Ciyaar dhex mari laheyd Belgium iyo Spain oo loo hakiyay cabsi xaga ammaanka

0
Tuesday November 17, 2015 - 09:59:03 in Wararka by
  • Visits: 817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaar dhex mari laheyd Belgium iyo Spain oo loo hakiyay cabsi xaga ammaanka

    Ciyaar saaxibtinimo oo dhex mari laheyd xulalka Kubadda Cagta ee Belgium iyo Spain ayaa loo hakiyay cabsi ka dhalatay weerarkii habeenkii jimcihii lagu qaaday magaalada Paris.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaar saaxibtinimo oo dhex mari laheyd xulalka Kubadda Cagta ee Belgium iyo Spain ayaa loo hakiyay cabsi ka dhalatay weerarkii habeenkii jimcihii lagu qaaday magaalada Paris.

Xiriirka Kubadda Cagta Belgium ayaa ku dhawaaqay ciyaartaas oo ka dhici laheyd magaalada Brussels la joojiyo sababo amniga la xiriira.

War qoraal ah oo ka soo baxay xiriirka kubada cagta Belgium ayaa lagu sheegay in markii ay la tashteen dhigooda Spain la joojiyay ciyaartaas, si aan khatar loo gelin ciyaartoyda.

"Iyadoo la eegaya xaaladda aan caadiga ahayn ee taagan, halis magelin karno ciyaartoyda iyo taageerayaasha” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xiriirka kubadda cagta ee Belgium.

Howl gallo ballaaran ayaa ka socda dalka Belgium, iyadoo laamaha ammaanka ay sare u qaadeen halista dhinaca ammaanka, kadib markii laga digay weeraro argagixiso.

Booliska la dagaalanka argagixisada ayaa gacanta ku dhigay dad looga shakisan yahay weerarkii Paris, waxaana Faransiiska uu sheegay in weerarkaas laga soo abaabulay Belgium.

Saleh Abdesalam oo looga shakisan yahay inuu weerarkaas abaabulay ayaa aad looga baadigoobayaa dalka Belgium, iyadoo walaalkii uu wax ka fuliyay weerarkii Paris.

Dhinaca kale Ingiriiska ayaa diiday inuu dib u dhigo ciyar saaxibtinimo oo caawa garoonka Wembley ku dhex mareysa xulka Faransiiska, waxaana ciyaartan la sheegay in si aad ah ammaankeeda loo ilaalin doono.

Habeenkii jimcihii ayaa ciyaar saaxibtinimo oo dhex mareysay xulalka Faransiiska iyo Jarmalka ay banaanka garoonka Stade de France ay ka dhaceen illaa saddex qarax oo ismiidaamin ahaa, waxaana dadka weerarkaas fuliyeen ay wateen tikidhada ciyaar, isla markaana doonayeen inay gudaha u galeen garoonka, hase ahaatee ciidamada ammaanka ay ka shakiyeen mid ka mid ah oo walxaha qarxa xirnaa, isagoo markii dambe is qarxiyay ruuxaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip