Xukuumadda Kenya oo Joojisay Howl-galladii ay kawaday Soohdinta ay la Wadaagto Soomaaliya
Wareysi uu siiyay guddoomiyaha Balad-xaawo idaacadda VOA-da ayaa sheegay in Kenya ay joojisay dib u calaameyntii soohdinta, ka dib markii si aad ah arrintan ay uga qayliyeen mas’uuliyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed, laakiin weli ay jiraan calaammadihii ay horay u sameysay ee aan saxda ahayn.
Yuusuf Maxamed ayaa intaas ku daray inuu rumeysan yahay in aysan Kenya ka taansulin damaceeda ah inay darbi ka dhisto xadka ayna gudaha u soo gasho soohdinta Soomaaliya, uuna maleynayo inay dib u billaabi doonto.
"Runtii tan iyo markii arrintan laga baahiyay warbaahinta, hoos ayay u dhaceen howlihii ay dowladda Kenya wadday, balse ma filayno inay yihiin kuwo ka tanaasulaya arrintan,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Balad-xaawo.
Mar la weydiiyay inay wax war ah uga yimaadeen dhanka xukuumadda Kenya ee ay wada-shaqeyntu kala dhexeyso iyo in kale, ayuu xusay inaysan jirin wax war ah oo kasoo gaaray aysan jirin.
Sidoo kale, waxaa la weydiiyay in lagu wargeliyay in howshii Kenya ay xadka ka wadday la joojiyay iyo in kale, ayuu ku jawaabay. "Waxay joojiyeen shaqada ee ma jiraan wax war ah oo ay nasoo gaarsiiyeen.”
Dhanka kale, guddoomiyaha Balad-xaawo ayaa sheegay in dowlada federaalka Somalia ay gaarsiiyeen arrintan, ayna filayaan in wafdi ka socda dowladda federaalka ay soo gaaraan Balad-xaawo ayna arrintan nala arkaan.
Ugu dambeyn, dhawaan ayay ahayd markii xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ay soo saareen bayaan ay kaga dalbanayaan dowladda Kenya inay si dhaqso ah ku joojiso darbiga ay ka dhisayso xadka, isla markaana ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.
Xukuumadda Kenya oo Joojisay Howl-galladii ay kawaday Soohdinta ay la Wadaagto Soomaaliya
Guddoomiyaha Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, Yuusuf Maxamed C/qaadir ayaa sheegay in xilligan ay joogsadeen hawlgalihii ay ka wadday dawladda Kenya soohdinta u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.