
Hub badan oo laga helay guri uu deganaa nin ganacsade Kenyan ah oo Nairobi isku dilay
Ciidamada Booliska oo tagay guriga falka uu ka dhacay ayaa waxa ay baaris ku sameeyeen guriga, waxaana ay ka heleen 2 qori oo nooca Ak47 ah iyo Afar Bistooladood oo laga dhex-helay qolkii uu seexan jiray ninkaasi ganacsadaha ah.
Hubka ay ciidamada qabteen ayaanan ka diiwaangashneyn laamaha ammaanka Magaalada Nairobi, balse Booliska waxa ay sheegeen inay heleen hal qori oo kale oo u diiwaangashnaa Booliska, tirada hubka gurigiisa laga helay Abdul waxa ay noqonaysaa 3 qori oo Ak47 ah iyo Afar Bistooladood.
Abdul oo ahaa ganacsade ayaa kaligiis ku noolaa guri weyn oo uu ku leeyahay wadada Church Road, waxaana uu wajahayay dhibaatooyin aan la aqoonin oo uu sheeganayay.
Booliska Magaalada Nairobi ayaa waxa ay wadaan baaritaano dheeri ah oo ku saabsan hubka ninkaan uu haystay iyo waxyaabaha uu ku isticmaali jiray, iyadoo uu jiro shaki badan oo la xiriiri hubka guriga laga helay.
Abdul ayaa deganaa guriga kaligiis, marka laga soo tago ilaalo la joogtay, horay ayeey u kala tageen Xaaskiisa oo waxa ay u guurtay xaaskii uu qabay dalka UK halkaasi oo ay kula nooshahay lix caruur ah oo uu dhalay ninka isdilay.
Hub badan oo laga helay guri uu deganaa nin ganacsade Kenyan ah oo Nairobi isku dilay
Ciidamada Booliska Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa helay hub badan, kadib markii nin ganacsade Kenyan ah uu is dilay, xilli ciidanka ay tageen guriga ninkaasi uu deganaa.