NO MORE ABGAAL {ABGAAL DAMBE MAYA} WAA ISIR FAQUUQ AAN LA MAHADIN DOONIN!

0
Friday February 17, 2017 - 13:21:51 in Maqaallo by
  • Visits: 1206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NO MORE ABGAAL {ABGAAL DAMBE MAYA} WAA ISIR FAQUUQ AAN LA MAHADIN DOONIN!

    Tacadi, xad gudub iyo meel ka dhac ayaa albaabka soo jabsatey, in sumcada la iska dilo ayaa bilaabatay, xaasidnimo ku saleysan wax isu quurid la'aan ayaa timid, naceyb ku aadan isir faquuq ayaa la afuufayaa, hadalo xanaf leh ayaa iska soo daba d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tacadi, xad gudub iyo meel ka dhac ayaa albaabka soo jabsatey, in sumcada la iska dilo ayaa bilaabatay, xaasidnimo ku saleysan wax isu quurid la'aan ayaa timid, naceyb ku aadan isir faquuq ayaa la afuufayaa, hadalo xanaf leh ayaa iska soo daba dhacaya, jaantaa rogan ayay wax walba u ek yihiin, arimahaasi muuuqanaya iyo kuwa kale oo aan wali soo if bixin ayaa af-bilow u noqdey isbadalkii dhacey.

 

Hal-heysaan wanaagsaneyn ayaa la soo hindisay, wax la yiraahdo "No More Abgaal” ayaa la keenay, macno ahaan kalmadaasi ayaa loola jeedo inaan mar dambe Abgaal xil sare loo ikmanin, isbahaysi qabiil ku dhisan ayaa la fahamsan yahay inuu horseed ka yahay arintaasi, dareen cusub ayay oraahdaasi dhalisay, faro isku fiiq fiiq ayaa bilowdey, kala shaki iyo is-aamindaro ayaa soo daahirtay, Madaxweynaha cusub ayaa loo bandhigay inuu ka digtoonaado kooxaha hal-hayskaasi dabadda ka riixaya.

La yaab ma laha, meel walba oo adduunka ka mid ah caddow waa joogaa, xaasid lama waayo, kooxo dulmi isku bahaysta waa la arki jirey waana laga adkaan jirey, ficilka hadda soo cusboonaadey waa feker haraadi ah, xilliga la joogo iyo casriga la marayo lama saanqaadi karo, suurta gal ma aha neceyb qabiil in lagu helo sed bursi iyo xilka Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Is urrusi, isku tashi iyo midnimo ummaddeed ayay kalmadaasi u keentay dadkii laga fogeynayay isbadalkii dhacey, kulamo iyo shirar looga arinsanayo faquuqa la keenay ayaa qabsoomay, dood, falanqeyn iyo is-tusaaleyn dheer kadib waxaa lagu heshiiyay in aragti midaysan laga yeesho cid walba oo doonaysa inay marin habaabiso masiirka shacbiga Soomaaliyeed.

Isku dayga ku aadan in beelaha qaarkood laga dheereeyo qaadashada xilka Ra’iisul Wasaaraha waa lagu hungoobayaa, cidna lagama xigo helida xilkaasi, haddii la xisaabtamo isla markaana la qiimeeyo fursadaha jira waxaa muwaadin walba u soo baxaya cidda mudan in la siiyo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda dhalan doonto.

Damac siyaasadeed waa la yeelan karaa, xaqa Qaranka waa loo siman yahay, ma qurux badna in xil dartiis la isu gefo, darajada ALLE ayaa bixiya, caqligu ha shaqeeyo, qalad waa dhacaa waana la saxaa, si looga daawoobo No More Abgaal waxaa haboon in cudur daar laga bixiyo isla markaana la joojiyo hadalada la isku weyn karo.

Soomaaliya waa wallaalo wada dhashay, lama kala maarmo, waa la isu baahan yahay, xilli xasaasi ah ayaa lagu jiraa, waxii dhacay waa dhaceen, is qadarin iyo is xaq dhawr ayaa dadka wada kaafin kara, nin wax noqonaya Alle ayaa og, dadaalku ma reebana, muwaadin kasta rabitaankiisa siyaasadeed waa u madax banaan yahay inuu u halgamo hase yeeshee raali lagama noqon karo in la isku xadgudbo.

—————————————————————–
By;- Shiiqaaloow Xasan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip