesday November 18, 2015 - 09:47:10 in Wararka by
  • Visits: 1021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 18-KA NOVEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY MAGAALADA DUBAI... Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa gaaray Magaalada Dubai Ee Wadanka Imaaraadka Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY MAGAALADA DUBAI... Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa gaaray Magaalada Dubai Ee Wadanka Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha, ayaa wefdigiisa ayaa magaalada Dubai uga qeybgalaya shirka Madasha ganacsiga caalamiga ah ee sanadka 2015 (Global Business Forum 2015) oo ay qabanqaabisay rugta ganacsiga iyo warshadaha Dubai, kaasoo shalay ka furmaya magaaladan Dubai isla markaana socon doona muddo laba maalmood ah.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa shirkan ka jeedinaya khudbad ku aaddan ganacsiga Soomaaliya iyo sida ay dalka muhiim ugu tahay maalgashi lagu sameeyo si uu sare ugu kaco dhaqalaheeda iyadoo sidoo kalena ay khudbado ka jeedinayaan madax uu ka mid yahay madaxweynaha dalka Ruwanda, Pol Kigame.

Wefdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, C/salaan Hadliye Cumar, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Mahad Maxamed Salaad iyo Masuuliyiin kale

TARSAN "DOWLADA WAA INAY DIYAARISO CIIDAN BEDELI KARA CIIDAMADA KENYA HANAN KARANA AMNIGA XUDUUDKAAS"

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda laga rabo inay ka faa'iideystaan go'aanka Baarlamaanka uu qaatay ee ku saabsan ciidamada Kenya ee Somaliya jooga. Qoraal uu soo dhigay Tarsan boggiisa Facebook ayuu ku sheegay Madaxweynaha Somaliya in laga doonaayo in kalsooni uu ku abuuro Madaxweynaha Jubbaland si ay aragti mideysan uga qaataan arimaha Kenya.

"Waxaan ka codsani Madaxweynavha iyo xukuumada in ay ka faaideystaan fursada uu u sameeyey Barlamaanku. Madaama uu barlamaanku yahay hey’adii sharci dejinta xukuumada waxaa laga rabaa in ay fuliso go’aanada ay sharciyeeyeen, Kenyana u sheegaan in Barlamaankii sharciyeeyey in ciidamada Kenya dalka ka baxaan oo ay ku ekaadan xuduudkooda dowladuna balanqaado in ay dhankeeda sugeyso xuduudkena. Taasi sidey bey ku imaan kartaa.”?

Tarsan ayaa hadalkiisa intaasi wuxuu ku daray in Axmed Madoobe uu yahay muwaadin Somaliyed oo wadani ah, laakiin duruufo jira awgeed sabab ay u noqonayso in Kenya uu u dhawaado.

"Waxaan qabaa in Madaxweynuhu uu wada hadal dhab ah la galo Madaxweynaha Jubaland, waxaan aaminsanahay in Axmad Madoobe uu yahay wadani run ah laakiin ay heysato daruufo badan taas oo ku riixeysa in uu u ku dhowaado dowladda Kenya Waayo waxaa jirta kalsooni daro ka dhexjirta madaxda dalka oo dhan taasna waxay keentey in ay ku heshiin waayaan danaha dalka. Sidaas darteed Madaxweyne Hassan Sheikh waxaa laga rabaa in uu kalsooni abuuro gaar ahaan kalsoonida Axmad Madoobe. Waxaan ku talini in uu qaado tilaabooyinka soo socda.” Ugu dambeyn Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Tarsan ayaa u soo jeediyay Dowladda Somaliya inay qaadato lix qodob oo uu u arkay Tarsan inay xal u tahay arinta xuduuda.

1In uu wadahadal dhab ah la galo Axmad Madoobe si ay isku aragti uga noqdaan maslaxada dalka iyo rabitaanka Kenya ay ku dooneyso badda Somaaliyeed iyo burburinta soohdintii u dhaxeysey Kenya iyo Somaaliya oo uu isticmaarkii ka tegey.

2 In Axmad Madoobe la siiyo kalsooni in uu yahay masuul Somaaliyeed, garab xoogana ay dowladu u noqoto sidii uu u hanan lahaa amniga Gobolkaas iyo la dagaalanka Al Shabaab.

3 In Dowladu Axmad madoobe garab ku siiso sidii uu wada hadal dhab ah ula geli lahaa qabaa’ilka wax tabanahaya si loo mideeyo awooda bulshada ku nool goboladaas, Waxaa muuqata in uusan jirin in hogaamiye kula tartami kara hogaanka Jubaland dowladuna waa in ay taas fahamtaa.

4 in dowladu diyaariso ciidan bedeli kara ciidamada Kenya hanan karana amniga xuduudkaas, waana in uu noqdaa ciidan isku dhafan hogaankiisuna uu talo ku yeeshaa Madaxweynaha Jubaland, waana in uu ciidankaas noqdaa mid uu amar ku leeyahay Axmad Madoobe.

Dowladu hadii ay dhabka tahay in ay hanato dalka amnigiisa waa in ay dejisataa qorshe waqtiyeeysan oo ay kula wareegeyso amniga iyo maamulka xuduudyada waayo dowlad aan awood u lahayn in ay xuduudkeeda ka adkaato, oo uu xuduudkeedu furanyahay amni ma sugi karto.

6 Madaxda dalka oo dhan oo ay ka midyihiin madaxda dowlad goboleedyada waxaan kula talin lahaa inta aad garab iyo taageero ka radineysaan dal kale oo danihiisa wata, in aad dhexdiina ka raadisaan kalsooni. xigasho: dhacdo.com

CIIDAN MARAYKAN AH OO LAGU ARKAY KEYMAHA BONI EE DALKA KENYA OO AY DEGEN YIHIIN ALSHABAAB

Wargeyska The Daily Nation ee Kenya ayaa in Ciiddan ka tirsan Marineska Maraykanka ay ku sugan yihiin Kaymaha Boni oo ay Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ku hardamayaan.

The Daily Nation ayaa qoray in Marineska Maraykana ay xiran yihiin Jaakooyinka aysan xabbadaha ka dusi Karin, waxayna ku socdaalaan Gawaarida Gaashaaman ee Milliteriga.

Ciidanka ayaa la sheegay inay ilaalo u yihiin Agaasimaha Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Horumarinta Caalamiga ee USAID, John Smith Sreen, kaasoo indhaindheynayo Dhismaha Mashaariic lagu taageeri karo Dadka Deegaanka.

Agaasimaha Hay’adda USAID waxa uu la hadlay Odayaasha ku nool Deegaanka Mukowe oo ka tirsan Dhulweynaha Lamu, wuxuuna xusay inay adag tahay in Nabad lagu soo dabaalo Deegaan aysan haba yaraatee ka jirin Wax Horumarin ah.

GUDDI XAQIIQ RAADIN AH OO DOWLADDA FEDERAALKA U DIREYSO DEGMADA BELEDXAAWO

GUDDI xaqiiq raadin ah ayaa shalay u ambabixi doona degmada BeledXaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo guddigan ay ka kooban yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wafdigan ayaa qiimeyn ku sameyn doona inta uu la eg yahay dhulka ay Kenya ku soo xadgudubtay iyo qaabka uu u socdo dhismaha ay kenya ka wado xuduuda.Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in wafdigan xaqiiq raadinta ee shalay tagaya BeledXaawo ay u kuur gali doonaan xaaladaha dhabta ee ka jirta Xuduuda.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo xubin ka ah wafdiga ayaa sheegay inay kormeeri doonaan xuduuda, waxaana uu xusay in wixii ay meesha ku soo arkaan u gudbin doonaan Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Dhinaca kale Guddoomiyaha degada BeledXaawo Yuusuf Maxamed C/qaadir ayaa sheegay in dowladda Kenya ay joojisay howlihii calaamadeynta ay ka waday xadka, waxaana uu tilmaamay in sabata ay u joojiyeen ay tahay markii ay si aad ah uga qeyla dhaamiyeen mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha degmada BeledXaawo ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Kenya aysan ka taansulin damaceeda, isla markaan ay dhici karto inay dib u billaabi doonto arrintan.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KA TACSIYADEEYAY GEERIDII AXMED XASAN CAWKE

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Wariyihii weynaa Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa Axmed Xasan Cawke ku sheegay inuu kaalin weyn ka soo qaatay Saxaafada Soomaaliya.

"Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Marxuum Cawke waxaa uu ka baxay ummada Soomaaliyeed oo dhan, cid walbana way garaneysaa kaalintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu dalkan u soo qabtey intii uu noolaa. Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabiyo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan Allah ka siiyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Marxuum Axmed Xasan Cawke waxaa uu door weyn ka soo qaatey , shaqadiisana ay si weyn uga dhex muuqatey Wasaaradda Warfaafinta, Madaxtooyada Soomaaliya, idaacadaha caalamiga iyo kuwa maxalliga intaba.

Allaha u naxariistee Axmed Xasan Cawke ayaa sanadkii 1972 ka shaqo bilaabay Radio Muqdisho, waxaa uu noqdo Madaxii arrimaha warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha, isagoo ahaa Wariyaha gaarka ee Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre.

Matxuum Axmed Xasan Cawke ayaa lagu wadaa in galabta lagu aaso magaalada Wajaale ee ku dhow xuduuda Itoobiya, halkaasoo uu ku dhashay, aabihii uu caan ka ahaa, waxaa aaskiisa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka Itoobiya iyo Somaliland.

MADAXWEYNE GAAS OO AFKA FURTAY "UNKA DHAQAALAHOODA UMA BAAHNIN”MUXUU KU MAAGAY ?

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay si kulul ula hadlay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka, isagoo qudbad dheer ka jeedinayay shirka madasha qaran ee wadatashiga doorashooyinka Soomaaliya ee 2016.

Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay Qaramada Midoobay inay Puntland haysato dhaqaale ku filan oo ay ku maarayso inay shacabkeeda uga qeyb galiso wadatashiga doorashada 2016, wuxuuna sheegay Puntland inaysan lamid noqon karin meelaha qaarkood.

Madaxweynaha Puntland ayaa sababta shirkaasi loogu qabtay gobolo badan oo Puntland ah ku sheegey in Qaramada Midoobay kaliya ay shaacisay iney bixineyso dhaqaalaha Shirka Garowe, sidaasi daraadeedna shacabka Puntland kaliya aysan joogin Garowe.

Shirarka ka dhacaya deegaanada Puntland ayuu sheegay iney ka duwan yihiin kuwa ka dhacayo Koofur Galbed, Jubbaland, Galmudug iyo Banaadir, maadaama sida uu sheegay iney fikrad dhiibanayaan shacab badan oo reer Puntland ah."Puntland wey ka duwan tahay maamulada kale, UNta waxay sheegtay in shirka Garowe oo kaliya ay dhaqaalahiisa bixinayaan annagana, ka dowlad ahaan ayaan go’aansanay inaan meelo badan shirarka ku qabanayo, UNtana lacagtooda ha heystaan”ayuu yiri madaxweyne Gaas oo Garowe ka hadlayay.

C/RAXMAAN FAROOLE OO DOWLADDA SOMALIYA KAGA DIGAY IN DALKA DIB LOOGU CELIYO NIDAAMKA 4.5

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo shalay subax Saxaafadda kula hadlay Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa ka digay in Dowladda Federalka Somaliya dalka ay dib ugu celiso nidaamka 4.5. Faroole wuxuu sheegay nidaamka 4.5 in looga gudbay shirarkii ka dhacay Magaalooyinka Garowe, Muqdisho iyo Gaalkacyo ee looga gudbay marxaladii KMG aheyd, balse xilligan sida ay wax u socdaan Dowladda ay wado qorshe dalka dib ay ugu celinayso hanaanka 4.5.

Madaxweyinihii hore ee Puntland Farole oo arrimo badan kaga hadlay shirkiisa Jaraa’id ayaa muhiimadiisa ku soo aruuriyay shirarka dalka ka socdaa hadda laga qayb galiyay dad aan xog badan dalka ka hayn, wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in doorashada soo socota ee Somaliya lagu saleeyo deegaan oo aan dib loogu soo noqon nidaamka qabiilka.

Waxa uu ka digay in dhacdo kala aragti kala duwanaan ku aadan arrimaha Somaliya ka socda, maadama dalkaka jiraanmaamullo mid kasta uu leeyahay dastuur u gooni ah.

Aragti ahaan waxa uu sheegay in uu qabo Doorashada la filaayo inay ka dhacdo dalka Somaliya inay ku haboon tahay in Degmooyin laga dhigo.

Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Cadaado iyo Garoowe, ayaa waxaa ka socda shirarka Hiigsiga 2016ka oo dadka la weydiinaayo aragtidooda ku aadan sida looga gudbi karo marxalada Siyaasadeed ee 2016ka.

Dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegtay dalka inaysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod, balse laga tashanaayo nooca doorasho ee ugu haboon dalka ka dhici karto.

KENYA OO SHEEGTAY INAYSAN SOMALIA KALA BIXI DOONIN CIIDAMADEEDA AYNA KA TIRSAN YIHIIN AMISOM

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda aysan sinnaba uga bixi doonin Somalia, xilli baarlamaanka Somalia uu soo saaray Qaraar ka dhan ah jogitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Somalia.

Wasiiradda Difaaca dalka Kenya, Raychelle Omamo ayaa sheegtay in ciidamada Kenya ay dalka Somalia u joogaan si sharci ah, isla markaana ay qayb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika uu ka wado Somalia ee AMISOM.

"Kenya waxay qayb ka tahay AMISOM, waxayna ku shaqeysaa sharciga AMISOM iyo waliba aragtida hawlgalka ciidamada AMISOM, Soomaaliya iskama aysan soo gelin ee waxay ku joogaan howlgalka Midowga Afrika ee beesha caalamka ay taageerto, kaasoo ku addan sidii loo dajin lahaa xaaladda Soomaaliya,” ayay tiri wasiiradda.

Sidoo kale, waxay intaas ku dartay. "Waxaan is leeyahay xaaladaan oo kale waxaa jiri kara dhacdooyin siyaasiyiinta kasoo yeeraya, balse muhiimadu waa inaan xoogga saarno xasilloonida Soomaaliya iyo inaan diiradda saarno dadaalka wanaagsan ee hadda aan ka wadno Somalia, waxaan ciidamadeenu ay ka mid ahaan doonaan AMISOM illaa hadafka loo tagay Somalia guul laga gaarayo,” ayey tiri Raychelle Omamo.

Hadalka wasiirada ayaa wuxuu imaanayaa xilli baarlamaanka Soomaaliya uu ka doodayay maalmihii u dambeeyay darbiga ay Kenya ka dhisayso xadka labada waddan u dhexeeya, iyadoo qaraar uu soo saaray baarlamaankana lagu dalbaday in dowladda Kenya ay sida ugu dhaqsiyo badan ay ciidamadeeda ugala baxdo Soomaaliya.

Madaxweynaha waddanka Kenya, Uhuru Kenyarra ayaa isaguna dhankiisa sheegay in ay ciidamadoodu sii joogi doonaan Somalia, illaa laga soo afjaro wuxuu ugu yeeray kooxaha argagaxiso ah oo dhibaato kawada gobolka Bariga Afrika.

Ugu dambeyn, ciidamada dalka Kenya oo ka tirsan AMISOM ayaa waxay ka howlgalaan Jubbooyinka, gaar ahaa gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dhawaanna lagu eedeeyay inay ka wadaan gudaha Somalia ganacsiyo sharcidarro ah oo ay ka mid tahay dhoofinta dhuxusha.

RUUSHKA OO QIRTAY IN DIYAARADII KU BUR BURTAY GACANKA SINAI LAGU SOO RIDAY FAL QARAX AH

Madaxda Sirdoonka Ruushka Alexander Bortnikov ayaa xaqiijiyay in diyaaradii dhamaadkii bishii hore ku bur burtay Gacanka Sinai ee dalka Masar loo adeegsaday fal qarax ah oo diyaarada gudaheeda la geliyay.

Diyaaradan oo laga lahaa Ruushka oo tirsigeedu ahaa A321 ayaa waxaa ku dhintay 224 oo ahaa rakaabkii diyaarada saarnaa iyo shaqaalaha, kuwaasoo dhamaantood ka soo jeeday dalka Ruushka.

Alexander Burtnikov ayaa sheegay in walxaha qarxa ee loo adeegsaday diyaaradaas uu ahaa aalada loo yaqaano TNT oo aheyd 1.5 Kg, waxaana boorsoyinka lagu qariyay laga dhex helay bur burkii diyaarada.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay inay ciqaabi doonaan kuwii ka dambeeyay bur burka diyaaradaas, gaar ahaan kooxda ku sugan Gacanka Sinai.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ruushka ay ugaarsan doonto cid alla cidii ka mas’uulka aheyd bur burka diyaarada.

Dagaalyahano taabacsan IS ama Daacish ayaa sheegatay inay soo riday diyaarada, isla arkaana ay uga jawaabeysay duulaanka Ruushka ku soo qaaday Suuriya.

WARIYE CAWKE OO SHALAY GALAB AAS BALLAARAN LOOGU SAMEEYAY MAGAALADA WAJAALE

Allaha u naxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke, ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay aas ballaaran loogu sameeyay Magaalada Wajaale, oo dhacda xuduuda.

Aaska Wariyaha, ayaa waxaa ka qaybgalay boqolaal qof, oo ay ku jiraan Suxufiyiin, Fanaaniin iyo Masuuliyiin ka kala socotay Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh eek u timid Wariyaha weyn, ee aroornimadii hore ee shalay subaxy ku geeriyooday Magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan intii uu ka baxay Wariyaha rugcadaaga ah, ee tobonaanka sano Saxaafadda ku soo jiray. Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya, ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Suxufiga Somaliyeed.

Cawke, ayaa ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho, BBC, VOA iyo Telefishinka Caalamiga ah ee Universal. Allaha u naxariisto Wariye Cawke.

MADAXWEYNAHA DOWLAD GOBOLEEDKA GALMUDUG OO KULAMO ADDIS ABABA KULA YEESHAY MADAXDA ITOOBIYA

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xus een Guuleed oo maalmahan ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa mag aalada Adisababa ee caasimada dalkaasi kulmay qaar ka mid ah madaxda Dowlada Itoobiya.Madaxweyne C/kariin Xuseen Gu uleed ayaa kulankii ugu horeeyay la qaaday Wasiirka arimaha dibada Dowlada Itoobiya Tedros Adhanom,waxayna labada ma s’uul ka wada hadleen arimo ku saabsan xiriirka Dowlada Itoob iya iyo waliba maamulka Goboleedka Galmudug iyo sidii iskaa shi dhinac ganacsiga iyo amniga u sameysan lahaayeen.

Kulankaan markii uu idlaaday ayaa waxaa Saxaafada la had lay Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom oo she egay inay Itoobiya muhiimad gaar ah u leedahay dowlad gobole edka Galmudug waxuuna sheegay inay aad u soo dhaweynay aan booqashada markii ugu horeysay Madaxweyne Guuleed ku yimid dalka Itoobiya.

Sidoo kale, Madaxwenaha dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu kulankani ahaa mid si weyn labada dhinac isku afgarteen laguna gorfeeyay xooji nta xiriirka labada dhinac gaar ahaan Ammaanka iyo Ganacsiga.

Dowlada Ethiopia oo ka mid ah dalalka taageera Xukuumada Soomaaliya ciidamana ay ka joogaan Soomaaliya ayaa xuduud la leh maamulka Galmudug,waxaana safarka madaxweynaha maamulka Galmudug uu ku tagay Adisababa uu noqonayaa kii ugu horeeyay tan iyo markii Cadaado lagu doortay uu ku tago Itoobiya.

BOOLISKA KENYA OO SHEEGAY IN AY GACANTA KU DHIGEEN HUB IYO RASAAS AY LAHAAYEEN XARAKADA AL SHABAAB.

Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa xaqiijiyey in ay qabteen 6 qori iyo Rasaas ay sheegeen in ay lahaayeen Xarak ada Al Shabaab kadib howlgalka ay ka sameeyeen Keymaha Boni ee Magaalada lamu ee dalka Kenya.

`Madaxa howlgallada Boni James Ole Serian ayaa sheegay in qoryaha ay gacanta ku dhigeen lagu qarinayey keymaha deeg aanka pandaguo oo ku dhaw xadka ay wadaagaan dalalka Ken ya iyo Somalia.

Mr james Ole ayaa sheegay in ay baarayaan in hubkaasi Al Shabaab ay si qarsoodi ah halkaasi u soo galiyeen si ay weeraro uga fuliyaan iyo in ay horay ugu adeegsadeen weeraro ay ku qaadeen deegaano ka tirsan Magaala xeebeedka lamu.

Deegaanka panda nguo ee ka tirsan lamu ayaa ahhalkii in ka badan 100 ruux ay Al Shabaab ku dileen sanad kii hore kadib weerar ay halkaasi ku qaadeen. Howlgalka Boni oo ay ka qayb galayaan Ciidamada Ammaanka ee dalka Kenya ayaa Bishii Septemper ee sanadkaan bilowday keymaha Boni halkaasoo ay dowladda Kenya ku sheegtay in ay ku dhuumaleystaan daga alyahanada Al Shabaab islamarkaanay ay ka soo abaabulaan weerarada ay ka fuliyaan goballada Xeebta iyo Gobolka Waq ooyi Bari ee dalka kenya

MIDOWGA AFRICA OO CAMBAAREEYAY DILKII SARKAAL KA TIRSANAA QARAMADA MIDOOBAY LOOGU GEYSTAY MAGAALADA BALADWEYNE.

Ururka Midowga Afrika ayaa si kulul u cambaareyey dilkii dhawaan Magaalada Baladweyne loogu gaystay Mahdi Xusseen Macow oo ahaa sarkaal ka tirsanaa hay’adda Qaramada Mid oobay ee Main Action.

Dilka Mahdi Xuseen oo ka dhacay xaafada XaawoTaako ee Magaalada Baladweyne ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeey il aalada guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ururka Midowga Afr ika ee Somalia ayaa lagu sheegay in dilka Mahdi uu ahaa mid xa nuun badan waxaana Midowga Afrika uu ku baaqay in la jooj iyo isku dhaca ka dhalan kara dagaal beeleedyada ee Magaala da Baladweyne ee dilka Sarkaalkaasi oo la sheegtay in uu toogt ay mid ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyaha gobalka Hiiraan. Midowga Afrika ayaa intaasi ku daray in Mahdi Xuseen Macow uu xiriir wanaagsan la lahaa ciidamada Ururka Midowga Afrika ee ka howlgala gobalka Hiiraan. Wasiirka amniga ee dow lada fe deraalka Somaliya Cabdirisaaq Cumar ayaa warbaahinta u she egay in la wado baaritaan ku saabsan sidii uu u dhacay dilkii M/B/weyne loogu gaystay Mahdi Xuseen Macow oo ka tirsanaa hay’adda Miino baarista Q/M. .

QARAMADA MIDOOBAY OO SI KULUL CAMBAAREYSAY ISRASAASEYN TII SHALAY DADKA BADAN AY KU DHINTEEN EE KA DHACDAY MUQDISHO

Kaliyaha Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay arrimaha Be ni’aadanimada u qaabilsan SoomaliyaIVAN SOMINOVIC oo shalay shir Jara’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdi sho ayaa cambaareeyay dilkii dorraad Ciidamada dowladda ay dad shacab ah oo gargaar sugayay ay ugu geysteen is rasa aseyn ku dhexmartay degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Mr Ivan SOMINoVIC ayaa ku baaqay in gacanta lagu soo dhi go kooxihii ka dambeeyay falkaasoo uu sheegay in ay ka xun yihiin isagoo ku tilmaamay xad gudub ka dhan beni’aadanimada.

" ii Ogolaad inaan muujiyo sida ay ii xanuujisay dhibaatadii dor raad ka dhacday Muqdisho ee dadka rayidka ah ee gargaagrka soo doontay lagu laayay” ayuu yiri IVAN SOMINOVIC.

Sidoo kale Kaaliyaha dhanka arrimaha Beni’aadanimada Soomaaliya u qaabilsan Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu Magaalooyin badan oo kuwa Soomaaliya ah uu soo indha indheeyay ayna soo hagaageyso xaaladihii beni’aa danimo ee ka jiray walow meelaha qaar weli ay ka dhacaan xad gudubyo ka dhan ah Beni’aadanimada oo qaarkood ay geystaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn ayuu sheegay Mr IVAN SOMINOVIC ayuu sheegay in xad gudubyada beni’aadanimo ee ka dhaca Soo maaliya baaritaannadooda iyo wax ka qabashadooda ay tahay mid hooseyso.

WARIYE AXMED XASAN CAWKE OO SHALAY AROORTII KU GEERIYO ODAY MAGAALADA JIGJIGA EE DDS ITOOBIYA

{TAARIIKHIHIISA OO KOOBAN }

Allaha u raxmadeen Wariye Axmed Xasan Cawke ayaa Shalay 6:30 Aroornimo uu ku geeriyooday M/Jigjiga ee xarunta DDS Ito obiya, sida uu HOL u xaqiijiyay wariye C/salaam Ibraahim Hereri oo ay saaxiibo dhow ahaayeen Cawke.

Wariye Cawke wuxuu ku dhashay magaalada Togwajaale oo ku taalla xadka Itoobiya iyo Somaliland kala qaybiya, wuxuuna ahaa 73jir; isagoo Radio Muqdisho ku biiray sannadkii 1972kii illaa burburkiina wuxuu wariye ka ahaa warbaahinta Qaranka qa ybaheeda kala duwan sida; Tvga Qaranka oo uu markii dambe ka hawlgalay; isagoo ahaa afhayeenka madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Sannadkii 1996kii ayuu ka mid noqday wariyaasha idaacda BBCda laanta af Soomaaliga, kaddibna wuxuuu ku biiray VOA–da laanta Afka Soomaaliga. Marka la eego warbaahinta muuqaal ka (Tvga) marka laga reebo Tvgii hore ee dalka uu lahaa, sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyey telefishinno gaar loo leeyahay sida; Raad TV, Universal TV, HornCable TV iyo Somaliland TV.

Marxuum Axmed Xasan Cawke waxaa lagu soo booday Ha been hore 1:30 habeennimo, isagoo aan wax xanuun ah qabin, waxaana la dhigay isbtaalka Jigjiga halkaasoo uu ku xijaabtay. Wuxuuna ahaa suxufi ruugcaddaa ah oo saxaafadda si aad ah u yaqaannay.

Axmed Xasan Cawke wuxuu ifka uga tagay lix carruur ah, ku waasoo saddex ka mid ah ay u dhashay Sacdiyo Cabdullaahi Salaad oo ahayd suxufiyad ay isla shaqeyn jireen muddo aad u fog, saddexda kalena waxaa u dhalay haween kale.

Dhanka kale, marxuumka ayaa shalay lagu aasoay Kalabayr oo ah deegaan ku dhow Togwajaale oo uu ku dhashay, deega ankaasoo ay ku aasan yihiin qaar ka mid ah Waaliddiintii. Xigasho:- Hiiraan.com

TACSI TIIRAANYO LEH

Maamulka iyo Shaqaalaha wargeyska Mogadishu times waxaay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan bahda saxaafadda soomaaliyeed iyo Qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeiriyooday Wariiye Axmed Xasan Cowke waxayna Alle ugu baryayaan inuu naxariistii janno ugu bishaareeyo Marxuumka ehelka iyo axsaabta uu samir iyo iimaan saadaq ah ka ka siiyo Aamiin Aamiin. Aamiin

 

Innaa La Lillaahi Wa Inay Ilaahi Raajicuun

 



WARGEYSKA MOGADISHU TIMES OO 23 SANO JIRSADAY

{Munaasabad Waxqabadkiisa Looga Hadlayey Oo Xalay Lagu Qabtay Muqdisho}

sanad guuradii 23

Q/1AAD

Waxaa xafladsi aad iyo aad u ah u heer sareysa oo lagu maa muusayey Sanad Guuradii ka soo wareeg tay mar kii dhidibba da loo taagay Wargeyska Maalinla ha ah ee Madaxa Bannaan ee Mog adishu Times kana soo baxa maga alada muqdisho ka soo ah mid wax ka qora arrimaha siyaasad da,Diini yada iyo Arrimaha Bulshada intaba ayaa waxaa xafladaasi lagu qabt ay xarunta wargeyskaan ee magaal ada Muqdisho.

Xafladaa oo ay ka soo qeyb gal een Bahda saxaafadda soomaaliye ed ee ka howl gasha M/Muqdisho iyo ururrada suxuufiyiinta soomaali-yeed qaar ka mid ah waxgarad ka M/Muqdisho oo siyaasyiin,Aq oonyahanno, Culimaa’uddiin iyo haweenba isugu jiro ayaa waxa ay aheyd mid lagu xusayey Sannad Guuradii Maalintii La Aaas-Aasay wargeyskaan oo ku Beegan maanta oo kale oo18-ka Nov ember Sannadkii1996-dii

Ugu horeyn waxaa halkaa ka Aayado khur’aan ah oo xafladda lagu furay ka akhiriyey Sh.Xuseen Maxamed Axmed {Koofile} iyadoo Xafladaasi warbixinta inta uu jiray wargeyska halkaa ka soo jeedisay Milkiilaha wargeyskan Marwo.Xabiibo Axmed Jimca ale [Biibto} iyadoo ka hadashay taariikhihii tanaxanaha ahaa ee uuwargeyska la xiriira wixii dhibaato la soo gudboonaatay iyo wix ii horumar ah oo uu gaaray, iyo Sidoo kalewaxyaabaha u hirgalay oo uu gaaray intii wargeyskaani jiray iyo waliba waxyaa baha maamulka uu ku haminaayo ee ah inuu mustaqblka dhawo rajeynaayo inuu ku talaabsado ay xafladaasi ka sheegtay marwo Biibto.

Waxayna Marwo Biibto ugu horeyn halkaa Iyadooku ha dleysa codka saxaafiyiinta soomaaliyeed eek u sugan xafaldaas gaar ahan ka maamulka wargeyskani kaga tacsiyadeysay Geeri dii kuTimid Wariiy ihii weynaa alle ayaa weyne Axmed Xasan Cowke oo inagoo u taaganahay xafladii xuska war geyska ay ku soo begantay maalin murigo u ah saxaafadda so omaaliyeed ka dib markii ay ina soo gaartay in uu geeriyooday Axmed xasan cowke oo quluubta inta samaha iyo wanaaga jecel ay waayeen waxaaynA ugu tacsiyadeysay dhammaan soomaai da oo dhan gaar ahaan saxaafada soomaaliyeed,fannaaniinta iyo Xaaskiisa Sacdiyo C/laahi Salaad iyo carruurtiisa iyo qaraab adiisa waxaana lee nahAy alle naxariistii jannaad ka waraabiyo qosykiisana samir iyo iimaan saadaq ahna inaga wada waraiiy aheena sharafta iyo qiimaha badan inagana gadaashiisa alle na ma fidneeyo Amiin Aamiin iyadoo goobtaa xafladda looga wada duceeey marxuum Cowke

Dhinaca kale waxaay sii gashay marwo biibtoo ka faale ynta waxqabadka wargeyska iyadoo oo ugu horeyn ugu mah ad celisay dhammaan intii gacanta ku laheyd soo ifbixii wargeys kan waxayna dhammaanba u rajeysay in sannadkaan kiisa kale ee xiga inay bashbash iyo barwaao ku gaaran iyadoo ku boga adisay howlaha adag oo ay soo mareen iyo garabka ay ku siiye en hana qaadka wargeyskan oo 23 jirsaday taasoo ay sheegtay in lagu gaaray adkeysi,iyo dulqaad dheeri ah daruufihii adkaa ee la soo maray oo qofkasta oo damiir lehi ay dareemi karayaan , dhibaatooyinkii jiritaanka wargeyskaan loo soo maray maadaa ma dalka xilligaasi uu ku jiray dagaallo iyo fowado aan marna la maleyn karin

Dhinaca kale Marwo Biibto ayaa ka qeybgalayaasha min bilow ilaa haatan howlaha wargeyska warbixitiisa halkaa ka soo jeedi say waxaan ay tiri "Wargeyskani waxaa cadadkiisa ugu horeyey uu soo baxay Maalin Isniin ah iyadoo 2 Sano oo kale ay aheyd Juhdigii iyo Diyarintii Agabyadii lagu howlgeli lahaa oo taariikhda jiritaanka Wargeyska ka dhigeysa haatan 23 sano jir, waayoo howlihiisa unbaan heynay 2 sano oo uusan nuqulkiisa ugu hore yey soo bixin ayan ku jirnay diyaarinta adeegyadiisa iyo raadinta dhallinyaro iyo ruugcadyaal ka howlgala si uu u nuqdo mid as aas adag leh sidaas darted ayaan markstaaba xuskiisa ay inoo ga mid tahay maalintii dadalkiisa aan galanay haddanu nahay maamulka iyo shaqaalaha wargeyskaani muddo 2 sano oo aan u udub taageynay taasoo maanta ka dhiegysa 23 sano jir waa yoo dadaalkii loo galay iyo dadkii u galayab ma ahan wax la ilo obi karo iyo waliba xilliga adkaa oo dad aqoontaa lahaa meel la isugu keeni karo maadaama ay ka howlgalayeen dadka aqoonta saaxiibka u ah oo muqdisho iyo gobollda dalkaba kala dagga naa.

hase yeeshee cadadkiisa waa 21 jirsaday haddii loo xisaab iyo nuqul ahaan maalinta uu soo baxay nuqulkii ugu horeyey ay ey ka dhawaajisay marwo biibto oo ah haweyneyda wargeyskani udub dhexaadka u ah oo milkiiyadiisa leh”

Dhinaca kale Wargeyskaan ay aa waxaa ka howlgalay dhall inyaro badan oo Aqoonyahano u badanaa iya doo howl-ihiisa ay ku kala danbeeyeen marxaladaha uu soo marayna ay kala du wanaayeen Taariikhda wargeyska ayaa ah sida tan:-

"in wargeys maalinle ah la sameeyo waxaa fekerkiisa lahaa Marxuum C/ dir Axmed Jimcaale {Boison} oo Geer iyood ay inta aan la sameyn Wargeys kaani Alle ha u Naxariistee.

Iyadoo Dadkii isku howlay garabk ana igu siiyey sameynta wargeyska an oo ay ugu hireysaymagac u same yntiisa kana qeyb qaateen dhallinyara da ka howlbilowday wargeyskaan aya a waxay kala ahaayeen sida tan:-"Al-Ustaad Aweys Xuseen Xasan {A.Shi ino} isagoo ka howlgalay ahaana Qor aalkii 1aad ee shee-kadii jaceylka ahe yd ee JAMAAKA, Ma xamuud Axm ed Xasan {Xuurshe Tifaaftirihii Warge ys kaan ugu horeyey Gudd oomiyahii wargeyskaan muddo gaaban hayey xilkaasi oo ahaa Cali Xaaji Maxamed Alle ha u naxariistee iyadoo guddoomiyaha wargeyskaan Dr.Cismaan Axmed Jimcaale ahaa muddo isagana xilkaa hayey oo garab iyo dadaal badan u gal ay sidii uu u noqn lahaa mid meel mara muddo dheerna la soo shaqeeyey maa-mulka wargeys kan,Maxamed Xasan Gaarweyn {Jeeri Alle ha u Naxa riistee} oo lagu xusuusto {Qoraaladii Raadiyo Reer Hebel iyo ma shee xoow xaa la sheegay iyo sheekooyin jaceyl ahaa iyo Riwaayad Siyaasad eedyo badan oo uu Allifay}, Maxamed Maxamuud Nuurrey {Jimcaale},qoray asha waaweyn ka mid ah aa,Jabriil Maxamuud Nuur {Ja-bra} Farsamayaqaanka Wargeys-kan ee ugu horeyey ahna qoraa fa-alooyin iyo diyaarinta wargey ska,-Madiino Axmed Jimcaale, sheekoo-yin Riwaayadeedka iyo wararka, wargeyska u qori jirtay Sh.Cali Cumar Maxamuud qo raalada Diin-iga iyo faallooyin ka Marxaladaha ka duwan looga bartay ee xagga nabadda .

Dhan kale marwa biibto oo hadalkeeda sii watada ayaa intaa raacisay aniga 6 magac oola soo Ali fay ayaa la I ho rkeenay oo aan aniguba qeyb ku lahaa, waxaan ka qaatay magaca ah Mo gadishu Times,kuwii kalena qaar baan dad siiyey qaar kal ena dib ayaan u howlgeliyey iyana waxaay ka mid yihiin warge ysada aan leeyahay ayey tiri marwo biibto.Dhinaca kale sheeg tay in ay u dooratay magacaan Mog-adishu Times” waxaan u do or tay inuu yahay mgac is wata oo is raaci kara oo ah {Saacaddii Muqdisho} anigoo jeclaa in muq-disho oo dhibaatooyin badani ka dhacyeen inaan u gud biyo shacabka ku dhaqan qoraalo aan is leeyahay waa looga gudbi karaa marxaladdaan adag dadkana ay helaan qoraalo mas-kaxgal ah oo ay ku mashquulaan oo ma adaama dadka ay u badnaayeen kuwa meel ay wax ku aqristaan iyo wax ay aqristaanba yareyd haddii loo eego deegaanka warge yska aan ka sameeyey magaalada muqdisho oo kala xirneyd awgeed colaadina ay ka jirtay”.

Durba dad badan baa ku soo xir may waxaana wargeyska uu horsed ay inuu isu soo dhaweeyo siyiyaasiyiintii loollanka adag ku jirtay ka dib mar kii afkaarta bulshada laga qoray waxay u da gaalamayaan iyo waxa ay ka helayaan haddii qoraalo ka hadlaya la qoray qofkasta oo qalad ku la soco Berri Q/2aad

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS

OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU

HEYSO :-

Delegation To The Federal Republic Of Somalia is Looking For The eu Ropean Union An

ASSISTANT TO OPERATIONS MANAGEMENT..

THE EUROPEAN UNION DELEGATION TO THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA IS LOOKING FOR AN

ASSISTANT TO OPERATIONS MANAGEMENT

We are

The European Union (EU) is an economic and political partnership betwe en 28 European countries. It plays an important role in international affairs through diplomacy, trade, development aid and working with global organisations.

 

Abroad, the EU is represented through more than 140 diplomatic representations, known also as EU Delegations, which have a similar function to those of an Embassy. The EU Delegation to Somalia seeks to contribute to a more prosperous Somalia where the impact of conflict and instability is reduced and the dividend of a more stable environment will allow the Somali people to benefit from EU investments in state functions and in social and productive sectors.

 

We are looking for

An assistant to the Head of Cooperation to give support in managing and coordinating the EU Somalia Operations specifically in the follow areas:

 

Responsibilities

Management

• Support to the development and updating of Operations annual strategic priorities and work-plan,

• Support to the Heads of sections in developing and monitoring their specific sector objectives and work-plans

• Establish and follow up of training and mission plans

 

Reporting and Briefings

• Preparation of management plans and reports to Headquarters as well as other briefings

• Preparation of financial/ contractual forecasts and other reports Preparing country as well as regional and sectoral briefings

• Establish and update together with Program Managers project fact sheets and other briefings

• Supporting in the development of tools for monitoring financial/ contractual performance

Facilitation of coordination structures and processes including meetings

• Facilitating information flow and exchange in Operations and between Operations and other sections/ structures including preparation and documentation of meetings

 

• Supporting and Facilitating information flow and exchange in external coordination structures and processes (for example EU

Development Counsellor group or SDRF/ New Deal meetings) co-chaired by the EU including preparation and documentation of meetings

• Preparing, facilitating and documenting any other meeting, workshop or mission when required

Monitoring and Evaluation

• Development of a Monitoring and Evaluation plan, support contracting and follow-up on implementation

• In close cooperation with the program managers support the development and implementation of other cross-cutting projects such as the

TCF

Any other cross-cutting task required by the Head of Cooperation or Head of Delegation

We require

Post-secondary education diploma ideally in Business Administration, Public Administration and/or Development related filed –

(preferably a University degree at Bachelor level) - Eligibility.

 

At least 5 years’ working experience ideally in the field of Business or Public Administration Management and/or in Development Cooperation - Eligibility.

 

Working language is English – excellent knowledge is required;

Knowledge of Somali would be an asset;

Excellent oral and written presentation skills; Thorough understanding of Excel and Power Point required;

Ability to work accurately with figures and financial planning;

Understanding of financial information management systems is an advantage

Knowledge of the functioning of EU Development Aid is desirable;

Proven ability to build and maintain positive working relationships with colleagues, national counterparts, donor agencies, other stakeholders and ability to adapt well in a multi-cultural environment;

Ability to identify needs and constraints, to set priorities and translate them into action; Personal initiative and ability to prioritise, monitor and evaluate progress, and to meet deadlines;

Open, flexible personality; team player; willingness to work outside office hours and to travel; A high degree of integrity and the ability to deal with confidential information is required.

 

The contract is for a limited period until 31/12/2016 based in Nairobi and funded under a Program Estimate.

The position is open to nationals and residents of Kenya with a valid work permit (compulsory).

 

How to apply

Please send your motivation letter and detailed CV in the EU FORMAT to

Delegation-Somalia-Recruitment@eeas.europa.eu by 27 November 2015, midnight and should have in the subject line "Assistant to Operations Management”.Only Short-listed Candidates will be contacted.The Delegation will not supply additional information or discuss the selection procedure by telephone: please address any queries concerning this procedure to the provided email address.


 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip