Wariye Axmed Xasan Cawke oo saaka ku geeriyooday magaalada Jigjiga

0
Tuesday November 17, 2015 - 10:06:20 in Wararka by
  • Visits: 1009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Axmed Xasan Cawke oo saaka ku geeriyooday magaalada Jigjiga

    Axmed Xasan Cawke oo ahaa wariye rug-cadaa ah ayaa lagu soo waramayaa inuu saaka ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Axmed Xasan Cawke oo ahaa wariye rug-cadaa ah ayaa lagu soo waramayaa inuu saaka ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sida ay sheegayaan wararka Axmed Xasan Cawke ayaa maalmihii u dambeeyay xanuuno yar ay hayeen, waxaana saaka waabarigii uu u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Cawke uu muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Jigjiga, isla markaana horay uga tagay magaalada Hargeysa.

Axmed Xasan Cawke ayaa u soo shaqeeyay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadaha BBC iyo VOA, waxaa uu mar soo noqday wariyihii gaarka ahaa ee Madaxweynihii hore Maxamed Siyaad Barre.

Sidoo kale waxaa uu ka shaqeeyay telefishinkii Soomaaliya, waxaana lagu xusuustaa tabintii ciyaarihii gobolada iyo horyaalada kubadda cagta, waxaa uu ahaa wariye madadaale badan.

Allaha u naxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke ayaa muddooyinkii dambe ka soo shaqeeyay Telefishinada Soomaalida, sida Telefishinkii Universal tv, Horn cable TV iyo Telefishinka Somaliland National TV.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip