
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 18-KA FEBARAAYO 2017-KA
Ilo wareedka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Sacuudiga u ambabaxi doono marka la caleema saaro, wax aana la sheegay in dadka Soomaaliyeed ugu soo duceyn doo no Xaramka, marka uu cumreysto. Safarka Madaxweyne Fa rmaajo uu ku tagi doono Sacuudi Carabiya ayaa ka duwanaan doona safaradii hore ay Madaxda Soomaalida marka la door to ku tagi jireen wadamada deriska ah.
Sidoo kale waxaa jira casuumaad rasmi ah oo Madaxwe ynaha la soo gaarsiiyay, kaasoo ay kaga timid Boqorka dalka Sacuudiga Carabiga Boqor Salmaan oo todobaadkii hore Taleefan kula soo ha dl ay, markii loo doortay xilka Madaxwey naha. Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Salmaan ayaa kulan ga ar ah yeelan doono marka uu tago Sacuudiga, sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu tago dal labaad oo Carbeed oo ka mid ah dalalka Khaliijka.
Boqorka Sacuudiga ayaa ahaa Madaxdii u horeysay ee carbeed ee toos hambalyo ugu soo dira Madaxweynaha la do ortay, iyadoo Sacuudiga uu daneynayo xiriir wanaagsan uu la yeesho Madaxw eynaha cusub. Madaxweynha ayaa sidoo ka le lagu wadaa inuu 7baadyada soo socda ka qeyb galo shir madaxeedkiisii u horeeyay, tan iyo markii xilka loo doortay, waxaana M/Riyadh uu kaga qeyb geli doonaa shirka dalalka Iskaashiga Islaamka. Xafiiska Madaxweynaha ayaa la soo ga arsiiyay casuuma ado uga timid dalal dhowr ah oo uu booqa sho rasmi ah ku tago doono, kadib marka la caleema saaro iyo marka uu R/Wasaare magacaabo, sida ilo lagu kalso onaan karo inoo xaqiijiyeen. Xigasho: -jowhar.com
TAARIIKH NOLOLEEDKA LATALIYAHA AMNIGA QARANKA SOOMAALIYA
Xuseen Macalin Maxamuud Sh. Cali waxaa 16kii Feberaayo 2017 loo magacaabay Latali yaha Am niga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Md.M.C/hi Farmaajo. 3dii sano ee ugu danbe ysey Xuseen wax aa uu ahaa LaTaliyaha Sare ee Amniga oo uu weliba si gaar ah ugu qaabils anaa dhanka Kahortaga Argagaxisada ee Do wladii hore. Waxuuna xubin ka ahaa Golaha Amniga Qaranka oo ah hay’ada ugu sareeysa dalka ee go’aan gaariska arrimaha amniga ee DFS oo uu weliba la bilaabay markii la hirgeliy ey Golaha Amniga Qaranka.
Md.Xuseen waa shaqsi si istraatejiyad leh u fikira, waxuuna qoray Istraatejiyada La dagaal anka Arg agaxisada ee DFS. Sidoo kale waxuu qoray Istraatejiyada iyo siyaasada dalka ee dibuheshiisiinta iyo cafiska loo fidiyo AlShab aab. Xuseen waxuu hormuud ka ahaa abuuris ta Xarunta Warbixinta Maaliya da (Financial Reporting Center (FRC).
Xafiiska Madaxtooyada ka hor Xuseen Sh. Cali waxuu muddo 4 sano ka badan ahaa Aga asimaha Waaxda Amniga Dibadda ee Hay’ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka (NISA). Howlaha uu qaabi lsanaa waxaa ka mid ahaa Ladagaalanka Argagaxisada, La dagaalanka Burcadbadeeda, Lidxuuraan ka iyo xiriirka ha y’adaha caalamiga ee ka howlgala Soomaal iya. Waxuuna mar noqday Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’ada Nabadsugida & Sirdo onka Qaranka Soomaaliyeed.
Md.Xuseen waxuu heystaa shahaadada Bachelor ee Taariikhda iyo shahaadada Mas terka ee Arri maha Amniga iyo Sirdoonka. DHAMAAD
MD. XASAN SH. OO WAXQABADKIISA HOGGA AMINEED IYO RAJADIISA SIYAASADEED U JEE DIN DOONA ARDAYDA JAAMACADDA SIMAD.
Madaxweynihii JFS, Xasan Sh. Maxamu ud oo khamiistii xilka sida Dimuqraadiyadda leh ku waree jiyey ayaa la filayaa inuu isbuuca soo socda la hadlo in ka badan 1,700 Arday oo ka tirsan J/cadda SIMAD ee M/Muqdisho.
Md. Xasan Sh. oo ka mid ah Asaasayaashii SIMAD waxa uu Munaasabadaasi ku soo ban dhigi doo naa Waxqabadkiisa shaqo 4tii sanno ee uu Madaxweynaha JFS ahaa, Caqabadihii ka hor yimid iyo Wa ayaaragnimadda Siyaas adeed ee uu ka dhaxlay Hoggaamintiisa.
Waxa kale oo uu Khudbadiisa culayska ku saari doonaa sidii uu Hawlwadeennada. Aqo onyahanad da iyo Ardayda Jaamacadda SIM AD ugu boorin lahaa inay galangal xooggan ku yeeshaan Siyaasad da dalka iyo sidii ay u han an lahaayeen Hoggaaminta soo socota ee dalka.
Ilo ku dhowdhow Jaamacadda SIMAD ayaa sheegay inuu Xasan Sh.yahay Hoggaamiye wax badan u qabtay Ardayda ka aflaxday Jaa macadda, Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sh. oo Maamulkiisa Dhaliil badan iyo Ammaan ko oban loo jeediyo ayaa noqday Madaxweynihii 1aad ee DFS ee sida Dimuqraadi ga leh xilka loogu doortay, isla markaana Xilka si sharaf leh ku wareejiyey. Xigasho:Radio Dalsan.com
FEYSAL CALI WARAABE OO SHEEGAY IN AYSAN MACQUUL AHAYN IN SOOMALIYA XILIGAAN LOO QEYBIYO QABIIL QABIIL
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Maamulka Somaliland Enjineer Feysal Cali Waraabe oo dhawaan ga aray Magaalada laascaanood ee G/Sool ayaa Umadda Soomaliyeed ugu baaq ay inay ka shaqeeyaan Midnida Somali Weyn.
Feysal Cali Waraabe oo dadka ay ku barte en inuu mar walba difaaco Qadiyadda Soomal iland ayaa sheegay in macquul aheen Xiligaan in loo qeybsamo qabiil qabiil , wuxuu ilaahey ka baryay in Umaddii sa isku soo dhaweeyo.
"Waxaad ogaataan inaynu wax ku noqon kar no Midnimo, Soomaaliya Inaga ayay inaga Su gaysaa, Reer Waqooyi Haddii aynu Nahay waa inaynu Caqligeena Midaynaa, Soomaali waa isku mid meel ay Joogtaba, Qabiil waxba laguma Noqdo, Qaranbaa wax lagu Noqdaa, NDF,Jabuuti iyo Kililka Shanaad way ina Dhaa feen”.
MUNAASABAD LAGU TAAGEERAYAY MADAXWEY NE FARMAAJO OO LAGU QABTAY SUDAN
Munaasabad lagu taageerayay madaxw eyne Farmaajo ayna ka qeybgaleen jaaliyadda Soom aal iyeed ee ku dhaqan dalka Sudan ay aa lagu qabtay M/Khartum Kulankan oo si he er sare ah loo soo agaasimay ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalay diplomaasiyiinta safaarad da, Jaaliyadda soomaa liye ed ee dalka Sudan, Midowga ururka ardayda Soomaaliyeed, gana csato iyo waxgarad kala duwan..
Dadkii ka hadlay munaasabadda ayaa si Is ku mid ah ugu hambalyeeyay madaxweyne Fa rmaajo, iyagoo tilmaamay in waa cusub uu u baryay Soomaaliya, waxeyne ku tilmaameed Md.Farmaajo inuu yahay hoggaamiye waddani ah oo leh karti waxqabad oo ka hufan eex iyo nin jecleysi. Xoghayaha gu ud ee jaaliyadda So omaaliyeed ee dalka Sudan Cabdi wali Xasan Xuseen "Fadiilatuh” oo ka hadlay go obta ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inay la shaqeynaa Md. Farmaajo hogaankiisa
Dhanka kale u qeeybsanaha warfaafinta safaaradda Soomaalida ee dalka Sudaan Fiid oow Maxam uud Fidow oo halkaasi ka hadlay ayaa caddeeyay in madaxweenaha uu mudan yahay in loo duceeyo si xilkiisa uu si nabad ah ugu guto.
KENYA OO DOONEYSA INAY BAARTO TELEFONADA SHACABKA
Maamulka dalka Kenya ayaa shirkadaha mobilelada ee dalka ku amray inay ogolaad aan in la oga ado farriimaha shacabka. Hay’ad da dowladda u qaabilsan dhanka isgaarsiinta (CAK) ayaa shirkadaha telefoonada u qortay dalabka ah in lala socdo xiriirka dadweynaha ee mobilelada isticmaala.
Waxay dowladda dooneysaa in la siiyo akh baarta wicitaanka, farriimaha iyo lacagaha tel efoonada ugu jiro shacabka. CAK ayaa doon eyso in arrintaasi loo fududeeyo ayadoo la she egayo in laamo kale oo dowladda ka mid ah ay horey sidaas u sameyn jireen. Tallaabadan ay aa noqon karto mid saamey sa in ka badan 30 milyan oo qof oo telefoon isticmaala.
Waxaa sidaas lagu ogaan karaa waxyaaba ha gaarka u ah dadka, waxaana lumi karo kals oonida ay shacabka ku qabaan shirkadaha isgaarsiinta. Shirkadaha ugu waaweyn ee dal abka uu saameynayo waxaa ka mid ah Safari com, Airtel, iyo Orange. Madaxda shirkadda ar rimaha isgaarsiinta u qaabilsan Kenya ayaa qo rshaha filayo inuu dhaqangalkiisa bilowdo isbu uca soo socdo
” PUNTLAND "WUU SII KORDHAYAA KUFSIGA
Xeer ilaaliyaha guud ee M/Puntland Maxam uud Xasan Awcusmaan oo la hadlay warbaah inta ayaa sheegay dhowaanahan Degaanada Maamu lka Puntland uu ka aramiyo inay ku bat een Tacadi yada kufsiga la xiriira.
Waxa uu sheegay Tacadiyadan inay gaar een heerkii ugu sareeyay loona baahan yahay in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa, loona baabi’in lahaa. M.X.Awcusmaan ayaa sheegay Tacadiyada ka dhacay M/Puntland in ay gaarayaan 123 kufsi. Dhanka kale Xeer ilaa liyaha guud ee ayaa carabka mariyay falalda mbiyeedyadii ka dhacay D/nada Puntland, sida falalkii shilalka ahaa ee ka dhacay Puntland
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY DANJIRAHA MAREYKANKA
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Mada xweynaha DFS,ayaa shalay waxuu Xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha Mareykanka u fadhiya M/Muqdisho.Md.Farmaajo ayaa waxuu sheeg ay in Danjiraha Marey kanka Stephan Schwartz uu kala hadlay xoojinta ammaanka M/Muqdi sho,Md.Farmaajo ayaa xusay in kulankooda diirada ay ku saareen wax ka qabashada aba araha baahsan ee ka jira qeybo ka mid ah G/lada Dalka Soomaaliya.
Dhiniciisa Safiirka Mareykanka, Stephan Schwartz ayaa waxuu bartiisa Twitterka ku sheegay in uu ku faraxsan yahay la kulanka Madaxweynaha Soomaaliya. Waxuu shaaca ka qaaday in muhiim ay ta hay in sida ugu dha qsiyaha badan looga jawaabo abaaraha hala keeyay Dad iyo Duunyo ku dhaqan K/Iyo Bart amaha Soomaaliya. Si kastaba, Dalka Sooma aliya ayaa waxaa jira abaaro xooggan oo sa ameyn ballaaran ay ku yeesheen Maaliiyoon Qoys, kuwaasi oo haatan u baahan in gurmad deg deg ah lala gaaro.
MAREYKANKA OO KA DIGAY WEERARADA BURCAD BADEEDA SOOMAALIYEED
D/Mareykanka ayaa ka digtay inay dib ay u soo xoogeystaan Weerarada ay geystaan Koo xaha Burcad Badeeda Soomaaliyeed. Waxaa Mareykanka sidoo kale uu walaac xooggan ka muujinayaan dhaq dha qaaqa Kooxahaasi Burc ad Badeedka ah, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in laga feejign aado.
Mr.Andrew Havilan oo ah Mas’uul ka tirsan Safaarada D/Mareykanka ee Dalka Ivory Coa st, ayaa waxuu sheegay in Kooxdan ay fuliy een 27 Weerar tan iyo bishii April. Mas’uulkan oo soo xiganaya Hay’adda la socodka Biyaha Caalamka (IOM) ayaa waxuu sheegay in Koox aha Burcad Badeedka Soo maaliyeed ay geys teen labo Weerar, qaarkoodna ay ka fashilm een.M/Lome ee Caasimada Dalka To go ayaa waxaa lagu wadaa in lagu qabto Shir ay ka qeyb gali doonaan in ka badan 40 Dowladood, oo kaasi oo looga hadlo doono ka hortaga khat arta Kooxaha Burcad Badeeda.
M/WEYNAHA KENYA "SOM. WAY SOO LABTAAY”
Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenya tta oo shir jaraaid ku qabtay M/Nayrobi ayaa waxa uu ka hadlay xil wareejintii Madaxweyna ha ee dorraad ka dhacday madaxtooyada Soo maaliya, ka dib markii Madaxweynihii hore Xa san Sh.Maxamuud uu xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Farmaajo.
Waxa uu sheegay wax lagu farxo inay ah eyd in guul iyo si nabad ah ay ku soo dhamaa to Doora shadii Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay xil wareejintii dorraad caddeyn inay u tahay Soomaaliya oo ku taalla Geeska Afrika inay ku soo laabatay waddadii saxda aheyd.
Mr.Uhuru Kenyatta ayaa hambalyo iyo bog aadin u diray Madaxweynaha cusub ee Soom aaliya Ma xamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), oo si Dimuquraadi ah ugu guuleystay Doorash adii 8dii Bishan ka dhacday M/Muqdisho, uu si toos ah ula wareegay xilka Madaxweynaha.
"Qaabka Doorashada loo sameeyay waxa ay aheyd mid wanaagsan, amniga inta ay Doo rashada socotay waxa uu ahaa mid ay iska ka ashanayeen Ciidanka DF iyoHowlgalka AMIS OM, Soomaaliya waxa ay ku soo laabatay wad dada saxda ah” Ayuu yiri Uhuru Kenyatta.
Mr.Uhuru Kenyatta ayaa sheegay iskaashi ga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya in had da uu yahay mid wanaagsan, isagoo Madaxw eyne Farmaajo ugu baaqay inuu sii xoojiyo, si loo gaaro guulo muhiim ah. Ugu dambeyntii Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay Doorash adii Soomaaliya ka dhacday inay rajo wanaags an u aheyd dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, maadaama ay ku dhacday si ni da am ah oo aysan jirin arbushaad iyo waxyaabo kale.
SOMALIYA OO SI BUUXDA ULA SOO WAREEGAYSA MAAMULIDDA HAWADEED IYO WASIIR JAANGALI IYO MADAXWEYNAHA ICAO OO KU KULMAY MONTREAL
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somaliya Cali Axmed Jaamac "Jangali” ayaa khamiistii xarunta ICAO ee M/Montreal kula kulmay Madaxweyana ICAO Dr. Olumuyiwa Benard Aliu oo u dha shay dalka Nijeria, waxaa na ka wada hadleen sidii dardar loo galin laha soo dhameystirka qalabka ha gidda diyaarada ha ee loo iibinayo Soomaliya.
Qalabkaasi waxaa lagu rakabi doonaa 8 Ga roon oo ka mid ah Soomaaliya iyo xarunta cus ub ee la ga hagi doono hawada Soomaaliya ee dhawaan laga dhisay Garoonka Muqdisho, ay adoo marka la dhameystiro ka dib ay Sooma aliya inta badan hawadeeda aanay ka dhici do onin xiriir xumo waayo qa labka cusub ee laga dalbay Shirkad Talyaani ah ayaa ka dhigaya Soomaaliya inay yeelato VHF Cover age taa soo Somaliya ay la mid noqonayso dhammaan dawlada deriska ah. Waxay isla qaateen Was iir Jangali iyo Guddoomiye Dr Aliu in qalabka ani uu dabooli doono baahida xoojinta xiriirka hawada ee maamulka hawada Soomaliya ko rna u qaadaysa shaqada loo qabto diyaarada ha dulmara Soomaliya ayadoo nabdgalyadood una ay wanaagsanaan doonto. Sidoo kale wax aa kordhi doono dhaqaalaha la ga qaadi doono diyaaradaha isticmaala hawada Soomaliya.
Madaxweynuhu wuxuu ballan qaaday in la dardargalin doono kobcinta aqoonta shaqaala ha iyo ku wa cusub ee la qorayo si marka loo guuro Muqdishu ay dawladda Soomaaliyeed noqoto mid isku filan.
Kulankan ayaa ku soo dhamaaday jawi wa naagsan soona dhowaysay waqtigii hawada Somaliya la ga hagi lahaa Somaliya. Waxa Wa siir Jangeli uga mahad celiyey Guddoomiyaha Golaha ICAO(ICAO COUNCIL) iyo madaxda ICAO wada shaqeyntii wanaagsanayd ee ay la lahayeen intii uu hayey xilka Wasaaradda Gaa diidka iyo Duulista Hawada.
Ugu danbeyn, wuxuu Guddoomiye Dr. Aliu ballan qaaday inuu Madaxweynaha JFS Md. M.C/hi Far maajo warbixin kaamil ah si dha khso leh u soo siin doono.
MADAXWEYNAHA MAREYKANKA DONALD TRUMP OO AAN WALI HELI LA TALIYE DHINACA AMNIGA
Qofkii uu madaxweyne Donald Trump u do ortay in uu noqdo kaaliyihiisa ammaanka Qara nka ayaa diiday shaqadaas. Robert Harward oo ah sarkaal hore oo ciidammada Maraykan ka la soo shaqeeyay ayaa si wayn loola xiriiri yay jagadan ka dib markii uu Trump shaqada ka eryay Michael Flynn Isniintii.
Sarkaal aqalka cad u hadlay ayaa sheegay in Harward uu u cudurdaartay arrimo qoys iyo kuwo maa liyadeed, laakiin warbaahinta Maray kanku waxay ku warrantay in uu doonayay in uu kooxdiisa keen sado. Flynn ayaa marin hab aabiyay madaxweynaha dalka Maraykanka Mike Pence markii uu la waad aagay macluu maadka ku saabsan wadahadalkii uu la yee shay safiirka Ruushka ee dalka Maraykan ka.
Ugu danbeyntii, caqabadaha ayaa soo bax aysa saacado uun ka dib markii Trump uu dii day warar ka ay tabiyeen warbaahinta ee ku aaddan in jahwareer uu ka taagan yahay Aqal ka Cad, wuxuuna ku adkaystay in maamulkiisu uu si wanaagsan hawsha u kala wado.
WASIIRUDOWLAHA WARFAAFINTA, DHAQANKA IYO DALXIISKA OO SHIR CAALAMI AH UGA QEYBGALAY DALKA TURKIGA
Shir caalami ah oo looga hadlayay horumar inta iyo iskaashiga dhinaca Dalxiiska ayaa la gu qabtay dalka Turkiga. Shirkan oo ay ka qe ybgaleen ilaa 200 dowladood oo uu ka mid ah aa wafdi ka socday dalkeena Soomaaliya.
Wasiiru Dowlaha W/W,Dh iyo Dalkiiska Ma xamuud Cabdi Xasan (Pekoos) ayaa Somaal iya u ga qeybgalay shirkaasi, isago tilmaamay in shi rkani uu ahmiyad weyn u leeyahay Soo maliya, kaaso soo celinaya saaxaddii iyo maqa amkii ay Soomaaliya ku lahayd dunida iyo dal xiiska caalamiga ah. Waa markii ugu horreey say 26 sahno ka dib ay Soomaaliya ka qeybga sho shir ceykan ah
MADAXA SHIRKADDA SAMSUNG OO LA XIRAY
Madaxa shirkadda Sumsung Lee Jaeyong oo ah madaxa shirkadda Samsung ayaa lagu xiray dalka K/Koonfureed isaga oo loo haysto laaluush iyo eedaymo kale. Arrintan ayaa lala xiriiriyay fadeexaddii horseeday in xilka laga xa yuubiyo Park Geunghye. Samsung ayaa lagu eedeeyay inay deeq siisay mu’ sasado aan faa’ iido doon ahayn oo ay maamusho Choi Soonsil,oo ay saaxiibo yihiin madaxweynihii hore Park,arrintaas oo ay shirkaddu ku badalanays ay inay gacan ka hesho dawladda.
Mr.Lee iyo shirkadda Samsung Group laba duba way diideen in ay wax gaf ah gaysteen.
Lee oo si ku meel gaar ah u ah madaxa shi rkadda Samsung ayay markii 1aad dacwad o ogeya ashu su’aalo waydiiyeen bishii 1aad bal se waxay go’aansadeen in aysan xirin.
Laakiin 7aadkan horaantiisii ayay mar kale su’aaalo waydiiyeen.
Madaxwaynaha K/Koonfureed oo xilka laga xayuubiyay Cilad gashay taleefankii u dambee yay ee Samsung Samsung oo ganacsigeeda daabacaadda hal bilyan dollar ku iibinaysa
Maraykanka oo duullimaadyada ka mamnuu cay Galaxy Note 7
Jimcihii ayay maxkamaddu sheegtay in ay mihiim tahay in la xiro Lee JaeYong ka dib markii dacwaddiisa lagu soo kordhiyay falal dambiyeedyo cusub iyo cadaymo horleh oo la helay. Dacwad oog eyaasha ayaa hawshiisa sii baari doona 20 maalmood si ay dacwad rasmi ah ugu soo oogaan. Xiritaan kiisu kama dhigna aragtida maxkamadda oo dambiile ama dambi laawe ah balse waxay ka dhigan tah ay inay dambigan u aragto mid khatar ah
MAAMULKA G/HIIRAAN OO KULAMO LA QAATAY HA’YADO SAMAFAL
Sh.Xuseen Cusmaan cali gudoomiye ku xige enka arimaha bulshada G/ Hiiraan oo la hadl ay Idaacad da Simab ee M/Muqidsho ayaa she egay inay haatan wadaan kulamo ay la qaad anayaan ha’yadaha samafalka islamarkaana ay kala hadlayaan kaalinta ay ka qaadan kara an waxkaqabsahda abaaraha ka jiro gobolka Hiiraan.
G/xigeenka hiiraan ayaa tilmaamay in GHirr aan ay ka howlgalaan ha’yado badna oo sa mafal isla markaana ay dadkaas ku bixinayaan sida ay u garab istaagi lahaayen dadka shac abka ee abaaraha ay saameeyeen . Sh/Xus een Cusmaan ayaa waxa uu sidoo kale she egay in goboka haatan ay jog aan xildhibaano ka socda Dowladda faderaalka Soomaaliya ku waa oo u kuurgelaya xaaladda gobolka hiiaan iyo saameynta ay abaaraha reebeen.
GEN. MUKHTAAR OO U DIGAY C/BOOLISKA
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soom aaliya Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxa uu sheegay dalka inay ka dhacday Doorasho, si nabad gelyo ahna ay ku soo dhamaatay, waxa uu uga digay Boolis ka in ay ku mashquulaan waxyaabo aanan shaqadooda aheyn.
Sidoo kale Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay Booliska in laga doonayo inuu ka war qabo xaala da uu dalka ku sugan yahay, maad aama nabad gelyada guud ee dalka uu xil ka saaran yahay, loona baahan yahay in mar wal ba ay ka shaqeeyaan. Waxa uu sheegay Tali ye ku xigeenka Ciidanka Boolis ka Soomaaliya Gen. Mukhtaar muhiim in ay tahay dhaq dhaq aaqa in lala socdo, si looga hortago la isa gana difaaco kooxaha mararka qaar weerarada iyo Qaraxyada geysta. Doorashadii Soomaaliya ka dhacday waxaa si weyn ugu lifaaqnaa Cii danka DF, gaar aha an kuwa Booliska, maada ama dhowr jeer oo hore lagu eedeynayay inay gafeen shaqado oda oo ay ku dhex milmeen Doorashada.
DR.GALEYR OO LOO DIIDAY IN DEEGANADA KHAATUMO UU KA HIRGELIYO HESHISKA S/LAND
Madaxweynaha M/Khatumo Cali Khaliif Gal eyr oo dhawaan dalka jabuuti hehsiis kula soo galay M/soomaaliland ayaa waxa uu ugu danb eyn khamiistii dib ugu soo laabtay G/sool.
Md.Galeyr ayaa diyaaradi siday waxaa la ga celiyay garoonka M/Buuhoodle waxaan diy aarada ay u weecatay M/Laascaanood. Md.Ga leyr ayaa doonayay in heshiiska uu ka hergel iyo deeganada khaa tumo gacanta ay ku heyso balse waxa uu caqabado xoogan kala kulm ayaa siyaasiin iyo saraakiil ka soo jeeda khaa tumo kuwaa oo u arka cali in kaligiisa tahasha day.
Warar hoose oo ay heleyso Warbaahinta ay aa ku waramaya in cali khaliif loo diidan yahay inuu tago deeganada khaatumo arintaana wa xaa ka sahqeynaya wasiiro ka tirsan maamul ka khaatumo oo laga qadiyay heshiiski jabuuti.
FARMAAJO: "WAXAAN BALLAN QAADAYAA INAAN IDIN KEENO DOWLAD AAD KU KALSOONTIHIIN”
Madaxweynaha Cusub ee DFS Md.M.C/hi Farmaajo oo si rasmi ah xilka madaxtinimo ee dalka ula wareegay dorraad ayaa sheegay in dowladiisa ay ka shaqeen doonto hormarka dalka waxaana uu dalbaday Md. faraamjo in shacabku ay qaataan kaalintooda oo ay kala shaqeeyaan nabadgalyada isla markaana ciid damada ammaanka ay Taageeraan.
Madaxweyne Farmaajo oo ah madaxweyne ay jecelyihiin shacabka waxaa horyaala shaqo oyin badan oo ubaahan wax kaqabasho sida abaaraha daran ee ka jira dalka, inuu soo mag caabo R/was aare iyo arima kale iyadoo la cale ema saari doono 22 bishaan oo ay kasoo qeyb galayaan sida lafilayo madaxda gobolka iyo qaar kamid ah kuwa Caalamka.
K/GALBEED: WASIIR KA HORYIMID XIL KA QAAD IS LAGU SAMEEYEY
W/Diinta iyo awqaafta M/K/Kalbeed Macalin Axmed Maxamed ayaa ka horyimid xil ka qaa dis madax wayanaha maamulkaasi uu kusame yay. Wasiirka ayaa sheegay in aysan waddo sax ah loo marin xil ka qadistiisa isaga oo me esha ka saaray sharci ahaanshiyaha golaha wasiirada maamulka Koonfur Galbeed.
Md.Axmed ayaa sidoo kale ka mid ah xildhi baannada M/K/Kalbeed ayaa muddooyinkii u gu dam beeyay sheegay inuuba jirey khilaa u dhaxeeyey Md.Shariif Xasan iyo sidoo kale xil dhibaannada baarl amaanka maamulkaasi.
"In xilka la iga qaado waddo sharci ah looma marin, Shariif isagaba ayaaba baarlamaanka laga doo nayey, isaga oo taas ka leex leexana ya ayuu sheegay in si aan sharci ahayn xilkii ii ga qaaday” Shariif Xasan Sh Aadan, madaxwe ynaha K/galbeed ayaa wareegto uu soo saa ray xilkii kaga qaadey Macalin Axmed Maxa med oo ahaa wasiirka diinta iyo awqaafta ee maamulkaasi.
QARAX XOOG LEH OO KA DHACAY GOOB AY KU CIBAADEYSTAAN SUUFIYIINTA DALKA PAKISTAN
Qarax xoog leh ayaa lala eegtay goob ay ku cibaadaystaan Suufiyiinta dalka Pakistan iyadoo ay ku dhinteen 75 ruux halka ay ku dha awacmeen 250 kale, qaraxan ayaa waxaa sheegtay ururka IS. Masj idka Suufiyiinta Pak istan ee Lal Shahbaz Qalandar ayaa qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay, waxaana ka mid ahaa dadka ku dhintey qaraxa sagaal ha ween ah iyo labaatan carruur ah sida uu warba ahinta u sheegay Khadim Hussain oo ah taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Hyderabad.
Waxaa soo baxaysa cabsi laga qabo in tirada dadka ku dhintey qaraxa ay sii kororto maadaama adeeg caafimaad oo wanaagsan uusan ka jiran magaalada uu ka dhacay qar axa. Wasiirka Caafima adka Pakistan Sikandar Mandhro ayaa u sheegay dadka wararka fidi ya; "Adeegga caafimaad ee laga heli karo She wan ma aha mid ku filnaan kara arrintan degdegga ah waxaana aan ka shaqeyneynaa oo xoogga saareynaa sidii aan wax ugu qaban lahayn dadka dhaawaca ah.”
Kumanaan ruux ayaa taga masjidkan Kha miis walba iyagoo ka qeybgala wax ay Suufiyii nta Pakistan ugu yeeraan "Dhamaal” oo u eg dikriga suufiyiinta Soomaaliya. Halka la qarxiy ay ayaa la dhi say sanadku marka uu aha1356, waxana ku yaal qabriga Syed Muhammad Us man Marwandi, oo ahaa suufi caan ahaa kaa soo ku magac dheeraa Lal Shahbaz Qalandar.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO SI RASMI AH ULA WAREEGAY XAFIISKA MUQDISHO
Madaxweynaha JFS Md.M.C/hi Farmaajo, ayaa si rasmi ah xilka uga la wareegay madax weynihii ho re ee Soomaaliya Md.Xasan Sh.Ma xamuud ke dib xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Madaxtoo yada ee Villa Soomaaliya.
Intii ay xilwareejinta socotay ayaa madaxwe ynihii hore Md.Xasan Sh.M/mud waxa uu ku wareejiyay Faylka Qaranka Madaxweynaha cusub Md.M.C/hi Maxamed Farmaajo. Xil ware ejinta ka dib, madax weynaha Soomaaliya Md. Farmaajo, ayaa uga mahad celiyey madaxwey nihii hore dedaalkiisii uu dal ka ku soo hogg aamiyey 4tii sanno ee uu xilka hayey, waxa uu na sheegay in Soomaaliya ay u bilaab atay wa qti cusub oo shaqo adag laga sugayo xukuum addiisa,
Mdaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan dowlad dhisidda Soomaal iya oo loo baahanyahay wada shaqeyn dhab ah oo ay yeeshaan shacabka iyo dowladda.
"Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka rabaa in ay fahmaan sida dowladda ay ugu baahan tah ay ta ageeradooda,. Waxaa lagama maarmaan ah in dowladda la siiyo waqti ku filan. Waxba kuma qaban karno bilo kooban laakiin waa inaan is cafinnaa oo aan u istaagnaa nabadga lyada iyo horumarinta dha qaalaha dalka. Dowl addu waa dowlad shacab." Ayuu yiri Madax weyne Farmaajo.
Madaxweynaha dalka, ayaa u mahad celi yey beesha caalamka sida mar walba ay uga go'an tahay garab istaagga Soomaaliya, waxa uu ballanqaaday in shacabka Soomaaliyeed uu u soo dhisi doono dowlad hanata kalsooni dooda, isla markaana la tartanta caalamka laa kiin shacabiga Soomaaliyeed ayuu u sheegay in iyagana looga baahan yahay in la tartamaan dadyowga kale ee aasaagooda ah.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Md.Xa san Sh.Maxamuud, ayaa u mahad celiyey dha mmaan hey'adaha dowladda, ciidammada Qal abka sida AMISOM, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caal amka oo uu xusay in la'aantoo da aan la soo gaari lahayn marxaladdan dimoq oraadiga ah.
DHAMMAAD
CIIDANKA DF OO DAGAAL KULA WAREEGAY DAARMACALIN
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Dagaal kula wareegay Degaanka Daarmac alin oo 30KM u jira Degmada Bardheere, inta uu socday Howgalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasa are dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay Degaanka ay la wareegeen Ciidanka Millitari ga ayaa ah degaan istiraatiiji ah, waxaana uu isku xiraa degmooyinka Garbahaarey iyo Baar dheere oo ka wada tirsan Gobolka Gedo.
Ciidanka Millitariga gaar ahaan Guutada 9aad ee Millitariga ayaana Howlgalkaasi ka fuli yay, sida ay sheegeen saraakiisha horkacey say. Gaashaanle Dhexe Maxamed Cadow Cali (Sanka) ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Millitariga ay kala wareegeen Shabaab degaankaasi, isa goo sidoo kale sheegay in How lgalkaasi ay ku dileen Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.
Waxa uu sheegay Gaashaanle Dhexe Maxa med Cadow Cali (Sanka) Howlgalkan inay ku soo furte en Hub ay Alshabaab lahaayeen waa siduu hadalka u yiriye.
KUURIYADA WAQOOYI OO DALKA MALAYSIA KA DALBADAY JAWAAB DEG DEG AH
Qoyska Kim JongNam ayaa laga dalbaday inay keenaan caddeyn hiddesidaha DNA inay u soo gudb iyaan dalka Malaysia ka hor inta aan meydkaiisa loo qaadin dalka Kuuriyada Waqooyi, sida laga soo xiganayo Booliska. Ku uriyada Waqooyi ayaa dalbatey in meydkiisa iyaga lagu wareejiyo.
Ma jiro qaar kamid ah qoyska xukuma dalka Kuuriyada Waqooyi ama qaraabadiisa u dhaw oo yimid dalka Malaysia si ay u caddeeyaan meydka Kim JongNam. Waxaan u baahana hay hiddesidaha DNA oo aan ka dooneyno qo yskiisa, ka hor inta aan meydka lagu wareejin, sidaas waxaa yiri Abdul Sam ah Mat oo ka tirsan ciidanka Booliska Malaysia.
Ninkan ayaa lagu diley garoonka diyaarada ha ee Kuala Lumbur. Sida ay sheegayaan sir doonka K/Koonfureed waxaa sumeeyey nin kan kuwo ay soo tababaren sirdonka K/Waqyi.
MAAMULKA SOMALILAND OO UGA DIGEY SAXAFIY IINTA IYO SIYAASIYIINTA U SAFRIDA MUQDISHO
Maamulka Somaliland ayaa uga digey sax afiyiinta iyo dadka siyaasada ku jira ee ka soo jeeda Somaliland inay u safraan caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Wasiirka war faafinta maamulka Somaliland Cusmaan Cab dullaahi Saxardiid Cadaani ayaa soo saaray di gniintan isagoo sheegay in aan loo dulqaadan doonin in siyaasiyiinta iyo weriyeyaasha iska tagaan muqdisho isla markaana ay ku soo laa btaan M/Hargeysa iyagoo gacmaha kula jira waxyaabo lidi ku ah danaha M/ Somaliland.
"Waxaan go’aansanay inaan ka go’ono dal ka Soomaaliya isla markaana aan laga yeeli doonin dad ka ku xadgudba dowladnimada Somaliland.”ayuu yiri Saxardiid. Dhowaan ay aa M/Somaliland waxa uu xabsiga u taxaabay weriye Cabdimaalik Coldoon kaasoo lagu xirey M/Hargeysa ka dib markii uu ka soo laabtay M/Muqdisho halkaa oo uu ka mid ahaa taagee rayaasha Madaxweynaha dhowaan la door tay ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
CIIDAMO BURUNDIYAAN AH OO HOR LEH OO SOOMAALIYA LA KEENAY
Ciidamo Burundian ah oo hor leh ayaa Soo maaliya la keenay kuwo horay u joogayna waa la qaa dayaa. Ciidamadaa oo la keenay khami istii Soomaaliya ayaa tiradoodu dhan tahay 952. Waxay bad alayaan tiro intaa dhan oo ha wlgal hal sano ah oo ay u joogeen Soomaaliya uu idlaaday kana tirsan AMISOM.
Dhammaan ciidamada Burundi ee qaatay ta babar la xiriira nabad ilaalinta ayaa loo ogol ya hay inay arimaha nabad ilaalinta u aaddan a ma loogu diro daafaha caalamka oo dhan. Burundi ayaa ka mid ah dalalka ciidamada AMISOM ay kakala yimaadaan.
SOOMAALI DAWLADA MOZAMBIQUE AY DAMAC SAN TAHAY INAY MASAAFURISO
Dad Soomaali ah oo ku noolaa Mozambique ayaa dawlada dalkaasi damacsan tahay inay Soom aaliya u masaafuriso. Ilaa lix qof oo Soo maali ay kujiraan ayaa booliska dalkaasi ku xir ay G/Nampula kuwaasoo ay D/Dalkaasi inay masaafuriso dooneyso. Dadkaa ayaa dhamma antood ajnabi ah oo shar ciyo ay kujoogaan aanan haysan.
Dhanka kale, dad Soomaali ah ayaa shil ku dhintay isla dalka Muzambique goor ay gaari ku safraye en.Gaarigii ayaa shil la galay waxaa na halkaa ku dhintay dhowr qof oo dadkaa ga ariga ku safrayay ah. Soomaalidaa ayaa ka soo dagay garoon diyaaradeed oo kuyaala go bol ka mid ah gobolada dalkaa ka hor intii ay san meeshii kale ee ay u socdeen inta gaari u raaceen gaarigii uusan la qalibmin.
Dadka dhintay ayaa iminka lagu soo war amayaa in dalkaa lagu xabaalay. Soomaali ba dan ayaa ku nool dalkaasi Muzambique kuwaa soo halkaa ka ganacsda kuwo kalena waxay had iyo jeer u yimaada an inay ganacsiyo hal kaa ka abuuraan.
XILDHIBAANADA SOMALILAND OO WELI GO’AAN KOODA KU TAAGAN
Xildhibaanadii diiday in ay codka kalsoonida u qaadaan Heshiiskii Somaliland ay la gashay D/Imaa raadka ee ku saleysnaa saldhiga Milli tari ee laga furayo Magaalo xeebeedka Berb era. Qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaan ka Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheeg een in weli ay ku adkeysa nayaan go’aankoo da, ayna ka soo horjeedaan Heshiiska Dowlad da Imaaraadka ay saldhiga ku furan eyso.
Sidoo kale waxa ay sheegeen xukuumada Axmed Siilaanyo inay fashilantay heshiiskaasi, iyagoo til maamay inta badan xildhibaanada in ay isku mowqif yihiin.
MUDANE FARMAAJOOW SIDAAD CALANKA LABADA GACAN UGU QABSATAY QARANKANA UGU QABO
Marka aad si miyir qabta u eegto kala wareegga maye isku wareejinta Han tida iyo halbeegga yaalla madaxtooyadda Waddanka ee "Villa Soomaalia” iyo labada Madaxweyne oo kala Guddoomaya talada ugu sarreysa gayiga Soomaaliyeed’ Waa "Ex Madaxweyne Md.Xasan Sh. Maxamuud iyo Madax weyn aha Cusub ee loo hanweynyahay Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo” Marka lagasoo tago sida ka muuqata biseylka siyaasadeed ee laba madaxw eyne iyo farxada wada jirka ah waa wax la bogaadiyo laguna faani karo dunida kale ee nagu xeeranna u gudbin aya Fikir ka duwan kii hore ay nooga haysteen Ee ahaa waddan fashilan(Failed state) iyo bulsho is cunta oo aan isu ogoleyn wada noolaa sho, laheynna Heykal dowladnimo iyo hammuun ummadeed ee hagi karta jiritaankooda qoomiyadeed.’
Haddaba annagoo og dhibka horyaala Dowladda cusub iyo hogaankeeda iyo Cadaawadda boqol jir saday ee ku qaangaaray dhulkeynna oo isugu daran Soo maali iyo Shisheeye dadka loo yaqaan (Deep State) ee aan marnaba raali ka ahe yn in la helo Dowlad iyo hoggaan Soomaaliyeed ee shaqeeya go, aank iisana ku kali ah. una madaxbannaanyahay qarankiisa iyo shaqada laga doo nayo inuu la shiry imaado, waanse ka dhursugeeyna sida uu uga xeeladeysto Md.Farmaajo iyo Lataliyayaashiiso waana loo diiwan gali doonaa madaxwey naha iyo hogaamint iisa hadduu wax qurxiyo hadduu wax qarribo lab adaba!
Haddaan usoo daadego ujeeddada ama dulucda Maqaalkeyga waxaa is oo jiitay habka iyo qaab ka Madaxweyne Farmaajo u qabtay Calanka markii Md.Xa san Sh. ku wareejinayay. wajigiisa waxaa la ga dheehan karay Ruux u hammuun qaba Calanka loo dhiibayo waliba si aan habacsanaan laheyn ay uu labada gacan ugu xajistay farahana kusoo laabtay si aanu uga dhicin dabeyl na ugusoo dhaw aan! Haddaan la xaqireyn Md.Farmaajo waxaa ka muuqday qi imaha Calanku uu leeyahay, waana Godka ugu horreeya ee laga ogaado sha qsiga rabitaankiisa iyo jaceylka uu u qabo Calaamaddiisa qarameed. maxaa yeelay Calanku waa suma ddii aan dadyoowga kale ee adduun weynaha uga soocneyn, haddii aad dhex ista agto kun qofood oo isku medeb ah laakin aad adigu wadato Calankaaga si sahlan oo aan warwareeg iyo wareer laheyn ayaa laguu aqoonsanayaa ama lagaagasoo dhex saarayaa. Sidaa awgeed Mudane Farmaajo sida uu Calanka u qabtay haddo ow Qaran kana labada gacan ugu qabto, waxaa dhaboobeysa riyadii iyo reyn rey ntii lagusoo dhaweeyay walina loogu mashxarradaayo.!
Heerka labaad ee xukunkiisa iyo rabitaankiisa qarannimo wuxuu ka dhaboo bi doona Qowsaarka labaad ee uu noosoo xuli doono waa Reysulwasaara ha,e waana meesha uu imtixaanka uga bixi do ono ama kula dhici doono! Waa meesha uu rejada Shacabkaan qiireysan ku dami doono ama kusii da ari do ono, Waa me esha lagu kala hari doono taageerayaal badanna dib u guran doonaan, ama kuwa cusub oo taageera ku kasban doono! waa meesha laga yi ri: kala reeb waa Cows ka Jiilaal! Alle hanoo ga dhigo kii aan uga baxno dhibka iyo raffaadka iyo dawers iga dadyoowga shisheeye ee aan marnaba dan noo aheyn.! W/Q/ Shiribmaal
2 CARRUUR OO WALAALO AH OO KU GEERIYOOTAY MADAAFIICDII LAGU WEERARAY MADAXTOOYADA
2 Carruur oo walaalo ah ayaa ku geeriyoo tay madaafiic hoobiyeyaal ah oo khamiistii du hurkii lagu soo weeraray Xarunta Mad axtooy ada Villa Somalia, xilli ay soo dhamaatay xafla dii xil wareejinta Ma daxweynihii hore iyo mad axweynaha cusub. Illaa 4 madfac ayaa ku soo dha cay agagaarka Xarunta Madaxtooyada, mid ka mid ah ayaa ku dhacay guri ku yaala xaafada 15May oo ku dhow Mada xtooya da, kaasoo ay ku dhintay 2 Carruur oo walaalo ah.
Wararka ayaa sheegaya in 2da waalid ay ku dhaawacmay firirka madaafiicda, dadweyne degenaa xaafada ayaa u gurmaday dadkan dan yarta ahaa. Guriga ay degenaayeen ayaa ahaa guryaha jiingad aha oo ku yaala degmada Wardhiigley, waxaa dadka goob joogayaal oo tagay guriga ay sheegayaan inay ahaayeen qoys dan yar ah. Iyadoo uu Mas’uuliyiinka tir san G/Banaadir ay ku eedeeyay in madaa fiic da ay soo tuureen AlShabaab, ayna ku dileen dad rayid ah.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO AMRAY IN LA BIXIYO MUSHAARKA CIIDAMADA D/SOOMALIYA.
Madaxweynaha Soomaliya M./C/hi Farmaajo oo amar ku bixiyay in la bixiyo Mu shaara adka Ciida mada kala duwan ee DFS. Ciidama da Booliska Soomaliyeed oo ah kuwa ugu sha qada badan ayaa nasiib u yeeshay inay hela an musha araa dkooda oo muddo aan la siinin, waxaa la siiyay lacago ga araya $200 oo dollarka Mareykanka ah askari kasta, waxaa loogu tuuray Taleefanadooda. Qaar ka mid Ciidamada Booliska Soomaliy eed oo helay lacagihii ay xaqa u lahaayeen oo la hadlay idaacada Simba ayaa sheegay in ay san helin wax musha ar ah bilooyinkii dambe, waxayna Madaxweynaha So omaliya Maxam ed C/laahi Farmaajo kaga mahad celiyeen sidii uu ugu fududeeyay helida mushaar kooda. Dhanka kale Maalinta Sabtida ah ee Maanta ah waxaa la bixin doonaan Musha arkii ay xa qa u lahaayeen ciidamada Malatariga DS oo dhankooda wax mushaar ah helin muddo fara badan. Xig asho simbanews.com
MADEIRA: XASAN SH. WAA HOGAAMIYE KUDAYASHO MUDAN
Wakiilka M/Afrika ee Somaliya, ahna Mad axa AMISOM Ambassador Francisco Madeira ayaa ku am maanay Madaxweynihii hore ee So maliya Md.Xasan Sh.Ma xa’uud isbedelka uu ku sameeyay dalka. Madeira ayaa sheegay in Md. Xasan Sh. uu horseeday in si nabad ah u dhacdo doorashada, ka dib markii uu qaatay go’ aan geesinimo leh, oo uu uga haray wareeg ga 2aad ee codbixinta. Ambassador Francisco Madeira ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sh.dal ka uu ka hergeliyay markii ugu horeysay mudo 47 sano hanaan do orasho oo dad ka ay deegaanadooda kusoo do orteen Xildhibaanada.
"Waxaan goobjoog u noqonay Doorasho ta ariikhi ah, oo Muqdisho ka dhacday 8da Bi shan Fe bruary, taasi oo ahayd mid ku dayasho mudan, oo aan ku amaa nayo Md.Xasan She ekh,’ ayuu yiri Ambassador Madeira. Wuuxuu sheegay in So maliya ay soo laabanayso, isla markaana ay hayso waddo ay ku gaari karto maa mul wanaag iyo Doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020.
GABAR SOOMAALI AH OO ISKA SOO SHARAXDAY MAGAALADA BOSTON
Maalmahan waxaa warbaahinta dalkan Mar aykanka si weyn ay u hadal hayeen gabadh Soomaaliye ed oo lagu magacaabo Deeq Maxamed Jibriil oo shaacisay inay u tartamayso xil dhibaanimada deeg aanka ee M/Boston ee Gobolka Massachusetts oo ku yaalla Waqooyiga Bari ee dalkan Maraykanka.
Tartanka Deeqo Jibriil ayaa kusoo beegmay iyadoo dadka qaxootiga ah gaar ahaan kuwa ka imana ya 7 waddan oo ay ku jirto Soomaali ya ay culays kala kulmeen wareegto kasoo ba xday madaxweyna ha waddankan Donald Tru mp.Khadka telefoonka ee Boston ayaa Ha aruun Macruuf uu ku warays tay Deeqo Jibril, waxaana uu ugu horrayn weydiiyey goorta ay go’aansatay inay tartanto
Waxaa igu dhaliyey waxyaabo badan anogoo ah qof aktif ka ah magaalada bosto oo la iga wada yaq aano wax qabadan u qabtay iyadoo ninkii madaxda ka ahaa yiri in uu u tartamayo meel kale ayaa wa xaa igu dhaliyey in boskaas oo banana aday oo aan is iri waad buuxin kartaa waxaan uu yahay boos kaani midaan qof ajn abi ah oo muslin ah ama soomaali ah aysan weligiis soo haweysanin inay in ay u tartamaan. waxaana qaban karaa waxyaabo ay ka mid yihiin amninga waxaan ahaa qof caafimaad ka soo shaqeysay, waxaan isku xiryayaa dadka boston hadii ay ahaan lheyd dhnaka amniga boliiska boosto anigoo ka mid ahaa 100 naagood helay leybar hud pod oo ana aktiv ka ahaa inta badan aan u doo aayey xuquuq dasoomaalida
Sidoo kale waxaay sheegtay in dareenkeeda y dad badnai soo dhaweeyeen, iyadoo tiri waxaan u sheegay naag xisbiga sidin howl oo iyadana aan u kaabeyn kareyn jiray markey magaaladeyna yim aadaan ayaan cod uga keeni jiray dadkey ga dadka ayaan u soo shirin jirya oo an ku dhihi jiray maqla ka diban go'aan ka gaara in aad u codeyneysaan,marka waa ay i ogaayeen in aan ahay qof dhaq dhaqaaq leh anigoo soomaalida bari jiray awoodda ay u leedahay codeynta mar kaa ka dib waxaan u sheegya naag ka mid ah xildhibaanada sida konsalka iyo na ag kale oo ka mid ah xidhibaannad afadhiya steteka 2daba aad bay ii soo dhaw eeyeen waxaayn igu dhaheen waan ku garab taaganahay hiil iyo hoo markaad is caleema saartna waan kuu loobin kareyneynaa rajada xisbigeyna aad bay u fiican tahay ayey tiri Inta ila dartameysa hal nin maahee inta kale waa wada dimogradic 2 nin waa isb aanish iyo 3 afrikaan ameerikaar ah, iyo anigoo ah democoradic ka nbej. sidee u arkataa amarka da ka qaxootiga laga soo saaray waan ogahay wax qti adag baa lagu jiraa, saasoo ay tahay mareykanku waxaa ay dhahaan qof wal iba waxaa ay u goan tahay boos anna aan ahaa magaalada qof ka muuq da, waxbadan u qabtay waqti adag iyo waqti fuduba waan is taahlinaa inaan isu soo sharraxno jagaad aan iyo jagooyin ka waaweynba
Amarka ka soo baxay traum waa i caawiyey miduhu waxaa uu i leeyahay ma waxaad u carareysaa in aad madaxweynaha tusto inaad is sharrixi karto postona ay ku dooran karto mise hadalada uu yiri baa ku dhiirri geliyey markaa waxaan ku jawaabyeywaxaa i dhiirri geiyey kartidii iyo wanaagii aan u qabtay magaalda poston waxaan ku kalsoonhay in ay dadk aposton i doorandoonaan xilli walbaon waxaan ku kalsoonhay in ay dadk aposton i doorandoonaan xilli walba
GOLAHA WASIIRADA MAAMULKA HIRSHABEELLE OO LAGU DHAWAAQAAYO
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble Siyaad ayaa la gu wadaa in uu ku dhawaaqo golihiisa Wasiirada todobaadkaan gudihiisa.
Ilo ku dhow Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa Risaala u sheegay in Madaxwey naha ka dib wadatashi uu muddo dheer uu la qaatay waxgaradka degan gobolada Hiiraan iyo Shabeelle Dhexe uu soo dhameystiray qeybo ka mid ah Liiska golihiisa Wasiirada. Maamulka Hirshabeelle oo Muddo dhi san ayaa wali yeelan golo Wasiiro, waxaana Madaxweynaha maamulkaasi uu dhowr jeer ka cods aday xildhi baanada in ay waqtiga Magacaabista golaha Wasiirada loo kordhiyo.
Madaxw eynaha ayaa ugu dambeyn lagu wadaa in uu ku dhawaaqo golihiisa Wasiirada todob aadkaan.


0 


WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 18-KA FEBARAAYO 2017-KA
MADAXWEYNE FARMAAJO OO SAFARKII U HOREEYAY DALKA UGA AMBABAXAYA (DALKEE AYUU TAGI DOONAA) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in safarkii u horeeyay uu dalka kaga ambabaxo, 7aad kadib markii loo doortay xilka