
C/raxmaan Faroole oo Dowladda Somaliya kaga digay in dalka dib loogu celiyo nidaamka 4.5
Madaxweyinihii hore ee Puntland Farole oo arrimo badan kaga hadlay shirkiisa Jaraa’id ayaa muhiimadiisa ku soo aruuriyay shirarka dalka ka socdaa hadda laga qayb galiyay dad aan xog badan dalka ka hayn, wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in doorashada soo socota ee Somaliya lagu saleeyo deegaan oo aan dib loogu soo noqon nidaamka qabiilka.
Waxa uu ka digay in dhacdo kala aragti kala duwanaan ku aadan arrimaha Somaliya ka socda, maadama dalkaka jiraanmaamullo mid kasta uu leeyahay dastuur u gooni ah.
Aragti ahaan waxa uu sheegay in uu qabo Doorashada la filaayo inay ka dhacdo dalka Somaliya inay ku haboon tahay in Degmooyin laga dhigo.
Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Cadaado iyo Garoowe, ayaa waxaa ka socda shirarka Hiigsiga 2016-ka oo dadka la weydiinaayo aragtidooda ku aadan sida looga gudbi karo marxalada Siyaasadeed ee 2016-ka.
Dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegtay dalka inaysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod, balse laga tashanaayo nooca doorasho ee ugu haboon dalka ka dhici karto.


0 


C/raxmaan Faroole oo Dowladda Somaliya kaga digay in dalka dib loogu celiyo nidaamka 4.5
Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) oo saaka Saxaafadda kula hadlay Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa ka digay in Dowladda Federalka Somaliya dalka ay dib ugu celiso nidaamka 4.5.